Dhibaatooyinka Baraha Bulshada ee Soomaalida

Hordhac

Soomaalida Baraha bulshadu waxay noqdeen wax muhiima oo ka mid noqday nolol maalmeedka bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaanba dunida, gaar ahaan dhalinyarada iyo dumarka. Inkastoo Baraha bulshadu ay leeyihiin faa’iidooyin badan, haddana waxaa sidoo kale ku soo kordhaya caadooyin aan wanaagsaneyn oo saameyn badan ku yeeshay dhaqanka iyo caadooyinkii soomaalidu ay qdarin jirtay. Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa caadooyinkaas xun-xun iyo waxa ay soo kordhiyeen, wuxuuna dhiirrigelinayaa wacyigelinta iyo dhaqanka soomaaliyeed.


1. Faafinta Wararka Aan La Hubin

Qiyaastii laga soo bilaabo markiii ay soo baxeen telefoonadan casriga ah ee wata qalabka iyo macluumaadka ay u baahan yihiin wariyashaashu, waxaa sahlanaatay in qofkasta oo talefoonkan haystaa uu noqday wariye xor ah oo isu shaqeeya isagu. Waxaa tan sii sahlay horumarka uu kolba sii gaadhayo Youtube kaas oo fursad qiimo badan siinaya qofkii raba inuu is horumariyo.

Hadaba dadban si ay u helaan dad daawada wararkooda ama macluumaadka ay soo galinayaan, waxay si ula kac ah u faafiyaan warar iyo macluumaad an sax ahayn, iyaga oo ku raadinaya inay lacag sahlan ku helaan. Waxaa halkan ka baxay in lagu kalsoonaado warkasta oo lasoo galiyo baraha bulshada, iyada oo Youtube uu aad u adkeeyey sharciyada hadana waxaa markasta jira in aad u badan oo ka hela daldaloolo ay ku helaan sidii ay u faafin lahaayeen Fake News.

Tusaale: Dadka soomaaliyeed waxay u badan yihiin kuwo akhriya ciwaanada ama eega sawirada video-ga kaliya, sidaa darteed ay u rumaystaan waxa ku jira video-ga iyaga oo aan eegin xaqiiqda warkan ka danbaysa. Waxaa iyaduna muhiim ah in ay buuxaan dad badan oo raacaya dariiqa saxda ah, iyagoo dadka usoo gudbiyawarar iyo macluumaad lagu kalsoon yahay.


2. Aflagaadada iyo Xadgudubka (Cyberbullying & Online Harassment)

Dad badan ayaa bartilmaameed ka dhigtay baraha bulshada inay u isticmaalaan sidii ay uga aargoosan lahaayeen dadka ay isku xumaadaan. Video-yada ka hadla ama wata xanta iyo been abuurka dadka kale ayaa noqday kuwo laga daawasho badan yahay kuwa ka hadlaya tusaale ahaan sidiiaad u baran lahayd xirfad cusub oo kuu keeni karta horumar badan. Waxaad arkaysaa hal video oo u qof ka sameeyey qof ay isku xumaadeen. Isla video-gaas ayaa laga sii sameeyaa kuwo badan oo reaction ah. Sidaa waxaa kusii faafa caydii iyo xad gudubkii loo geysanayey qofkaas. Waxaa halkan ka cad dhaqamada cusub ee soobaxay oo ah, hadiiba aad lacag ka samayn karto waxba kaama galin qofkan sumacadiisa.


3. Muujinta Nolol Aan Jirin (Fake Lifestyle & Show-off)

Qaar ka mid ah isticmaaleyaasha baraha bulshada waxay u isticmaalaan inaya dadka tusaan nolol ayna ku jirin ama aynaba heli karin. Noloshan beenta ah ee ay soo dhigayaan bartooda ayaa keentay in dhalin yaro badan ay ku abuurayto niyad jab iyo cadaadis nolosha ah.

Tusaale:

  • Qurux waji oo beena iyagoo isticmaalaya face filters iwm.
  • Qurux jidh oo beena.
  • Lamaane is jecel oo isku faxsan marka kamaradu ayna hayna ah laba aan is arki karin.
  • Guryo iyo diikoor fake ah.

Waxyaabahan oo dhan marka la isku soo duudubo ayaa dhalin yaro badan ku riday niyad jab iyo heerkaas sideen ku gaadhaa.


4. Doodaha Wax Ku Oolka Ahayn

Dadkii isticmaalayey baraha bulshada ayaa badanaa u kala baxa laba kooxood oo iska soo hor jeeda iyada oo laga doodayo waxa ay daawadeen ama akhriyeen. Halakn la isooma kala hadho oo qabiil, nasab, cirdi, qoysk iwm ayaa lagau caayaa marka la kala fikir duwanaado. Waxaa la isoogu yeedhaa magacyo aan munaasab ahayn, halkii si xikmadle loo doodi lahaa waxaa loo badalaa cadaawad aan laga fikirin caqabada ka iman doonta. Waxaa marar badan doodu tagtaa heer qabiilo ay si dhab ah isoogu dhacaan, ragg iyo dumar iska soo hor jeedsada iyaguna iyagoo isoola baxay Ragg land iyo Dumar land.


5. Faafinta Dhaqamo Aan Wanaagsaneyn

Waxaa batay in baraha bulshada lagu faafiyo muuqaallo iyo qoraallo ka hor imaanaya dhaqanka suubban iyo xurmada bulshada. Wixii ay bulshada soomaalidu u arki jireen ceeb oo noqday wax lagu faano, xishoodkiina waxaa loo arkay wax dib u socod ah oo aan meel gaadhsiinayn.

Tusaale: Waxaa ahayd ceeb in cawrada banaanka loo soo saaro iyada oo aan la qaawinayn, maantase waxaa lagu tartamaa anigaa heblaayo qaarka danse iyo hore uga wayn ama video ka hadlaya Sinnada oo aan toos ahayn lakin maldahan iwm.


Gunaanad

Baraha bulshadu wa horumar usoo kordhay banii’aadamka oo waxay aad u sahleen xidhiidhka iyo isdhex galka caalamka. Hadana marka dhinaca kale laga eego waa horumar keenay in qoysaska iyo bulshadu ay sii kala fogaato, iyada oo qofkastaa gooni isu taagayo. Hadaba hadii aan si xikmadaysan looga faa’iidaysan waxay keenaysaa caqabdo aan laga soo kaban karin. Waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo badan oo looga hadlayo sidii looga faa’iidaysan lahaa looguna adeegsan laha wax qofka gaadh siinaya horumar iyo sharafba.

Ina Sheik
Ina Sheik