Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa fikrado yaryar oo aad boorsadaada ku nidaamsan karto.
Waa muhiim in xanjo ama nacnac yar yar aad ku sidato shandada. Markasta oo aad dareento in afkaagu qalalay ama urtiisu is badashay, waxay kuu noqonaysaa gargaar degdeg ah. Marka uu hargab kugu dhacana, nacnaca Vicks-ka leh waa lagama maarmaan.
Waa muhiim in shandada uu kuu gu jiro cream. Waa hubaal inaad u baahanayso wakhtiyo muhiima. Noocyada ugu waaweyn waxaa ka mid ah mid aad marsato gacmaha iyo mid aad marsato wajiga kadib markaad waysada qaadato, iwm.
Aad iyo aad ayey muhiim u tahay in boorsada uu kuugu jiro tampons. Waa lagama maarmaan markasta, haddii aadan adigu markaa u baahnayn, waxay u badan tahay inaad la kulanto gabadh walaashaada ah oo baahi weyn u qabta.
Waa muhiim in boorsada uu kuugu jiro wax aad afka marsato oo subag leh, sida Vaseline iwm. Haddii aad ku nooshahay dhul qabow, waxaad uga sii baahi badan tahay dadka ku nool dhulka kale ee cimiladiisu dhexdhexaadka tahay.
Waa lagama maarmaan. Ku dadaal in shandadaadu ay markasta ku jiraan labadan shay. Waxaa laga yaabaa in aadan u baahnayn imika, laakiin waxa hubaal ah inaad la kulmi doonto mawqif aad ku badbaadin karto shay muhiima.
Udgoonku waa shay muhiima, haddii aadan xuduuda ka bixinayn. Sidaa darteed, waa muhiim in boorsada aad sidato laga helo shay udgoon sida perfume iwm.
Muraayad yar oo aan culays keenayni waa lagama maarmaan. Waxaad u isticmaali kartaa inaad xijaabkaaga iyo wajigaaga ku hagaajiso.
Haddii aad joogto u qaadato dawo, waxaa hubaal ah inaad iyada xasuusanayso. Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in aad shandada ku sidato kiniinada kaargooyaha ah ee aan keenayn culayska. Haddii aadan adigu u baahnayn, waxaad la kulmi doontaa qof aad u baahan markaas.
Waa muhiim in ilmahaagu uu boos ku yeesho si markasta oo uu is wasakheeyo aad diyaar ugu ahaato.
Waxaa jira waxyaabo ku anfacaya marar badan. Sidaa darteed, xasuuso kuwan haddii ay ku anfacayaan:
Guud ahaan, wax kasta oo aad ogtahay inaad u baahanayso waa muhiim in aad mar walba diyaar u ahaato.
1. Haku Qaadan Alaabo Muhiim Ah
Haku qaadan shandada alaabo muhiim ah ama qaali ah oo haddii lagaa xado boorsada ku keenaya dhib weyn. Tusaale: lacag badan, dahab, waraaq ay kuugu qoran yihiin lambarrada sirta ah iyo wax kasta oo haddii lagaa xado aadan dib usoo celin karin.
2. Nadiifi Shandadaada Mar Walba
Xasuuso inaad markaad muddo joogtaba nidaamiso boorsadaada. Wax kasta oo aad ogtahay inaadan u baahnayn, mid aad u baahan tahay ku baddal. Waraaqaha aad wax kusoo iibsatay ee ku iloowday shandada waxay keenaan nidaam-darro iyo inay u ekaato shandad “tacbaan” ah. Sidaa darteed, waa lagama maarmaan inaad kala gurto si culaysku uga yaraado.
Gunaanad
Boorsada dumarku waa nooc ka mid ah shakhsiyadaada. Sidaa darteed, ku dadaal inay shandadaadu ku matasho. Markii la arko boorsadaada, ha noqoto mid lagu garto qofkaad tahay. Hadalada ay nimanku ka sheegaan shandadaha dumarka ha dhegaysan. Waayo, haddii ay ogaan lahaayeen qiimaha ay leedahay, mar hore ayay samaysan lahaayeen mid iyaga u gaar ah!