Maa Laguu Taliyaa? Fikirka Khaldan ee Gabdhaha Xijaaban

Maalmahan… fikirkaagii iyo caqligaagii maaha… caqligaa lagaa soo xday ee i maqal. Hmmm… Waa hadalo aan maqalno in badan oo maalmaheena ka mid ah.

Qofbaa sheegaya fikir ka duwan kuwa uu la joogo waxaa laga yaabaa in dadka badankooda uuna cajabin ra’yigaasi sidaa darteed waxaa waajib noqotay in isla markiiba qofkii lagu shaanbadeeyo…. YAAD LASOO SHEEKAYSATAY… dadka qaar markiiba waxay la soo boodaan waad deenishowdee (kolba wadanka uu joogo qofku) hadii aynu nahay dadka Soomaaliyeed waxaa inagu adag inaynu ogolaano fikir qofkale uu keenay, sidaa darteed waxaa sahlanaatay in qofkii ra’yi aan la maqal keena in lagu fogeeyo hadalada aan kor kusoo sheegay.

Qoys aabo iyo hooyo iyo caruur ka kooban ayaa wada sheekaysanaya, caruurta kuwa waawaynaaday ee xilkaska ah ayaa sheegaya ra’yi ka duwan midka reerkiisa. Odaygii ama islaantii ayaa markiiba lasoo boodaya… YAAD LASOO SHEEKAYSATAY MAALMAHAN. Hmmm ma khasabaa inaad qof lasoo sheekaysato si aad ra’yi cusub u keento, caqli aad kusoo saarto fikir cusub saw Illaahy swt kumuu siinin.

Gabadh iyo wiil ayaa guur ka wada sheekaysta, gabadhii ayaa wiilka ku tidhi waxaan rabaa inaad wakhti isiiso aan kugu soo ogaado dadka ku yaqaanana aan kusoo waydiiyo. Halka uu kaga farxi lahaa ihtimaamka ay siinayso isbarashadooda wuxuu markiiba lasoo boodayaa MIYAA LAGUU TALIYAA. ISKUMA KALSOONID MIYAA. IMA AAMINAYSID ANIGU WAXAAN KUU SHEEGAYO MIYAA iwm. Hadii uu sidaa isoogu kalsoon yahay maxaa diidaya inay iyaduna soo qanacdo, goorma ayey noqotay caqli yari iyo fikir lala yaabo inuu qof qof kale soo waydiiyo akhlaaqdiisa.

Laba kooxood oo fikirka diinta ku kala duwan ayaa koox waxay soo saartay Fatwo banaynaysa shay iyagoo daliil kooda haysta. Kooxdii kale ayaa markiiba lasoo boodaysa kooxdaasi way fogaatay oo waxa ay sheegayaan waxba kama jiraan iyagoo iyaguna haysta daliilkooda, koox iyaga ka mida ayaan ku qancin in si dabacsan loola hadlo sidaa darteed waxay aad iyo aad isoogu mashquulinayaan sidii ay u fogeyn lahaayeen ilaa ay gaadhsiiyaan kooxda kale meel aad u fog, qaarkood waxay ku tilmaamaan inay ridoobeen oo ay diintii ka noqdeen. Subxanallaah.

Sidii uu qofkastaa qofka kale fikirkiisa inuu canbaareeyo uu ugu mashquulsanaa ayey dadkii iloobeenba inuu Ilaahay swt iyagaba siiyey caqli ay ku soo saaraan fikir wax ku ool ah. Hadii aadan aqoon sida maskaxdaada loo carbiyo oo looga soo saaro fikir wanaagsan oo aad ku dhisi karto wadan iyo bulshaba, maxaa kuu diiday inaad ixtiraamto oo aadan xaqirin dadka kale maadaama oo ay keeneen fikir aad soo saari kari wayday adigu.

Inta ay bulsho bulsho kale ku ixtiraamayso fikirkeeda, inta qoys uu qoyskiida iyo ubadkiisa ixtiraamyo, inta qofba qofka kale ku ixtiraamayo ra’yigiisa waa marka aynu gaadhayno ixtiraam iyo horumar. Hadii qofka aad ra’yigiisa aad ku diidaysaa uuna diinta wax u dhimayn wax kaaga fiicani ma jiro inaad ku ogo laato ama ku ixtiraamto adoo kasoo hor jeeda fikirkiisa.

Reer galbeedka iyo fikirka ay ka qabaan Hablaha xijaaban !

Halkan waxaan kuguu soo gudbinayaa  saddex tusaale oo muujinaya, waxaa maalin kasta ay la kulmaan gabdhaha xijaaban ee ku nool wadamada reer galbeedka, kuwaas oo ku saleysan fikirka khaldan iyo cunsuriyadda laga qabo xijaabkooda iyo diinta Islamka, badanka dadka reer Yurub waxay u qabaan gabdhaha Muslimiinta ah ee xijaaban in ayna xoriyad ku filan haysan, oo ay u baahan tahay in la xoreeyo.

Leyla iyo Macallinkeedii cunsuriyada qarsoonaa

Leyla waa gabar Muslimad ah oo dhigata jaamacad Yurub ku taala. Waxay si joogto ah u xirataa xijaab, waxaana lagu yaqaan inay ka hadasho arrimaha bulshada iyo kuwa muslimiinta muhiimka u ah. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa loo xil saaray inay hoggaamiso mashruuc kooxeed ay ardaydu ku helayaan darajo fiican. Si kedis ah, macallinkeedii ayaa si cad ugu yidhi, ” Laylaay ma hubtaa in aad kaligaa go’aano qaadan karto, mise qof kale ayaad u baahan tahay inuu kaa caawiyo? Ardayda qaar ayaa qosol gaaban ku daray weedhahaas. Layla markiiba waxay go’aan ku gaadhay in ayna jaanis u siin fikirkiisa cunsuriga ah. Waana tusaale maalinle ah oo ay la kulmaan hablaha xijaabani.

In kasta oo Leyla ay si wanaagsan uga shaqeysay mashruuca, hadana kooxdii waxay sii wadeen in ay shaki ka muujiyaan awooddeeda. Xitaa marka mashruucii uu guuleystay, qaar ka mid ah ardadii waxay ku yiraahdeen, “Waxaa laga yaabaa inaad taladaas ka heshay qof kale, iyadoo toos aan loo dhahayn ra’yi ma yeelan kartid.” Leyla waxay dareentay niyad jab, inkastoo ay nafteeda ku qanacsanayd inay tahay waxani cunsuriyada kaftanka lagu hoos qariyo. Macallinkeedii sheekada bilaabay waligii kama raalli gelin hadalkaas dhaawaca ku reebay, sababtoo ah badanka ma dacwoodaan muslimiintu marka sidan loola dhaqmo.

Ina Sheik
Ina Sheik