Dhibaatooyinka Xiriirka Masaafo Dheer

ASc.wr.wb,

Marka hore salaanta Islaamka aan kor ku xusay baan idinku salaamayaa walaalayaal. Marka xiga, aad baad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad wanaaga iyo khayrka noogu soo bandhigtaan. Intaas kadib, waxay tahay su’aasha aan doonayo in aad iga talo siisaan, walaalahayga muslimka ahoow, waa sidan:

In aan wiil muddo aad u fog, qiyaastii sannada shanaad afka la galay, aan xiriir lahayn kaas oo aan ku doonaynay in aan reer ku yagleelno. Dabcan, mudadaas way badantahay marka si loo eego taas, waxaan u aanayn karnaa calafkii baan weli la gaarin iyo iyadoo aan kala joognay laba wadan oo aad u kala fog. Markaasna isku imaanshahayagu adkaa, sababtuna ay tahay in aan labadayaduba ku jirnay waxbarasho.

Haddaan intaas guud ka baxo, waxay tahay talada aan idinka rabo: Xiriirkaas aan idin sheegay oo go’ay muddo bil iyo dheerada ah iyadoo masuuliyadda koowaad keenay wiilkaas aan wada soconay. Run ahaantii, waxaan ku balansanay muddo dhow guur. Waan jeclahay, dabcan isagana wuu i jeclaa oo xiligaas iguma lumin.

Haddana, ma garan karo niyadiisa. Waxaan ka walwalaa in badan. Arrintan jacaylka aan u qabo kaliya maaha, ee waxa sii dheer in arrintayda si cad ula socdeen familkayga iyo isaga familkiisa, isagana ay wada hadleen. Qayb ka mid ah reerkayga sida hooyaday, abtigey, iyo walaalahay ayaa arrintan ku lug lahaa. Anigana hooyadiis iyo walaalihiis.

Iyadoo ay ii sii dheertahay in wiilkan in badan arrimo badan iga caawiyey intii ka horaysay go’itaanka xiriirka. Waxaan ka yaabanahay in uu e-mail igu soo diray isagoo sheegay inuu doonayo in xiriirkii aan joojino. Anigana waxaan u sheegay in uu sababta ii soo sheego, balse nasiib darro ima soo jawaabin.

Even waan wacay dhowr jeer balse igama qaban. Marka, walaalayaal, maxaan ka yeelaa arrintaas? Maxayse ii arkayaan dadkiisa iyo weliba dad badan oo si cad ula socday arrintayda? Maadaama aan la ogayn siday wax u dheceen, anigana laftayda aanan garanayn waxa keenay arrintan, maxaa igula talin lahaydeen?

Mase dhacaysaa ballantii aan galnay in aan anigu wax dambiya ku yeelanayo maadaama aanan ahayn qofka ka baxay balantii?

Runtii iga raali ahaada qoraalka waan idinku badiyey balse faahfaahin bay iga ahayd, walaal.


Jawaab:
Walaal, kama xumin qoraalkaaga dheer, waayo waa sidaan rabnay inaad noogu faahfaahiso arrinta si aanu u ogaano sheekada oo faahfaahsan. Waadna ku mahadsan tahay taas, walaal.

Sahuur, walaalo, runtii waa wax laga xumaado waxaad sheegtay inuu si fudud kuugu dhameeyo sheekadii. Wax la aqbali karo oo wanaagsanna maaha. Shansano oo noloshaada kamid ah waa waqti aad u dheer. Waxaana yaab badan leh in uusan sababta kuu sheegin oo walwal iyo fakar kaaga tagay. Waxaa laga yaabaa haddii uu sababta kuu sheegi lahaa inaad qanci lahayd oo aad degi lahayd.

Sahuur, walaal, arrintaada waxaan kaa leenahay sidan:

La xiriir reerkiisa: Maadaama uu kaa goostay meelihii aad kala xiriiri jirtay, waxaad isku daydaa inaad guriga reerkooda aad kala hadashid, xataa haba ka xumaadee. Dhayal maaha sheeko sanado soo socotay inuu si fudud u fududaysto. Hana ka hadhin ilaa aad ogaato sababta uu sidan kuugu galayo maxay tahay. Ma cadaawad uu kuu qabay oo uu qarsanayaa jirtaa, mise gabadh kale ayuu bartay? Sabab la’aani ma jirto.

Ka ogow reerkaaga iyo reerkiisa: Waxaad tiri reerkiisa iyo reerkaagu inay isla hadleen oo ay arrintana ogyihiin. Haddaba, isku day inaad dhinaca reerka wax ka ogaato. Tusaale ahaan, walaal ama hooyo ha la hadlaan reerkiisa iyagoo iska waraysanaya caafimaadkooda iyo xaaladooda, kadibna ay wiilka waydiiyaan. Waxaa dhici karta in reerkiisu aysan ogaynba xaaladda dhabta ah.

Dad kale ha isku mashquulin: Dhinaca dadka waxna kaama galin, walaal. Taa ha isku mashquulin. Dadku waa kuwii hadli lahaa haddii aad guursanayso iyo haddii aad guursan waydo. Naftaada ku fakar oo wixii dan kuu ah samee. Intaadan Allaah caasiyeyn, waxaad rabtid samee, dadka ha ka fakarin.

Waa isagaa dambiga leh: Adiga wax eeda kuma lihid inay sheekadu dhammaatay. Isagaa qofka kaaga baxay ballanta oo la waayey. Isagaa dambiga ku leh inuu gabar 5 sano oo cimrigeeda ah kaga cayaarey. Haddii ay kuu cadaato in xiriirkiinu uu dhammaaday, waxaad u jeedsataa waxbarashadaada iyo naftaada si aad u iloowdo. Adigu kor isku qaad dhinaca diintaada, fikirkaaga, waxbarashadaada, iyo aqoontaada. Kor u qaad wakhtigaaga si wanaagsan.

Ku cibro qaado: Haddii ay kuu cadaato in xiriirkaasi go’ay, waa inaad ku cibro qaadataa oo mustaqbalka mar labaad ayna arrintaas oo kale kugu soo noqon. Iska ilaali sheekada aan sababta laheyn ee waqtiyada dheer qaadata.

Barashada qaldan: Waxaan umaleynaynaa in wiilka aydan si xeel dheer isku baran. Sababtoo ah, sheekada e-mail kuguma soo koobeen mana kugu noqdeen kadis wuxuu sameeyey. Waxyaabaha ka suuroobi kara iyo kuwa aan suuroobi karinba waad ogaan lahayd walaal.

Khayrbaa kuugu jira: Waxaa laga yaabaa, Sahuur, walaal, inayba khayr kuugu jirto inaad hadda kala tagtaani.

Ha is niyad xumayn, walaal. Aduunkan, labadii isu qorani waa kuwii is hela. Dadkana hadalkooda intaad gadaal ka tuurto, dantaada qabso. Calafkaaguna waa hubaal inuusan marna ku seegi doonin.

Ina Sheik
Ina Sheik