Lugooyo Ayuu Ahaa: U Rog Fursad Wax Kastoo Khaldamay

Waxaa dhacda marar badan in meel aad kusoo talo gashay in sidaad ka sugaysay uu noqon waayo. Waxaa laga yaabaa in wakhti aad iyo aad u badan aad ku isticmaashay sidii aad usoo gaadhi lahayd meeshaas iyada ah. Waxaa kale oo dhici karta inaad qof meel kula balanto, meeshii markaad tagto kadibna aad ogaato in qofkii uusan kuu iman karin.

Meel aad waxbarasho u tagaysay ayaad tagtay adoo safar dheer usoo galay, kadib markii aad timid ayaa lagu sheegay in maanta cashar uunan jirin oo lagu illoobay in lagu soo sheego.

Waa Maxay Lugooyo?

Tusaalayaashu aad ayey u badan yihiin. Haddii intaas aan sheegay oo dhan aad garatay, waxaa hubaala in ciwaanka maqaalka aad fahantay. Hadalka ugu horreeya ee aan lasoo boodno waa: “Lugooyo ayuu ahaa socodkaasi”, maxay iga soo lugooyeen iwm.

Waa runtaa oo socod kaa khasaaray oo lugooyo ah ayuu ahaa socodkaasi, waa haddii aad u eegto dhankaas oo aad ku fikirayso wakhtigaas wax kale ayaan uga faa’iidi lahaa.

Ka Fakar Dhanka Kale

Haddaba ka waran haddii aad dhanka kale ka eegto oo aad joojiso inaad dhinaca xun ka eegto.

Tusaale:

Socodkaas aad soo socotay saw ma ogid in jidhkaaga iyo naftaaduba ay u baahnayd? Waxaa laga yaabaa in aadan helin socodkaas oo kale maalintaada oo dhan. Saw ma fiicna in aad u eegto inuu kuu ahaa faa’iido oo aad jidhkaagii usoo raaxaysay?

Waxaa kale oo laga yaabaa in intaad dhexda kusoo jirtay aad la kulantay dad badan oo kala nooca ah. Qaar waad u qososhay, qaarna waad salaantay, qaarna waad caawisay.

Salaamu Calaykum qof aad ku tidhi oo kaliya ayaad ajar soo xeraysatay. Qof ay ka jajabnayd oo aad u qososhay ayaa laga yaabaa in maalintiisii oo dhan aad soo badbaadisay.

Adoo cadhaysan ama diiqadaysan ayaa laga yaabaa inaad baxday, markaad albaabka ka degto ayaad aragtay ilmo yar oo kuu qoslaya, kadibna adoon is ogayn ayaad u qososhay, halkaana aad ku illoowday diiqadii ku haysay.

Haddaba saw ma fiicna in aad iska dayso fikirka ah: “Haddii wixii aan u baxay aanan soo gaadhin, socodkaygaasi wuxuu ahaa lugooyo oo waxba kama soo faa’iidin.”

Micnaha Lugooyo

Ereyga lugooyo micnahiisa markaad u fiirsato wuxuu noqonayaa: “Lugtii ayaa isoo go’day.” Ka waran markaad aad u isticmaasho ereygaasi raadka uu ku yeelanayo noloshaada?

Dabcan kuma odhanayo sidan markasta u fikir, in kastoo ay fiican tahay in loo fikiro. Waan ogahay inaynu banii-aadam nahay. Markasta oo aad dareento diiqad kadib markaad la kulantay lugooyo oo uu ciil kaa qabto socodkii ama xoogii ama maalkii kaa baxay, isku day inaad dhinaca kale ka eegto oo aad baadho wixii aad kasoo faa’iiday.

Ka Faa’iidayso Qaacido Fudud

Qaacido ayaa jirta oo odhanaysa:
“Koobka biyuhu ku jiraan inta aad eegi lahayd intiisa madhan, u fiirso inta buuxda ee biyuhu ku jiraan.”

Waxaa hubaala in aad dareemi doonto daganaasho iyo xasilooni markasta oo aad la kulanto xaalad sidan oo kale ah.

Ugu Dambayntii

Ogow in noloshaada wax lugooyo ahi aysan ku jirin. Dhammaan dhacdooyinka aad la kulanto waxay wax kaa baraan ama kuu keenaan fursado kale oo aanad horay u arkin.

Ina Sheik
Ina Sheik