Dareenka Cidlonimada: Ma Dareen Caadi Ah Mise Aniga Ayaa Khaldan?

Su’aal

Walaalyaal waxaan rabaa inaad iga caawisaan, marar badan waxaan la kulmaa dad, waan sheekeysannaa, waan qosolnaa, balse haddana markaan kaligay ahay, qalbigaygu wuu madhan yahay, cidlo aan la fahmi karin ayaan dareemaa. Ma anigaa khaldan mise waa wax caadi ah in qofku mararka qaar sidan u dareemo?”  Ilhaan, 26 jir, Muqdisho

Jawaab

Walaal Ilahaan marka hore waad ku mahadsan tahay su’aashaada. Waa wax caadiya inuu qofku marar dareemo cidla ama inuu kaligii yahay, hadii qofku uu markasta dareemayo sidaas ayaa mushkilad iyo xanuun ah. Hadaba waxaan isku dayeynaa inaan si cilmiyeysan oo sahlan kuugu jawaabno.

  1. Maxaa keena inaad farxad dareento marka aad dadka la joogto: Tani kaligaa maaha oo banii’aadamka dabeecadihiisa ayey ka mid tahay inuu jecel yahay wehelka iyo inuu ku dhex jiro dadka, waxayna calaamad u tahay cafimaad qab iyo wanaag. Hadiise qofku uu dareemayo cidla iyo niyad xumo marka uu dadka lajoogo, tan ayaa ah nooc ka mida xanuunada nafta ku dhaca kuwaas oo u baahan inuu qofku ku baraarugsanaado. Hadba sida aad sheegtay taadu uma eeka mid xanuun ee waa wax caadiya. Waxaan kugula tali lahayn inaadan wakhti badan lu bixin inaad maanta oodhan isa su’aasho maxaa iga siya.
  2. Maxaad  sameyn karaa?
  • Iska jir in aad naftaada eedeyso. Inaad dareenkan dareento maaha ceeb, mana ka dhigana inaad khaladan tahay. Tani waa calaamad naftaadu ay kuu sheegayso in aad u baahan tahay wehel iyo dad aad ku kalsoon tahay oo aad la sheekaysato mid macno leh.
  • Ogow qofka aad tahay iyo maxaad uga baahan tahay dadka kale? Waa lagama maarmaan inaad ogaato shakhsiyadaada iyo qaababka ay u dhaqanto naftaadu marxaladaha kala duwan ee aad marayso, sidaadarteed markasta ku baraarugsanow. Waxaa laga yaaba in markaad sidan samayso aad ogaato in aynaba ahayn wax markasta aad dareento iwm. Waxaa sidoo kale muhiim ah inaad ogaato fa’iido intee leeg ayey kuu leedahay inaad dadka kale la farxdo.
  • Kalsoonida: isa su’al ma kalsooni daro ayey kaatahay oo waxaad raadinaysaa inaad dadka is tusto inaad sidooda oo kale u faxi karto. Kasoonida aad naftaada u qabto iaad ogaataa waa furaha xalinta mushkiladaada.  
  • Waydii arintan qof aad ku kalsoon tahay. Dadka aad ku kalsoon tahay ee ehelkaaga ah ama saaxiibadaa waydii bal inay kugu arkaan waxyaabo isbadala oo ayna kugu aqoon. Inaad dadkaas la wadaagto arintaadu waxay ku siinaysaa kalsooni dheeraad. Waxaase muhiim ah in aanad ku degdegin tan oo aad iska hubiso marka hore wqofka aad u sheeganayso. Hadii ay kugu adkaato taasi waxaad raadsataa (therapist) waa hadii ay suurto gal tahay. Wadaagistaas aad dadkale la wadaagto ayaa keeni karta inay kaa qaadi karto culays weyn.
  • Dhinaca Diinta. Ogow qalbiga Ilaahay swt ku xidhan in uuna dareemin cidla meelkasta iyo cidkasta oo uu la joogo. Xidhiidhkaaga adiga iyo Ilaahay swt adkee oo aad ugu dadaal.

Ugu dambeyn:

Ilhaaney, dareenkaaga maaha wax ceeba oo aad ka xishooto, mana aha daciifnimo aad dadka kaga duwan tahay. Tani waxay ku tusaysaa in qalbigaagu weli nool yahay oo uu ubaahan yahay farxad iyo  kalsooni. Kalsoonidani waxay imanaysaa markaad ku dhex jirto dad aad jeceshahay oo kugu kalsoon iyagauna. Kuna dadaal inaad markasta qalbigaaga ku xidho Ilaahay swt.

Maqaalkan isagan akhriso: Sida Loo Dhiso Nolol Farxad Leh: 7 Talo oo Lagu Helaayo Xasillooni Joogto ah

Ina Sheik
Ina Sheik