Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Waxaa kusoo ag fadhiistay qof aadan aqoonin… “Ma fadhiisan karaa halkan?” ayuu ku weydiiyey. “Dabcan,” ayaad ugu jawaabtay. “Saaka waa qabow oo hawo xun baa jirta,” ayuu sii raaciyey. “Haa, shalayna sidaa ayey ahayd,” ayaad ugu sii jawaabtay. “Haa, sanadkan inuu ka qabow yahay kii horana u malayn anigu,” ayuu yiri. “Kii horaa igala qabooba aniga,” ayaad tidhi adigoo dhoola caddeynaya.
“Hmm, imisa sanadood ayaad ku noolayd halkan?” ayuu ku weydiiyey.
“Mudo aad u dheer,” ayaad ugu jawaabtay.
“Haa, luuqada sidaad ugu hadlaysaan ka gartay,” ayuu yiri isagoo sii hadlay.
Waad u dhoola cadaysay adoon jawaabin. Kadib, wax yar ayaad aamusteen. Intaas kadib, wuxuu ku weydiiyey, “Halkeed asal ahaan ka timid horta?”
“Somalia,” ayaad ugu jawaabtay.
“Haa, waa wadanka gaajadu ay ka dhacday,” ayuu yiri.
Waad aamustay. Reerkiinu ma joogaan halkaas? ayuu ku weydiiyey.
“Maya,” ayaad ugu jawaabtay adoo wajiga u xumaynaya. Kadibna, adigoo sii jeedsaday, waxaa maskaxdaada kusoo dhacay sawiradii aad habeen walba Tv-ga ka daawanaysay: caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ee gaajaysan. Waad qiirootay, adoo isa su’aalaya: “Maxay galabsadeen masaakiintaasi?”
“Alla Ilaahay i jecelaa,” ayaad tidhi. “Kuwaasiba saw adoomo Illaahay maaha? Ilaahoow u naxariiso masaakiinta. Maxaan qaban karaa anigu qof kaliyaan ahaye?” Kadib, ilmaa kugu soo istaagtay. “Bishan biilkaan diri lahaa tolow wax ma uga jaraa masaakiintaas?”
Adigoo weli maskaxda ku maqan, ayaa baskii aad ku jirtay istaagay. Waxaad kasoo dagtay baska adoo u sii socda dhinaca xafiiska aad ku socotay.
Lanbarkii ayaad goosatay. “Bismillaah,” ayaad ku dheertay. Kadib, waad fadhiisatay. Waxaa kusoo ag fadhiistay qof cadaan ah oo kugu salaamay, “Hi.”
“Hi,” ayaad ugu jawaabtay.
“Waa saf dheer,” ayuu yiri.
“Haa,” ayaad tiri.
“Waan ka xumahay dhibaatada wadankiina haysata. Lacag ayaan u ururinaa aniga iyo saaxiibaday. Shalay xaafad dhan ayaan ku wareegnay. Maantana waxaan ku balannahay inaan Facebook uga samayno page,” ayuu sii raaciyey.
Intaad faraxday ayaad soo eegtay adoo ku leh: “Maxaa kugu kalifay intaasoo hawla?”
“Waa dad bani aadam ah oo ii baahan,” ayuu kuugu jawaabay.
Qofkii oo hadalkii kuu wada ayuu lanbarkiisii gaadhay, kadibna wuu kacay.
Kadib, niyad xumo kale ayaa kugu dhacday adoo isa su’aalaya: “Ka waran halka uu gaalkii sidaa uga fikirayay anaguna Tv-ga ku eekaysanay inaan ka qiiroono?” Isla markiiba waxaad guda gashay inaad la hadasho saaxiibadaa adoo ku dhiirigelinaya sidii aad lacag ugu ururin lahaydeen walaalaha dhibaataysan.
Fikirkaagii waxaa laga soo dhaweeyey oo laga wada helay. Waxaad dareentay daganaansho iyo raaxo naftaadu ay ku faraxday.
Habeenkii, gabalku markuu kuu dhacay, waxaad wali maskaxda ku haysay sidii aad u bilaabi lahaydeen hawshaa. Waxaad ku fikiraysay fikrado badan. Waxaad sugi la’dahay intaad la kulmayso asxaabtii.
Waxaad jiiftaa sariirtaada adigoo kolba si u fikiraya. Gacanta waxaad ku haysaa waraaq iyo qalin. Sidaas ayaad ugu jirtay ilaa aad ugu dambeyntii seexatay adoo farxadi kaa muuqato.
Waa maalin iska caadi ah oo ka mida maalmahaaga. Waa maalin aad lasoo toostay caajis iyo diiqad. Waxaad ogtahay hawsha ku sugaysa inay tahay mid wayn. Adoo cago jiidaya ayaad guriga kasoo baxday. Markastoo aad xasuusato shaqada ku sugaysa maanta, waxaa kugu sii badanaya diiqad iyo wahsi.
Baskii ayaad soo gashay. Wuu buuxaa. Waa maalin qoraxdu aad u kulushahay. Waxaa ku ag taagan qof aad ka diiqadaysan tahay. Waxaa kasoo uraya khamri, sigaar, dhidid iyo wax kastood necebtahay. Waxaad isku maaweelinaysaa inaad mardhaw dagi doonto.
Waxaana baska kusoo fuulay gabar Soomaaliyeed oo wadata caruur yar yar…
Waxaa baska ka dhacay buuq iyo muran dheer, adiga oo isku dayaya inaad ka jawaabto cunsuriyadda lagugu sameeyey, laakiin ugu dambeyn waxay isku bedeshay xaalad adag oo saameyn badan kugu reebtay. Kadib markii aad ka dagtay baska, waxaa kaa muuqday ciil iyo murugo.
“Taasina waxay ahayd maalin kamida maalmahaaga. Maxaad soo faa’iiday maanta?”
Qisadaani waxay na tusaysaa in maalin kasta ay nolosheena ku soo kordhin karto duruufo cusub, fikrado cusub, iyo caqabado cusub. Waxaa muhiim ah inaan ka faa’iideysano wakhtigeena, nicmooyinkeena, iyo fikradaha wanaagsan ee maskaxdeena kusoo dhaca – si aan ugu adeegno nafteena iyo bulshada inteeda kale.