Nin ayaan jeclahay, anigoo xaas ah

Magaca: Wardo

Walaal waxaan ahay xaas waxaana jeclahay nin Somaliyeed ruutina. Waan la socdaa in ay tahay dambi weyn, balse nafteyda haddii aan raaco waxaan jeclahay ninkaas. Maxaa iga siin kartaan talo ah? Fadlan.

Jawaab: IsuRooNeey.Com

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su’aashaada qiimaha badan iyo in aad IsuRooNeey.Com dooratay inay kaaga jawaabto. Walaal waxaan isku dayeeynaa, hadduu Alle idmo, inaan kaa talo siino intaan awoodno.

Walaal Wardo, waxaan aad ugu faraxsanahay inaad tahay, sidaan kaa aragno, qof uu qalbigeeda wanaag ku jiro. Waayo waxaad ogtahay arrintaas dambi-geeda sababtoo ah maadan dhihin “ila taliya” haddii ay kuula muuqan lahayn wax fudud. Horta taas aad iyo aad ayaan kuugu mahad celineynaa. Runtii haddii aad noo sii faahfaahin lahayd arrintaada, way sii fiicnaan lahayd oo waxyaalo naga qarsoon hadda ayaa noo fududaan lahaa.

Walaashayda qaaliga ahay, ugu horreyn waxaad ogaataa inuusan ahayn in wax la jeclaado iyo jacaylka laftiisuba wax ceeb ah. Laakiin, qaabkaad u isticmaasho jacaylka ayaa khalad keeni kara.

Wardaay walaal, maanta xalaal iyo xaaraan kamaala hadli mayno

Arrintaasi waa mid cad oo kuu muuqata adigaba. Markaa walaal, is weydii su’aalahan soo socda: Waxaa laga yaabaa inay kuu furaan albaabo aadan imika arag oo xal kaaga soo geli kara.

Dhibaato kasta oo timaada haddii aan la is weydiin siday ku timid iyo maxaa xal u noqon kara, waxay noqotaa dhibaato kale oo tii hore ka weyn. Haddaba walaal Wardaay, maxaa kugu kalifaya inaad bannaanka ka raadsato jacayl kale adoo gurigaaga ka heli kara jacayl xalaala oo Rabbigaa kaaga raalli yahay? (waa jacaylka ninkaaga).

Ma kalgacal iyo naxariis aad ka wayday ninkaaga ayaad isaga ka aragtay xagga ninkan?
Wardaay, ma waxaa jira inuu ninkaagu ku dayacay oo aad ka wayday waxaad ka rajeyneysay inaad ka hesho? Kadibna qalbigaagii uu raadsaday meel kale?

Ninkan aad tidhi waan jeclahay, sidee buu noloshaada ku soo galay? Sideebuuse qalbigaaga boos ugu yeeshay, goormuuse ku yeeshay?

Ma qof aad xiriir la yeelatay baa (aad wada hadasheen)? Mise waa qof aad hawada ka jeclaatay oo uusan xiriir (wada hadal) idin dhex marin kuna ogayn?

Ma laga yaabaa inuu ninkani kaa badbaadiyay dhibaato mar aad ku jirtay oo uu markaas raad kugu reebay naftaada, oo aad iska dhaadhicisay adigu inaad jeceshahay?

Waxaa wanaagsan walaashayda qaaliga ahay inaad is weydiiso su’aalahaas oo dhan si aad jawaabta u hesho. Markaasna aad u qaado tallaabadii ugu dambeysay oo Illahay raalli ka ahaa.

Tan kale, waxaad ogaataa Wardaay in naftu tahay mid cadow ah

Markasta waxay raadisaa waxa uusan Alle raalli ka ahayn iyo waxa aysan markaa gacanta ku haynin. Markaa walaal, adaa lagaaga baahan yahay inaad tusto wixii wanaagsanaa.

Wardaay, xalka adiga gacantaada ayuu ku jiraa oo is daweyn kara. Waxa kaliya ee aanu walaal kuu qaban karnaa waxa weeye inaan kuu iftiimino wixii kaa qarsoonaa. Nin aan ninkaaga ahayn inaad jeclaato waa arrin yar maaha. Alle SWT aad uga bari inuu qalbigaaga ka saaro ninkaas.

Teeda kale walaal, waxaan aad kaaga digaynaa inaad ninkaas u sheegto dareenka aad xaggiisa u qabto. Haddii aad u sheegto waxaa imanaya mashaakil badan oo aadan ka bixi karine. Waxaa laga yaabaa in sharaftaada la tuhmo oo la moodo in xiriir kale idin dhex maraye. Aad uga digtoonow walaal, iskana jir in ninkaagu kaa dareemo arrintaas.

Wardaay, maanta waxba ha isku canaanan “sideen ugu dhacay khaladkan”. Waxaad isku taxalluujisaa sidii aad qalbigaaga iyo noloshaadaba uga saari lahayd. Meel kasta oo kuu keeni karta inaad la kulanto ninkaasna walaal ka fogow. Ama guriga ha yimaado ama shaqo aad isku aragtaane, aad uga dheeroow meelaha uu joogo si uuna shaydaanku kuugu waswaasin markasta oo aad aragto.

Wardaay, naftu waa cadow walaal

Isku day in jacaylka aad xaggiisa ka dareemayso aad ninkaaga ku badasho. Markasta oo uu qalbigaaga ku soo dhaco, eeg indhaha ninkaaga oo ka raadi baahida kuu qaban karta ninkale, qalbigaagana u fur ninkaaga.

Ugu dambeyntii

Waxaan ku odhan lahayn walaashayda qaaliga ahay, inaad Illahay SWT ka barido inuu kuugu beddelo jacaylka aad ninkaas u qabto jacaylka ninkaaga. Qalbigaagana kuu sugo, oo uu kaaga bi’iyo wax kasta oo uusan raalli ka ahayn. Dhibaatada nafta, hawada, iyo shaydaankana kaaga badbaadiyo.

Ina Sheik
Ina Sheik