Aasiya bint Musahim – Boqoradii Mu’minada Ahayd


Xidigtii Sabirka

Waxay ku kortay boqoradu nolosha boqortooyada, waxayna aragtay dulmiga iyo xooga ay leedahay boqortooyo aan aaminsanayn Ilaahay iyo xukunkiisa. Waxay kusoo dhex kortay qowmkii diiday ee la dagaalamay xukunkii Ilaahay. Xigmada Ilaahayse waatii markasta guulaysata, Aasiya intaasoo dhan iyadoo arkaysa waxay ka dooratay nolosha boqortooyada iyo qasriyadeeda iimaanka ay aamintay inuu rabigaeed yahay Allaah Jalla Jallaaluh. Ilaaha abuuray kawnka iyo waxa kujira oodhan, waxay qirtay oo ay ogaatay inuuna qof bani’adama oo iyada lamidi inuuna noqon karin kay caabudi lahayd, iyadoon ka baqayn dhibta iyo cadaabka uu ugaysan doono adoonkaas iyada lamidi.

Aasiya Ilaahay haka raali noqdee waxay noqotay mid ka mida kuwa iimaanka Ilaahay Xumaanoodhan ka nasahnaaye loogu soo tusaale qaato, waxay ka mid noqotay xidigaha Mu’minadaha Islamka iyo muslimiinta guud ahaaneedba, iyaduu taas inoo cadaynayo Rabbigeen Caza Wajalla wuxuu ku yidhi kitaabkiisa kariimka’ah:

فقال : (وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلا لِّلَّذِينَ آمَنُوا اِمْرَأَةَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ابْنِ لِى عِندَكَ بَيْتًا فِى الْجَنَّةِ وَنَجِّنِى مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِ وَنَجِّنِى مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ)[التحريم: 11].

Rasuulkeenii suubanaa “Calayhi salaatu wasalaam” wuxuu ku sheegay xadiith sidan:

“أفضل نساء أهل الجنة :خديجة بنت خويلد، وفاطمة بنت محمد، ومريم، وآسية” [أحمد].

“Dumarka ehlu janada’ah waxaa u fadli badan Khadija bint khuwaylid, Fadima bint Muxammed, Mayama bint Cimraan iyo Aasiya” waxaa wariyey Axmed.

Hadii aanu usoo godo galo qisadeeda magaceedu waa Aasiya bint Musaaxim xaaskii fircoon (naclada Ilaahay korkiisa ha ahaatee).

Qisadeeda qaarkamida wuxuu Ilaahay swt inoogu sheegay qur’aanka markuu inoo sheegayey qisada nabi Muusa cs. Markii uu yimid guriga fircoon sanduuqii uu ku jiray Nabi Muusa cs ee ay soo qaadeen ciidamadiisii isla markuu arkay fircoon wuxuu amray ciidamadiisa inay dilaan, laakiin Ilaahay swt wuxuu sabab uga dhigay bad baadadiisa mu’minadii Aasiya ahayd oo markay aragtay ilamahan nuurka iyo quruxda ka muuqata ayuu Ilaahay qalbigeeda u galiyey jacayl aad u wayn iyo raxmad markiiba waxay guda gashay siday uga bad baadin lahayd dilka, iyadoo ka dhaadhicinaysa fircoon inuu daayo iyadoo keh, waxaa laga yaabaa inuu ina anfaco markuu waynaado oo aynu ka yeelano wiilkeena ee ha dilin. Amarka Ilaahay ayaa meesha ka socdaye isla markiiba wuu ka yeelay isagoon ogayn inuu Muusa cs noqon doono kuu ka baqayey inuu xukunkiisa iyo kibirkisu ku dhamaan doono.

Sida aynu soo sheegnay Aasiya waxay inkirtay oo ay hortiisana ka qiratay inuuna noqon karin Ilaah la caabudo ninkeedii ahaa gaalkiii ugu waynaa ee ilaahnimada sheegtay.

Markii uu Ilaahay “Xumaanoodhan ka nasahnaaye” usoo dhiibay Muusa cs xukunkiisa ee uu u yimid reer fircoon si uu u gaadhsiiyo risaalada Ilaahay Aasiya waxay ka mid’ahay dadkii ugu horeeyey ee aamina risaalada Ilaahay iyadoo awalba aaminsanayd Ilaahay “Xumaanoodhan ka nasahnaaye” markuu ogaaday fircoon iimaanka ay aamintay Ilaahay Caza Wajalla wuxuu amray ciidankiisii inay soo qabtaan oo ay cadibaan cadibaad mida ugu daran si’ay ugu cibro qaataan dadka raacay Muusa cs isagoo raba inuu dadka tuso xataa xaaskiisa inuuna u naxayn haday ilaah nimadiisa inkirto sidaa darteed ayuu u cadibayey cadibaada ta ugu daran ilaa ay kasoo noqonayso oo ay inkirayso rabbigeed. Aasiya “Alle haka raali noqdo” waxay dooratay inay u adkaysato dhibta yar ee jidhkeeda soo gaadhaysa aduunka si ay u hesho balaadhka iyo wanaaga jannada.

Fircoon wuxuu amray ciidankiisa inay dhulka dhigaan oo ay ku xidhaan afar dhagax (afar wax oo lagu kala xidho) kadinba ay jeedalaan sida ugu daran ee qof loo jeedalo. Aasiya “Alle haka raali noqdo” intaa way sabraysay iyadoo og waxa Ilaahay “Xumaanoodhan ka nasahnaaye” agtiisa u yaala, waxay Ilaahay ka bariday inuu uga dhiso guri jannada kana bad baadiyo fircoon iyo camalkiisa iyo qawmkan daalimiinta’ah ee caabudaya. Way istaahishaa Aasiya “Alle haka raali noqdo” inay ka noqoto dumarka janada ee waaray. Aasiya waxay tusaale ugu filantahay gabadhkasta oo diinteeda lagu cadibo, umaanan soo qorin qisadeeda in aynu ogaano taariikhdeedi balse in lagu cibro qaato oo aynu dhab uga dhigano Aasiya iyo dumrka saalixadaha’ah oodhanba Xidigaha mu’minaadka ee ku caanka noqday geesinimada, wanaaga, dahaarada, sabirka iyo iimaanka. Waxaan u hadiyadaynayaagabadhkasta oo Ilaahay darti loo cadibay gabadhkasta oo moodaysa ama aamintayba inay xidigaha samankani yihiin kuwa lagu tilmaamay xidigta fanka xidiga kubada cagta xidiga heesaha iyo waxa aan Ilaaha agtiisa ka ahayn kuwo dhaw bal ah kuwo la fogeeyey ficilkooda iska dhaaf xidig inay gaadhaane.

Hadaba saw ma fiicna inaanu qirano oo aanu ku dayano xidigaha Islaamka iyo inaanu ku biirno xidigaha nolosheena inoo nuurinaya?

Qofkii raba qisada xidigta Aasiya wuxuu ka helayaa kitaabaka Qur’aanka’ah iyo tafsiirkiisa.


Ina Sheik
Ina Sheik