Doorashada saaxiibka saxda ah

Su’aal:

Asc walaal, waxaan ahay qof dhalinyaro ah. Dhalinyaro badana waan aqaana, lakiin waxaan ka dooran la’ahay saaxiib. Sideen ku dooran karaa? Maxaanse ku doortaa? Mahadsanid.


Jawaab:

Isurooneey.com

Walaal Cabdi, marka hore waad ku mahadsan tahay su’aashaada.

Saxiibka wanaagsan waxaa inoo sheegay Rasuulkeenii suubanaa (SCW) inuu la mid yahay sida dukaanka udgoonka iibiya. Hadii aadan wax kasoo iibsan xataa, waxaad kala soo baxaysaa udgoon iyo niyad fiican.

Haddaba walaal, hadii aad haysato saaxiibo wanaagsan oo aad ka faa’iidaysato aduunkaaga iyo aakhiradaada iyaguna kaa faa’iidaysta, waxaan ku odhan lahaa ku dhaganoow inta aad awoodo.

Waxaad ogaataa niyada wanaagsan iyo daacadnimadu inay tahay shay aad ugu qaali ah saaxiibtinimada. Hadii aad ku kalsoontahay saaxiibadaa iyaguna ay ku tusaan kalsoonidaas oo kale, ku qanac oo ku kalsoonoow. Ogoowna walaal “DAACADI MA HUNGOWDO” ayaa hore loo yidhi.


Saxiibka La Doorto

Saxiibkaaga aad ogtahay inuu kaa war hayo markaad faraxsantahay iyo marka ay xaaladu kaa xun tahay, kaas ayaa ah saaxiib lagu tashan karo. Saxiibka aad ku xisaabtanto marka aad si run ah ugu baahan tahay adiga oo aan u sheegan dhibtaada ee kaa warhaya mar walba, kaas ayaa saaxiib la doorto ah.

Hadii saaxiibkaaga uu sugo inaad markasta hawlihiisa la qabato marka aad adigu u baahan tahayna yeesha cudurdaar, kaasi saaxiib maaha ee waa danayste dariiqa kugu sii gudbaya.

Hadii saaxiibkaaga markasta oo aad u sheegato mushkilad uu isna kaa horkeena tii “i qabsatay” iyo “maad ogtahay anaa waxa igu dhacay,” isaga oo aan taadii dhagaysanba, kaasina maaha saaxiib ee wuu isku kaa qufayaa bas.


Saxiibka Dhabta Ah

Saxiibka dhabta ahi waa:

  • Midka calaacalkaaga dhagaysta si aad u nafisto markaad u baahan tahay cid aad isku qufto.
  • Waa midka aan ku mashquulin sidii uu xal kuu siin lahaa markaad u calaacalayso, ee aan iloobin inuu ku dhagaysto bas.
  • Waa midka ku og ee kaa war haya markasta.
  • Waa midka aan sugin inta aad u sheegayso dhibtaada.
  • Waa midka sirtaadu ay ku wayntahay.
  • Waa midka aad ogtahay inaad ku aamini karto sharaftaada iyo maalkaaga.
  • Waa midka kula ooya ee kula qosla marka aad u baahan tahay labadaba.
  • Waa midka aan kula tartamin ee aan ku mashquulsanayn sidii uu u heli lahaa wax kasta oo aad hesho.
  • Waa midka aan lagugu xamanin meesha uu joogo.
  • Waa midka ku tusi kara marka aad khaldanto ee runta kuu sheega.
  • Waa midka waalidkaa iyo ehelkaa u arka inay yihiin kuwiisa oo kale.

Ina Sheik
Ina Sheik