Wiilkaygu Waa 15 Jir, Wuuna Iga Sii Fogaanayaa – Maxaan Sameeyaa?

Su’aal:

Asc Isurooneey,

Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo leh wiil 15 jira. Muddoyinkii u dambeeyay, waxaan dareemayaa in xidhiidhkayagu kolba isa sii bedelayo, wuxuuna noqday mid aad iiga fogaaday. Mararkaa wax waydiiyo wuu xanaaqayaa, mana rabo inuu ila hadlo, waxaana dareemayaa inuu iga qarsanayo waxyaabo mashaakil ku haya. Waxaan rabaa in aan si wanaagsan ula dhaqmo wiilkeyga oo aan fahmo xaalada uu marayo, balse ma garanayo sida saxda ah ee aan ugu dhowaado. Maxaan sameeyaa si aan xiriir fiican ula yeesho, una fahmo dareenkiisa iyada oo uuna iga sii fogaan?

Mahadsanid,
Hooyo walaacsan

Jawaab

Walaal hooy walaacsan waad ku mahadsan tahay su’aashaada. Waxaan rajaynaynaa in talooyinkani ay kaa caawiyaan sidii aad si wanaagsan ugula dhaqmi lahayd wiilkaaga, iyo inaad fahamto marxaladda uu marayo.

1. Faham marxaladda uu ku jiro wiilkaagu

Da’da qaangaadhku waa mid xasaasi ah oo adag, khaasatan dhlinyarada ku nool wadamadan reer galbeedka. Taas waxaa sababa in isbeddello badan oo xagga dhaqanka iyo bulshada wadamadan qurbuhu ay keenaan, hadaba adigoo taas ku ixtiramaya wiilkaaga waxaa muhiim ah inaad fahamto isbadalada ku imanaya jirkiisa iyo maskaxeediisaba. Waa caadi in dhalinyaradu mararkan oo kale ay noqdaan kuwo si gaar ah u fekera, iyo in ayna si fudud kuula wadaagin dareenkooda. Tani lama macno aha inuu kaa fogaaday si ula kac ah, balse wuxuu u baahan yahay in si tartiib ah loola macaamilo. Adigoo kaashanaya fahamka aad ka haysato wiilkaaga, ilayn adiga ayaa soo koriyeye. Ogow waxa ka xanaajinaya ama ka farxinaya. Halkan waxaa mihiim ah in aadan marna ka tanaasulin kana aqbalin in aad tahay waalidkiisa oo aad ka mudan tahay ixtiaam iyo qadarin.

2. Xidhiidh wanaagsan la samaysta

Isku day inaad la qaadato wiilkaaga maalmo fiican oo uu kugu xasuusto, sida inaad banaanka ula dalxiisto, inuu suuqa kuu raaco, soo wada cuntaysaan iwm. Wakhtiyada aad ku jirtaan dalxiiskani waxay kuu sahli kartaa inaad  si nabad ah ula hadli katro adiga, isaga oo aan u dareemayn dalxiiskani inuu yahay mid aad rabto inaad la hadasho. Ha noqon qof mar walba saxaya ama canaanaya, maxaa yeelay taasi waxay sii fogeyn kartaa xidhiidhkiina. Isku day inaad hadalo yar yar oo kormeera aad uga bilowdo marka hore, ilaa uu kalsooni kaa helayo  si deggen oo furan markaa kadib ula sheekayso.

3. La wadaag waayo-aragnimadaada

Waxaa marar badan fiican in waalidku uu ilmihiisa la wadaago wayihiisii hore ee uu soomaray, hadii ay anfacayaan xaalada uu ku jiro markaas. Caruur badani waxay dareemaan in waalidkood aanu fahmin ama fahmi karin xaalada uu marayo iyo dhibta haysataba. Sidaa darteed way caawinaysaa inaad uga sheekayso dhalin yaranimadaadii iyo sidii aad uga soo gudubtay. Halkan waxaa muhiima inaan kaala taliyo in aanad uga sheekayn dhalin yaranimadaadii kuwii aadan ku faraxsanayn. Dhibaatooyinkii aad la kulantay iyo sida aad uga gudubtay, wax ayey u tarayaan, laakiinse hadii aad uga sheekayso danbiyadii iyo hadii aad waalidkaa ku adkayd, wuxuu is odhanayaa ilmuhu hadii ay hooyaday ay waalidkeed ku dhago adkayd markay yarayd waa iska caadi iwm. Tani waxay ka caawinaysaa bas inuu arko in aad fahmayso xaaladdiisa iyo inuuna kaligii ahayn.

4. La Soco Asxaabtiisa

Maadaama oo aad tahay waali waxaa muhiim ah inaad la socoto oo aad ka war hayso dadka dadka ilmahaagu uu la saaxiibayo, taas macnaheedu maaha inaad maanta oo dhan aad ka daba shaqayso ama aad ka hadasho. Si xikmad iyo wanaagleh ugu sheeg saaxiibada xun xun ee aad is leedahay way ka ahalayn karaan ubadkaaga, waxaad ogaataa in dhalin yaradu khaasatan marka ay yihiin da’da wiilkaaga in

5. Ducada iyo Talada Alle Ha Ilaawin

Ducadu waa hubka ugu weyn ee waalidka uu haysto. U ducee wiilkaaga, adigoo salaad kasta iyo markastaba xasuusanaya. Waxaad ogaataa in ducadaadu ay ka qiimo badan tahay waxkasta oo aduunka yaala, u ducee markasta oo uu wax kuu qabto iwm.

Gabagabo:
Hooyo, waxaad ogaataa in wiilkaagu uu ku jiro marxalad u baahan dulqaad, xikmad, faham, iyo taageero. Inaad ka walwasho inuu kaa fogaaday waa shay muhiima, waxaase ka muhiimsan inaad fahanto xaalada uu ku jiro, adigoo aan cadaadis saarin. Xidhiidh fiican dhis, dulqaad muuji, kana dhig mid aad is fahamtaan.

Ina Sheik
Ina Sheik