Inaad I Canaanato Wax Kuuguma Sheegan!

Jaamacadda Canaanta

Dad badan oo inaga mid ah waxaad moodaa inay jaamacado uga soo baxeen sida dadka loo canaanto. Qof khalad samaynaya wuxuu u baahan yahay cid uu kala sheekaysto, balse marka uu qof walaalkii u tago, wuxuu filayaa inuu helo taageero iyo talo. Inta badan hadalkiiba wuu bilaabayaa, balse ka hor intaan sheekada dhammaan, waxaa laga hor keenayaa canaan iyo qaylo aan wax tarayn.

Tusaale: Ilmahaaga Oo U Yimid Wixii Dhacay

Waxaa kuu yimid ilmahaagii oo ay isa soo dagaaleen ilmo kale. Intaadan sheekada dhageysan, waxaad ka hor keenaysaa canaan: “Doqon yohow maad iska celisid?” Maxaa diidaya inaad dhagaysato miskiinkan dareemaya ciil? Markasta oo aad canaan iyo xanaaq kala hortagto dhibka, waxaad u diidaysaa inuu noloshiisa kugu aaminayo.

Ilmuhu Maxay Wax U Sheegi Waayaan?

Waalid badan waxay ka calaacalaan caruurtooda inayna waxba u sheegan. Wali ma isweydiisay sababta? Markii ugu dambaysay ee ilmahaagu wax kuu sheegay, sidee ayaad ula dhaqantay? Haddii aad canaan kala hor timid, ogow ilmahaagu inuu ka qoomamaynayo inuu wax kuu sheego.

Isku Dhagaysta Oo Is Fahma

Qofka banii-aadamka ahi wuxuu u baahan yahay cid uu la wadaago hammigiisa. Haddii qof kuu yimaado, naftaada waxaa laga filayaa inaad dhagaysato, talo siiso, oo aad taageero. Canaantu waxay niyad jebisaa oo albaabada isku dhufata. Waxay burburisaa kalsoonida iyo xidhiidhka.

Canaanta Maxay Keentaa?

Ninkaaga oo adeeg u dirsatay laakiin aan kuu keenin, xaaskaaga oo maalin ku diiday, ama ilmahaaga oo wax kharibay — maxaa kuu diidaya inaad sababo ogaato intaad buuq iyo canaan kala hor iman lahayd? Canaantu waxay burburisaa qoysas, xidhiidh jaceyl, iyo kalsooni. Haddii mar walba qofka qalbigiisa laga xidho, ogow inuu kaa fogaaday.

Xalka: Isdaji Oo Dhagayso

Dhibaatada qoysas badan waxay ka timid wada-hadal xumo. Canaanta joogtada ah waxay ka dhigaysaa guriga meel aan daganeyn. Isdaji marka aad wax maamuli karto. Dhagayso dadka hareerahaaga si ay kalsooni kuu siiyaan, kadibna u sheekee adoo dagan.

Naftaada ka xoreyso caadada canaanta, si gurigaaga uu u noqdo meel jaceyl iyo daganaansho leh. Waxaad heli doontaa xidhiidh wanaagsan, caruur kuu sheega, iyo lamaanahaaga oo qoyskaaga si wacan ula dhisan.

Ina Sheik
Ina Sheik