Dhibta Social Media iyo Soomaalida

Maxaad ka heshay toloow? Video-gan eeg.

In dhawaydba waxaad moodaa inay faan noqotay fadeexadii dadku. Qofbaa wuxuu arkayaa qof wax xun samaynaya oo video ama sawir laga soo qaaday isagoo is og ama aan is ogaynba, qofkii isagoon hubsanba markiiba wuxuu la boodayaa xantii loo soo diray, kadibna wuxuu tartan kula galayaa kuwa isaga la midka ah sidii uu uga badin lahaa ee uu u gaadhsiin lahaa qofkasta oo ugu jira qaybtiisa WAJI BUUGA. Goormay dadkii sidan bilaa dhiiga u noqdeen, qof nooloow maxaa argti kuu laaban? Goorma ayey noqotay fadeexadii dadku shay loo kala dheereeyo sii faafinteedu. Walaalkaaga muslimka ah ee la rabay inaad asturto ma wuxuu noqday shay aad ugu tartanto in suulka laguugu taago facebook iwm C.

Dadka qaar ayaa iska dhaadhiciyey waxaan rabaa inay dadku ku cibro qaataan sidaa darteed ayaan usii dirayaa. Subxaanallah… ma walaalkaa cawradiisa oo aad sii baafisay ayaad is leedahay ajar ayaad ku helaysaa? Miyaadan ka baqayn bari inaad noqoto adigu kii/tii lagu cibro qaadan lahaa toloow?


Maxaad Ka Heshay Toloow?

Dhacdooyin badan ayaa ku soo ifbaxa maalin kasta social media, iyagoo usoo baxaya  qaab aan fiicnayn, kuwo badan oo  ka mid ahi, ay ka buuxaan sawiro muujinaya anshax xumada iyo xishood darida ay dadka qaar ku dhacayaan. Dad badan ayaa is leh lacag aad ku heshide sawirrada ama muuqaalada dadka kale, sii gudbi si dad badani kuugu riixaan, iyagoo aan ka fiirsaneyn waxa ay dhib iyo dhaawac keeni doonaan aduun iyo aakhiraba. Maalinkasta oo aad furto socail media waxa hubaala ugu yaraan 5 fadeexadood oo ragg iyo dumarba ah inaad la kulanto.

Waxaad arkaysaa naagihii jidhkooda iibin jiray oo helay fursad ay kusii fasahaadiyaan dhalinyarada iyo dhalin yaradii soomaaliyeed oo noqday EY loo tuuran hilib qurdhmay.

Waxaa caadi noqotay oo aan la iskulaba yaabin  in si aan xishood lahayn loo isticmaalo baraha bulshada, iyadoo dadka qaarkood ay ka qeybqaataan faafinta sawirrada ama muuqaalada aan fiicnayn ee dadka kale, badankooduna ay ka baayac mushtarayaan. Miyey iloobeen in aakhiro ka danbayso dadkan.

Dadka qaar ayaa iska dhaadhiciyey inay faafinta sidaas ahi inay tahay wax wanaagsan, taas oo ay u arkaan inay dadka ku baraarujinayaan ama ku dhiirogelinayaan. Waxayse ilowsan yihiin fitnada ka dhalanaysa faaxisho sii faafi.

Inta gabadh Soomaaliyeed maalin kasta la wado sawirkeeda waad yaabaysaa. Waxaa waliba wax lala yaabo ah dad isku sheegaya wadaado inay ka hadlaan arimaha bulshada oo arimahaa dhex dabaalanaya. Ma waxaa lugu dayanayaa joornaalada gaalada ee ka shaqeeya xanta iyo fadeexadaynta dadka caanka ah. Hebelbaa heblaayo halkan la fadhiyey iwm.


Gunaanad

Umada wax wanaagsan u qabo oo usoo kordhi, ama Ilaahay ka yaab oo hilibka dadka ee aad ka dhigatay inaad kusoo caan baxdo, iska daa oo ha iloobin inay kula dhasheen ama ku dhaleen ama aad dhahashay GABDHO. Hadii ay tahay gabadhii Soomaaliyeed waxay kaa mudnayd inaad asturto oo aad waaniso.


Ina Sheik
Ina Sheik