Waxaan Jeclahay Nin Xaasle, Maxaan Sameeyaa?

Su’aal: Hana

Waxaan jeclahay inaad igala talisaan, waxaan jeclaaday nin xaas leh. Markii hore waanu sheekaysanay waananu isku wanaagsanaanay, kadib waxa dhadhacday inuu gadaal gadaal usii gurtay, wuxuu sabab uga dhigayn inaan ku dabeecad adkaaday oo markaa aanu rabi in xaaskiisa kale igu labeeyo.

Waan ogahay kolay nin guur ka go’an yahay weeyaan waxan rabaa inaan isku soo noqono isna iima jeedo.

Dadka kale een wada dhaqanaa qofna igu ma tilmaamin inaan dabeecad xumahay.

Fadlan igala taliya, ma dhaafi karo wiilkaas.


Jawaab: Isurooneey.Com

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su’ashaada qiimaha badan iyo in aad noo dooratay inaan kaaga jawaabno. Walaal waxaan isku dayeeynaa Hadduu Alle idmo inaan kaa tala siino intaan awoodno.

Hana walaal anagu maanta kaala hadli mayno arintani ma xalaalbaa mise waa xaraam, waa wax cad sharciga Rabbigeen oo kadaba hadal meeshaas kuma jiro.

Arinta aanu rabno inaan kaala hadalaa waxay tahay dhibaatooyinka ka iman kara hadaad guursato nin xaas iyo caruur leh, sida aad su’aashaada ku cadaysayna waxaa muuqata inuu ninkaasi isaguba uu arkay dhibaatada ka iman karta iyo inuuna diyaar u ahayn xaas labaad. Marka uu ku leeyahay walaal waad igu dabeecad adkaatay, saw ma dhici karto walaal inuu rabo inuu ku dareensiiyo inuuna guur labaad rabin, sababtoo’ah hadii aydunba markii hore heshiiseen oo uu kugu ogaa dabeecadaada iyo waxaad tahay, jawaabtan maanta kumuu siiyeen ee walaal dib uga fikir qodobkaas. Waxaana fiican inaad waydiiso dhaga adayga uu ka hadlayaa muxuu yahay ma si uu isagu rabo inaad unoolaataan ayaad ku diiday mise waa iska xujo uu kaaga baxsanayo.

Walaal Hana jacaylku ceeb maaha khaladna maaha oo waa wax Ilaahay SWT uu ku abuuray adoomadiisa, laakiin dhibtu waxay tahay marka jacaylku uu galo boos aan booskiisii ahayn, ha u qaadan inaan ku leenahay inaad jeclaatay ninkaasi waxay ahayd khalad, waxaan kawadnaa walaal markii hore inaad ka fiirsataa fiicnayd.

Waad ogayd ninkani inuu xaas iyo caruur leeyahay

Si ay ahaataba waad u dareen sanayd in ninkan lagaaga horeeyey

Waad dareen sanayd inaad booska 3aad ama 4aad ee nolashiisa aad noqonayso, sababtoo’ah boosaska nolashiisa waalagaaga horeeyey

Waad ogtahay ood la socotay dhibaatooyinka ka yimaada guurka labaad ee Soomaalida khaasatan qurbaha


Hadaba Hanaay jacaylka maanta ku haya kaliya intaadan ku fikirin walaal, ku fikir oo isa su’aal

Mustaqbalka aan ninkan la qaybsan doonaa maku iraali galinayaa

Mise waxa maanta kuhayaa kaliyi waa xiiso iyo inuu ku cajabiyey, bari kamaalina wixii dhacayaa ha dhaco hadaan mar isaga helo

Intaadan isku qufulin wiilkan waan jeclaaday, is waydii marka hore sifooyinka aan ku jecelahay ma kuwaan raadinayaa

Dib isoogu noqo oo is waydii ninkan ma qaabkiisa, hadalkiisa, labiskiisa, dhaqankiisa ayaan ka helay, mise waaba kuwaan raadin jiray waxan oo dhami

Ninkani ma nin aanku faani karaa, anoon ka xishoonayn marka la iwaydiiyo xaas kale ayuu leeyahay ( taasi inay ceebtahay ulama jeedno ee ma waxaad ku faani karto adigu weeye adoon ka xishoon )

Ma u badheedhaysaa inaad caruurtaada ku korinayso aabo habeena la jooga habeena ka maqan.


Intaasoo dhan walaal isa su’aal oo marka aad go’aanka qaadanayso waa inaad u badheedhaa ama ka joogtaa, waayo hadaadanba isa su’aalayn maxaan ninkan u jeclaaday iyo maxaan ku jeclaaday waa dhibaato, waxaadna ogaataa in waxa ku hayaa uu yahay xiise ee uuna ahayn jacayl hadaadanba garanayn sababta aad u jeceshay maxay tahay.

Hana walaal saw ma ogid

In ninkan si kastood u jeceshahayba inaad boos yar nolashiisa ku yeelanayso, sabatoo’ah waa lagula wadaagaa

In dareenkaaga kaliya ood maanta raacdo adoon caqligaaga isticmaalini inay mashaakil badan kuu keeni karto mustaqbalka

In mushkilada aad usoo jiidan karto reerkaasi ay ka wayn tahay taad maanta adigu dareemayso ( jacaylkaaga )


Hana ugu danbayntii waxaanu kuleenahay, waanu dareemaynaa walaal waxa ku haya iyo mushkilada aad ku jirto intay leegatahay oo qalbigu marka uu wax jeclaado ceebaha kuu jecel yahay uma muuqadaan, oo horaa loogu maah maahay jacaylku wuu indho la’yahay, walaal waxaa jirta dumar badan oo adoo kale ah oo sidaadaas u jeclaaday nin xaas iyo caruur leh, hadana jacaylkooda ka hor mariyey in reerkaas dhisan ayna ku keenin burbur iyo mashaakil.

Hana hadiiba aad u arkayso inaadan ka joogayn ninkaas sida aad sheegtay, maxaa kuu diidaya inaad usoo ban dhigto arintaada isaga oo aad u sheegto dareenka aad xagiisa u hayso, laga yaabee inuu dib usoogu noqdee, hadiise aad ogtahay inaad iloobi karto ninkaas waana sida fiicane walaal ilow oo raadso nin kaligiiya oo ayna cidina qoorta ugu xidhnayn, nin adiga kaliyi aad boos ku lahaato noloshiisa guur. Hanaay walaal ka fikir oo aad uga fikir intaadan qaadin talaabo raad ku yeelan doonta noloshaada, intaad fikiraysana ha iloobin inaad tukato Salatu- istikhaara si Ilaahay kuu waafajiyo wixii kuu khayra ee kugu haboon, intaasi waxay ahayd sidaan u aragnay arintaada iyo intaanu awoodnay go’aanka iyo ra’yiga ugu danbeeyaana aduu kula yaalaa walaal, dadka aad ku kalsoontahay ama reerkiina ama dad daacad kuu’ah ha ahaadeene walaal latasho, intan ay Isurooneey ku tidhi kaliya haku ekaan.

Wabillaahi Tawfiiq.


Ina Sheik
Ina Sheik