Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Marka hore, walaal salaan aad u qiimo badan ayaan idiin soo dirayaa bahda website-kan Isurooneey. Salaan ka bacdi, walaal, waxaan si sharaf leh idiinka codsanayaa inaad ila xalisaan mushkiladan i haysata ee ah guurkii oo igu adkaaday.
Walaal, waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo ku jira jaamacad ka baxsan waddankaygii hooyo. Walaal, waxaan isku dayay dhawr jeer inaan guursado, hase yeeshee mushkilka i haystaana waa:
Qodobkan ugu dambeeya haddii aan idiin sharaxo, aniga oo walaal raba inan qurux badan, diin wanaagsan, akhlaaq fiican, mutacalimad ah ilaa heer secondary, iguna gasha marxaladan adag ee aan ku jiro oo haddii Alle yidhaa an dhawaan ka bixi doono. Walaal, hablihii waxay noqdeen hablo rabo maal aduunyo oo aan dan ka lahayn mustaqbalkooda dambe.
Walaal, waxay ila tahay inaan hadalkii aan badiyay, walina si fiican ugama aanan hadal, amase umaan sheegin dhibaatooyinkaygii, se intaas oo kaliya ayaan ku soo gabagabaynayaa. Waxaan rajaynayaa inaad fahmi doontaan inta anaan ka hadal.
Walaal Xasan, waad ku mahadsantahay inaad talo na weydiisay oo warqad inoo soo dirtay. Waxaan rajaynaynaa inaan si fiican kuugu jawaabno oo ku anfaco adduun iyo aakhiro.
Walaal, arrinta ku haysata waxaa ku nool wiilal badan oo la mid ah kuwaas oo raba guur dhinacna waxbarashadooda wata, kuna adkaato inay helaan gabar ay isfahmaan ama ogol sida ay ku nool yihiin.
Guurku waa wax fiican oo lagula taliyo dhalinyarada, laakiin dhinacna waa masuuliyad iyo tarbiyad carruur iyo guri dhisid. Ubadka iyo hooyada waxay kaaga baahan yihiin masruuf iyo xanaano, maadaama aad tahay ninkii guriga.
Inta aanan talo ku siin, waxaan ku weydiinaynaa su’aalahan:
Waxaan rabnaa inaad ka fikirto su’aalahaas, sababtoo ah maadaama aad tahay ninkii guriga waxaa kugu saaran masuuliyado badan.
Waa muhiim inaad usheegto ehelkaaga oo la socodsiiso inaad guur rabto. Talo ka qaado ehelkaaga; waxaa dhici karta inay ku caawiyaan oo kuu guuriyaan oo kuu masruufaan. Waxaa kale oo dhici karta inay ku yiraahdaan guurso, laakiin shaqayso, anaguna kuma caawin karno.
Haddii ay dhacdo in ehelku aysan ku caawin karin, diyaar ma u tahay inaad jaamacad iyo shaqo isku wado? Sababtoo ah guur dhaqaale la’aan ma soconayo.
Waxaan kugula talinaynaa inaad marnaba jaamacaddaada joojin. Waxaad ku guursan kartaa haddii Ilaahay kuu qaddaro, laakiin jaamacaddu waa mustaqbalkaaga, naftaada, reerkaaga, iyo waddankaaga.
Waxaad tiri waxaad rabtaa gabar qurux badan, diin iyo akhlaaq leh. Lasoco, qofka 100% lama helo. Haddii aad hesho qof 70%-80% udhow qofka aad rabto, qaado oo inta kale adiga ku kab. Quruxdu waa nafta iyo ruuxda.
Ha iloobin inaad Alle barido oo ducada badiso. Nabigu CSWS wuxuu yiri, “Ka aan awoodin inuu guursado ha soomo,” markaa soonka badi, wuxuu kugu caawin doonaa.
Walaal Xasan, waxaan rajaynaynaa inuu Alle kuu fududeeyo oo aad hesho gabar fiican oo diin iyo akhlaaq leh. Ilaahay ku caawiyo, inshaa Allah.
FG: Hadaad su’aal ka qabto talooyinka ama aad rabto xiriir gaar ah, markasta diyaar baanu nahay.