9 Fikradood Naftaada Ku Cusboonaysii- Iska daa caajiska



Maka Daashay Maalintaada?
Maka daashay naftaada? Maka daashay sawirkaaga? Ma rabtaa is badal cusub?

Halkan waxaan kuugu hayaa 9 fikradood oo aad naftaada ku hormarin karto, si aad u hesho nolol macaan iyo dhadhansi leh.


1. Bilow Firfircoon

Tani ha ahaato maalintii u horaysay maalmaha kuugu hadhay aduunka, go’aanso inaad ku bilowdo maalintaada firfircooni iyo niyad wanaagsan. Wixii tagay ka yeel inuu tagay, waxaa hubaala inaad khaladkaagii wax kasoo barataye. Sidaa darteed, haku daalin naftaada wixii kusoo dhaafay marba hadaad ogaatay wuxuu ahaa khaladkaagu oo aad wax kasoo baratay. Ku dadaal oo isku mashquuli sidii aad usii wadi lahayd noloshaada. Wakhtigani waa wakhtigii aad ku mashquuli lahayd mustaqbalkaaga soo socda.


2. Badal Aroortaada Joogtada Ahayd

Badal aroortaadan isku midka wada noqotay oo wax kala duwan ku bilow aroortaada:

  • Salaada subax wakhtigeeda u soo kac.
  • Saacad ka hor soo kac si aad u cibaadaysato.
  • Qur’aanka akhriso salaada kadib ama ka hor.
  • Ku quraaco cunto aadan cuni jirin.
  • Banaanka u bax oo soo qaado hawo nadiifa.
  • Soo qubayso si jidhkaagu u dareemo daganaansho.

Muhiimada ugu wayni waa inaad samayso wax ka duwan aroorahaagii hore naftaadana faa’iido u keenaya.


3. Labis / Qaab Cusub

Ma yahay labiskaagu mid dadka oo dhami ay kugu barteen sanado badan ilaa aad caan ku noqotay? Hadda badal qaabka labiskaaga oo nooc cusub la imo.

  • Hadaad gabadh tahay, xijaabkaaga ha badalin ee midabka lagugu bartay badal.
  • Hadaad wiil tahay, badal labiskan ay gabdhuhu kaagaga cararaan (adoon Illaah cadho galinayn).

Badal qaabka aad timaha u goosatid adoon ka bad badinayn wiil iyo gabadhba (dabcan hadaad gabdh tahay timahaagu waa taashkaaga ee ha iloobin). Dadka ku takhasuska lehna ha iloobin inaad waydiiso ra’yigooda.
Badal midabada dharka ee aad caanka ku noqotay oo qaado midab kusoo baxaya midabka jidhkaaga iyo da’daada. Qaab hore oo aan lagugu aqoon la imo, adoo ixtiraamaya diintaada iyo da’daadaba (adoo 40 jira ha u labisan sida ay u labistaan 20 jirku; ceebay kugu tahay taasi).


4. Ka Dheeroow Saaxiibada Xun-xun

Jooji:

  • Sigaarka aad cabto.
  • Cuntada aan xadka lahayn ee aad cunayso.
  • Tvga iska socda 24ka saac.
  • Intenetka aadan wax ka faa’iidaysanayn.
  • Tiktok gan hawshaada oo dhan ku seejiyey.
  • Social Media han balwada kuu noqoday.
  • SMSka aad iska qorayso habeen iyo maalin wakhti munaasaba iyo wakhti aan munaasab ahaynba.

Wax kasta oo wakhtigaaga iyo jidhkaaga aan faa’iido u lahayn iska yaree oo hakuu xadidnaadaan. Isku mashquuli sidii aad u heli lahayd wax muhiima oo aad naftaada ku mashquuliso faa’iidana kuu leh adiga iyo muslimiintaba.


5. Bar Wax Cusub

Isqor iskuulada ama dugsiyada habeenkii iyo galabtii la barto, kooras cusub raadso ama wax barasho cusub.

  • Hadii aad raad raadiso waxaad ka helaysaa aduunyada waxyaabo badan oo xiiso leh oo aad wax ka baran karto.
  • Isku day inaad ka barato diinta wax aadan ka aqoon, luqad cusub, qaab cusub oo aad guriga u dhigato, sida dharka loo tolo, sida wax loo sawiro, cilmi nafsiga, buugaag cusub oo xiiso leh, gabayada, taariikhda islamka ama guud ahaanba iwm.

Waxa ugu muhiimsan ee aad barankartana waa Qur’anka iyo wax kasta oo diinta ku saabsan.


6. Hawo Gadis

Meel kaliya inaad ku eekaataa waxay keentaa cudur iyo noloshoo diiqad noqota. Hadii aad awood u leedahay, safar samee si aad usoo hawo gadisato. Waxaa hubaala maqnaashaha aad ka maqnaato gurigaaga iyo dadka kale ee aad soo dhex gashaa inay naftaada ku beerayaan firfircooni iyo farxad badan.

Hadii aadan awoodin inaad safarto, haka qadin naftaada inaad soo hawo qaadato wakhtiyada aad fasaxa tahay.

  • Soo wareeg meelaha geedaha badan.
  • Booqo beerta xayawaanka ama meelaha ay maraan togaga biyuhu.
  • Meel cusub kasoo cuntayso iwm.
    Hana iloobin inaad reerkaaga iyo caruurtaada la farxad galiso naftaada.

7. Koolkooli Naftaada

Usamee naftaada maalin aad kool kooliso bishiiba hal mar, jidhkaaga iyo ruuxdaadaba kool kooliso adoon midna xaqeeda kabadan siinayn.

  • Kool kooli dhinac cibaado iyo dhinac jidh ahaaneed labadaba.
  • Bishiiba saddex kasoon, soo cimrayso hadii aad awoodo, qof miskiina caawi, dhakhtar booqo, ama qubuuraha soo booqo iwm.

8. Tuur Wixii Tagay

Wixii tagay wuu tagay, mustaqbal nuuraya oo sacaado iyo farxad wata ku hammi inaad hesho.

  • Kala gur naftaada oo wax kasta oo cidhiidhi kugu haya iska tuur iskana fogee.
  • Wax kasta oo ku xasuusinaya dhaawac kusoo gaadhay iska fogee.
  • Saamax dadkii ku dulmiyey.
  • Qalbigaaga iyo calooshaadaba ka nadiifi cuqdada gashay.

Isku day inaad hesho nolol nadiifa, nolol ayna xukumayn wixii tagay ee cuqdad, xasad iyo nac ah.


9. Tawbad Keen

Tawbad keen markasta.

  • Markasta oo aad danbi ku dhacdo, ha kusii fogaan ee tawbad keen.
  • Shaydaanku hadduu kuu qurxiyo xumaan, Rabbiga usoo noqo.
  • Ha ka waaban inuu Ilaahay kuu dambidhaafo, waayo rahmadiisu waa weyn tahay.

Gunaanad:
Ku dhaqaaq mid ka mid ah fikradahan si aad u hesho bilow cusub oo naftaada u roon. Noloshu waa safar, waana adiga kan go’aaminaya sida uu u qurux badan yahay safarkaasi!

Ina Sheik
Ina Sheik