Isbeddelka Bisha Barakaysan: Ramadaanka 1992–2024

Ramadaanka
Waxaa laga yaaba dadka ku nool wadamada muslimiintu inayna aad uga fikirin ama aan la su’aalin maxay Ramadaan kolba bil ugu soo beegantaa oo ay u oqon wayday bil taagan sida ciidaha masiixiga oo kale.

Marka aan dib u milic saday snadihii aan ku noolaa Yurub sida kolba wakhtiga ramadaanku isu badalayey, waxaa ii cadaatay isbadalka ka iyo kala duwanaan shaha sanadba sanad ee ramadaan ay bilanaysay ama dhamaanaysay.
Sida la wada ogyahay sandka qoraxda oo ah kan miiladiga iyo sanadka dayaxa oo ah kan hijriga waxaa u dhexeeya qiyaastii 10-12 maalmood sanadkasta. Tan ayaa keenta in bisha ramadaan oo ah bisha ugu caansan uguna barakaysan ay muslimiinta reer Yurub sanadkasta la kulmaan isbadal muuqda oo cusub.

Dad badan oo muslimiinta diintooda jecel ahi waxay uga faa’iidaysataan su’aashan uga imanaysa dadka aan muslimka ahayn inay diinta usii faahfahiyaan iyo dacwo dheeraada. Halaka muslimiin kae ay ku noqotay xujo oo uu ka tago soonkii isagoo xujo ka dhiganaya wakhtigu wuu dheer yahay iyo iwm.

Hadii aan is barbar dhigno ramadaankii 1995kii iyo 2016kii waxaad hoosk ak arkaysaa farqiga u dhexeeyey wakhtiga afurka.

Ramadaan 1995kii

  Suxuur (Fajr): 06:30 subaxnimo

  Afur (Maghrib): 16:50 galabnimo

Waxaad arkaysaa waxaa la soomayey 10 saacadood iyo 20 daqiiqo

Ramadaan 2016kii

  Suxuur (Fajr): 02:50 subaxnimo ( waa habeen badhka)

  Afur (Maghrib): 22:05 galabnimo ( waa habeenimo )

Waxaa la soomayey 19 saacadood iyo 15 daqiiqo.

Waxaad halkan ka arkaysaa farqiga u dhexeeya labadan sanadood:

  • Sanadka 1995: 10 saacadood iyo 20 daqiiqo.
  • Sanadka 2016: 19 saacadood iyo 15 daqiiqo.

Sidii aan hore usoo sheegnay waxaa dhacday in dad badan oo muslimiin ah oo u badan dhalin yaradu ay bilaabeen inay ka gaabiyaan ramadaanta laga soo bilaabo 2016kii oo la soomayey 20 saacadood oo dhow.

Markay bilaabantay in soonka saacadihiisu ay kor u kacaan Soomaali badan ayaa bilaabay in wakhtiyadan u safraan wadamo kale oo wakhti gaaban, wixii wakhtigaas aka danbeeyeyna waxaa caado noqotay in safarka ramadaanku uu noqdo mid lagama maarmaan ah, halka in badan oo kalena ay is bareen sidii ay ugu sabri lahaayeen wakhtiga dheer.

Taariikhda Bilashada iyo Dhammaadka Ramadaanka (1992-2024)

Sannadka MiilaadigaBilowga RamadaanDhammaadka RamadaanMaalinta BilowgaMaalinta Dhammaadka
19924 Maarso2 AbriilArbacoKhamiis
199322 Febraayo23 MaarsoIsniinTalaado
199411 Febraayo12 MaarsoJimcoSabti
199531 Jannaayo1 MaarsoTalaadoArbaco
199620 Jannaayo18 FebraayoSabtiAxad
19979 Jannaayo7 FebraayoKhamiisJimco
199829 Diseembar27 JannaayoTalaadoTalaado
199918 Diseembar16 JannaayoSabtiAxad
20008 Diseembar6 JannaayoKhamiisKhamiis
200127 Nofeembar26 DiseembarTalaadoArbaco
200216 Nofeembar15 DiseembarSabtiAxad
20036 Nofeembar5 DiseembarKhamiisJimco
200426 Oktoobar24 NofeembarTalaadoArbaco
20055 Oktoobar3 NofeembarArbacoKhamiis
200624 Sebtembar23 OktoobarAxadIsniin
200713 Sebtembar12 OktoobarKhamiisJimco
20082 Sebtembar1 OktoobarTalaadoArbaco
200922 Ogosto20 SebtembarSabtiAxad
201011 Ogosto9 SebtembarArbacoKhamiis
20111 Ogosto29 OgostoIsniinIsniin
201220 Luulyo18 OgostoJimcoSabti
20139 Luulyo7 OgostoTalaadoArbaco
201428 Juun27 LuulyoSabtiAxad
201518 Juun16 LuulyoKhamiisKhamiis
20166 Juun5 LuulyoIsniinTalaado
201727 Maajo24 JuunSabtiSabti
201816 Maajo14 JuunArbacoKhamiis
20196 Maajo4 JuunIsniinTalaado
202024 Abriil23 MaajoJimcoSabti
202113 Abriil12 MaajoTalaadoKhamiis
20222 Abriil1 MaajoSabtiAxad
202323 Maarso21 AbriilKhamiisJimco
202411 Maarso9 AbriilIsniinTalaado


Imisa Jeer Ayey Bil Kastaa Soo Noqotay ramadaan  (1992-2024):

BishaTirada Jeer
Jannaayo6
Febraayo3
Maarso3
Abriil4
Maajo3
Juun4
Luulyo3
Ogosto3
Sebtembar3
Oktoobar3
Nofeembar4
Diseembar4


Bilaha ay bisha Ramadaan Ku Wada Beegantay . Sida  sanadkan 2025 oo Maarso Ku wada  Jira

BishaSannadihii
Jannaayo1997, 1998, 1999, 2000
Febraayo1994, 1995, 1996
Maarso1992, 1993, 2024
Abriil2002, 2022
Maajo2019
Juun2016
Luulyo2013
Ogosto2010
SebtembarLama helin sannad Ramadaanku dhammaantii ku dhacay
Oktoobar2005
Nofeembar2003
Diseembar1998


waxaa jirta bil kaliya oo ayna Ramadaan ku soo wada beegmin bishaas marka la eego  mudadan 1992-2024 ➡️ Sebtembar waa bisha kaliya ee aan dhammaan Ramadaan ku dhicin muddo 1992–2024.

Gabogabo

Qiimaha iyo qaayaha ay leedahay bishani waa wax aan lasoo koobi karin, waxaa muhiim ah in la xuso farqiga u dhaxeeya wakhtiyada wadamada kala duwan ee muslimiintu ku soomaan, iyadoo la eegayo faa’iidada iyo nusqaanta ka dhalan karta wakhti kala duwanaanshahaas.

Ina Sheik
Ina Sheik