Ha U Qaban Mas’uuliyadiisa Ninkaaga

Maqaalkan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa dhibaatada ay la kulmaan hooyooyinka Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan mas’uuliyad kasta oo ay reerku leeyihiin qaada, iyagoo aan badanka ka helin taageerada ay ka rabaan nimankooda. Dumarka Soomaaliyeed waxay aad ugu dadaalaan sidii ay u ilaalin lahaayeen reerka iyo horumarkiisa, laakiin waxaa soo baxa caqabad ah in mas’uuliyadii laga rabay ninka aysan inta badan jirin, taasoo keenaysa in gabadha ay dareento culayska dhammaan hawlaha guriga iyo korinta ubadka.

Talooyinka Gabadhaha la siiyo kahor Arooska

Gabadha Soomaaliyeed, inta badan, waxaa arooskeeda kahor la siiyaa talooyin badan oo ku saabsan sidii ay ugu adeegi lahayd ninkeeda si aysan marnaba ugu ogolaan inuu dhibtoodo. Talooyinkan dadka bixinayaa waxay ku dadaalayaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen inay mar walba kaligeed tahay masuuliyadeeda arrimaha guriga. Si kastaba ha ahaatee, aragtidan ayaa noqota mid ku keenta dhibaatooyin badan gabadhaha qurbo joogta ah, markay bilawdo inay masuuliyad walba iyadu qaado oo ayna u dayn ninkeeda qaybtiisa, iyadoo aan ka fiirsan cawaaqibta ay u keeni karto arrintani.

Isku Dayga Raali Galinta iyo Culayska Halka Ka Soo Baxa

Marka ay gabadhu rabto inay ku raali galiso ninkeeda sidii looga bartay dhaqankeena, waxay u aragtaa inay tahay raali galin, in hawl walba oo reerka, guriga iyo caruurtu ay mas’uuliyadeeda tahay mar walba. Maalinba maalinta ka dambaysa, culayskaasi waxa uu ka dhigaa mid ay ku adkaato inay hesho waqti ay nafteeda ku nasiso ama  ku horumariso nafteeda. Tan waxa ay dhalisaa in gabadhu ay dareento inay cidlo ku tahay nolosha qoyska iyadoo hawsha oo dhami iyada sugeysa, ninkeeduna uu ku mashquul yahay hawlo kale.

Sidee Ayey Ugu sheegtaa shaqooyinka uu qabanayo Ninkeedu?

Marka ay gabadhu doonayso in ninkeedu uu ka caawiyo hawsha guriga, waxay badanaa u sheegtaa si ay u muujiso inay hawshu iyadu leedahay. Tusaale ahaan, waxay dhahdaa “adeegbaan u baahanahay ee ii doon” ama “caruurtii iisoo kaxee.” Hadalladan ayaa mararka qaar sababa inay hawshu u muuqato mid gabadha ay leedahay, taasoo keenaysa in ninku uu u qaato in uu iyada u qabto balse aysan ahayn mas’uuliyad isaga ka saaran reerkiisa. Arrintan ayaa keenta in ninku uu si sahlan uga tago hawsha isaga oo aan dareemin in ay tahay wax isaga laga sugayo.

Wadajirka Mas’uuliyadda iyo Daryeelka Reerka

Waxaa lagama maarmaan ah in labadooda ay iska kaashadaan hawlaha reerka iyo daryeelka ubadka si loo helo qoys caafimaad qaba oo horumarsan. Marar badan waxaa dhacda in gabadhu ay isa saarto mas’uuliyado aan iyada saarnayn, balse ay ka dhaadhacsan tahay adiga waajibkaaga weeye.
Waxaa muhiim ah in gabadhu ay si deggan oo caqliyeysan ay  ugu sheegto ninkeeda inay jiraan hawlaha isaga laga doonayo, isla markaana aysan iyada waajibkeeda ahayn inay qabayo hawshiisa, ama ay tahay hawlo wadajir loo leeyahay.

