Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Maqaalkani wuxuu guud ahaan ku socdaa soomaalida ku nool qurbaha iyo guud ahaan qoysaska soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ubadkeena ku dhashay ama ku koray qurbuhu waxay ku jiraan ubadka ugu badan ee la daba galo iyadoo lagu dhaleecaynayo nidaam xumo iyo in ayna aqoon qaabka loola noolaado dadka kale.
Waxbadan oo la inagu sheegaa waa run oo waalidka ayaa ka gaabiyey sidii ay ilmahooda ugu barbaarin lahaayeen inuu noqdo ilmo isku filan oo aan u baahnayn caawimaada dadka kale marka uuna la joogin ehelkiisa. Halkan waxaan kusoo qaadanayaa qodobo kooban oo iila muuqday inay muhiim yihiin.
Ilmo 4 sano ka wayn oo cunto afka loogu guraa waxay keentaa in ilmahaasi uu noqdo ilmaha ugu badan ee lagu xanto inuuna isku filayn marka uu joogo xanaanada ama iskuulka. Ilmahaas marka lasoo hor dhigo cuntadii wuxuu sugayaa in afka loogu guro cuntadaa, hadii uu isku dayo inuu isagu cuno kaligiina wuxuu wasakheeyaa waxa hareerihiisa yaala oo dhan.
Haddaba, ka waran hadii aad wali cuntada afka ugu gurto ilmo 10 jir ah oo aan isku filayn? Walaal ilmahaaga uga naxariiso inuu u eekaado doqon aan isku filayn oo bar inuu cuntada gacantiisa ku cuno isagoo 1 sano jira, adoon ka fikirayn guriguu iga wasakhayn.
Waa nooc aad u wayn oo ay ka hadlaan dadka ka shaqeeya meelaha caruurta lagu hayo. Ilmo sugaya inuu u yimaado in loo istijeeyo sidii uu guriga joogo.
Walaal, bar ilmahaagu inta uu guriga kula joogo sidii uu isagu u istijaysan lahaa isagoon cidna u sheegin, waxna aan wasakhayn.
Qolka uu seexdo ilmahaagu waa shay aad u muhiima oo aan laga maarmayn inaad adigu u hagaajiso. Waxaa iyaduna muhiima inaad barto ilmahaagu inuu isagu kala guro oo uu nidaamsado qolkiisa wiil iyo gabadh midkuu yahayba.
Bar dabeecad ah in markasta oo uu tooso aroortii in shayga ugu horeeya ee uu qabtaa inuu ahaado inuu hagaajiyo oo uu goglo sariirta ama meesha uu ka toosay. Taas isagana waxay u noqonaysaa dabeecad wanaagsan oo aad bartay oo anfaci doonta mustaqbalkiisa, adigiina waxay kuu noqotay inaad hawshii wax kasiisay ilmihii hawashiina ay kuu fududaatay. Da’ kasta oo uu ilmuhu yahay waa muhiim qodobkani.
Marka uu aroortii usocdo iskuulka ama xanaanada aad iyo aad ayey muhiim u tahay inaad barto inuu isagu labisto. Waxaa laga yaabaa inaad habsan tahay oo aad dagdagayso waana wax lawada yaqaano midkaasi in waalisku uu ka hawal fufudaysto oo uu isagu ulabiso ilmihii.
Walaal, inta maalin kasta aad samayn lahayd sidaa, maxaa diidaya hadii habeenkii aad sariirtiisa u dul saarto labiskuu bari xidhan lahaa? Waa sida ugu fudud uguna wanaagsan. Uga naxriiso in ilmahaagu uuna u eekaan mid doqona oo aan kabaha iyo jaakada midna xidhan aqoon marka uu joogo iskuulka ama xanaanada.
Ilamahaaga oo aad aroorkasta barto inuu soo labisto isagu inta aad quraacda u samaynayso, ogow in ilmahaagii aad gaadhsiisay isku filaansho iyo kalsooni buuxda oo uu ka qabo naftiisa.
Ku dadaal in ilmahaaga isagoo yar aad barto wax kasta oo uu isku filnaado, si uu qayrkii u anfaco hadii ay tii Allaah kuu timaado. Si uu u ahaado mid is dabari kara isagu.