Ka Fogaanshaha Inaad Isku Daydo Wax Walba Kaligaa

Haddii gabadhu ay isku daydo inay qabato wax kasta oo reerku ay u baahan yihiin iyada oo kaligeed ah, waxay ninkeeda u diraysaa fariin aan toos ahayn oo khaldan, taasoo ah in iyadu aysan uga baahnayn caawin, taasina waxay noqon kartaa sababta uu ninku uga sii fogaado mas’uuliyadda. Haddii gabadhu ay ka fiirsato oo aanay isku deyin inay wax walba qabato, waxay u fududaynaysaa ninkeeda inuu ka garab istaago sidii ay isoola wadaagi lahaayeen mas’uuliyadda.
Inta badan, nimanka qaar badan marka ay arkaan gabadha oo diyaar u ah inay hawsha guriga kaligeed qabato, waxay u qaataan inay tahay wax u sahlan gabadha hawsha oo dhan inay qaadato, halka ay ka ahayd inuu mas’uuliyaddiisa ka qayb galo.

Wanaajinta Isdhexgalka iyo Isfahanka Lamaanaha

Lamaanaha Soomaaliyeed waa inay bartaan sidii ay isugu taageeri lahaayeen hawlaha guriga iyo korinta carruurta. Xaqiiqda ah in gabadhu ay sida caadiga ah isku deydo inay wax walba kaligeed qabato iyada oo isleh waad  raali gelinaysa ninkaaga ma noqon karto hab nololeed caafimaad qaba.
Waxaa muhiim ah in gabadhu aysan u arag arrin yar inay ninkeeda si cad ugu sheegto mas’uuliyadda ka saaran reerka. Sidoo kale, haddii uu ka gaabiyo, waxaa lama huraan ah in ay si deggan ugu xaqiijiso inuu yahay mid ku waajib ah inuu arrimahaas wax ka qabto, kana mid noqdo.

Talada  Ugu Wanaagsan

Gabdhaha Soomaaliyeed waxaa ku habboon inay nimankooda ku baraarujiyaan muhiimadda ay leedahay in la qaado mas’uuliyadda wadajir. Hadday gabadhu dareento in ninkeedu si cad uga gaabiyey mas’uuliyaddiisa, waa in ay ka fekerto hadba waxa ay ka filan karto ninkeeda mustaqbalka fog.
Maadaama mas’uuliyadda reerku ay kaligeed kusoo ururtay waxy u badan tahay inay sababo dhibaato weyn oo nolosha mustaqbalka saamaysa, waxaa wanaagsan in ay gabadhu isaga dhigto mid og in hawlaha reerka loo baahan yahay inay labada dhinac iska kaashadaan si loo gaaro natiijo wanaagsan.

Gabagabo:

Ugu dambayn, gabadha Soomaaliyeed waa inaysan dareemin culays weyn oo la xiriira mas’uuliyadaha wadajirka loo leeyahay, waa inayna isu arag inay ku khasbanaato inay iyadu qaado shaqada oo dhan. Nolosha guurka waxay u baahan tahay in labada lamaane ay oggolaadaan inay mas’uuliyadaha isla wadaagaan si ay isugu kaalmaystaan. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in gabadhu ay ogaato in hawlaha laga rabay ninka inaysan ahayn  iyada masuuliyadeedao, balse ay xasuusiso marka uu gaabiyo hawshiisa oo aanay iyadu qaban.

Mas’uuliyaddu waa inay noqotaa mid loo wada diyaar garoobo, si loo gaaro nolol qoys oo farxad leh, oo caafimaad leh. Gabadhu waa inay ku adkaysato in mas’uuliyaddu tahay mid wadajir ah isla markaana aysan marnaba noqonin mid iyada kali ku ah.
Guurka wanaagsani waa mid labada lamaane ay si wadajir ah uga soo baxaan mas’uuliyadaha ka saaran oo ay aqoonsan yihiin mid kastaa waxa saaran xigiisa/xageeda. Haddii gabadha ay dareento in aysan helin taageeradii laga rabay ninkeeda, waxaa muhiim ah inay gacan ka dalbato qoyskiisa si ay u baraarujiyaan wiilkooda.

Marka ninka uu fahmo muhiimadda ay leedahay mas’uuliyadda wadajirka ahi, waxaa hubaal ah in uu la jaanqaadi doono hawlaha guriga iyo korinta ubadka. Xusuusnow, mas’uuliyadda nolosha waa inay noqotaa mid labada dhinac la wadaago. Ogoow haddii uu ninku ka gaabiyo shaqadiisa, waxay iyaduna ka fogaataa isku dayga inay isaga raali galiso iyadoo wax kasta kaligeed qaadayso.

Ina Sheik
Ina Sheik