Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Waagii Markuu U Baryey…
Waagii markuu baryey, waxay ku dhaqaaqday sidii ay u diyaarin lahayd quraacdii reerka iyo labiskii caruurta. Intay hawsha ku jirtay, waxay xasuusatay inaysan wali tukan salaadii subax, qoraxdii oo soo bixi rabta. Si dagdag ah ayay laba rakcadood ugu tukatay, iyadoo salaada dhexdeeda kaga sii fikiraysa hawlihii kale ee sugayey.
Markii ay salaada kabaxday, waxay toosisay caruurta iyadoo degdeg ah, daganaansho la’aan ka muuqato. Waxay caruurta u cadayday, qaarna kula hadashay, si ay u tilmaamto labiskooda oo u sheegto inay dagdagaan. Markay usoo wada labistay, waxay bilowday inay cunto siiso, qaarna afka cuntada ugu gurto si ay uga gaaraan baska iskuulka.
Hawsha Maalinlaha Ah…
Intay ku jirtay hawshii caruurta, hal marna ma aysan xasuusan nafteeda ama wax cabitaan ah. Markay caruurta diraysay, waxay ku dhaqaaqday inay ninkeeda toosiso oo u diyaariso quraac. Kadib markii uu ninkeeda baxay, waxay dagdag ugu labisatay si ay uga gaadho shaqadeeda ama waxbarashadeeda.
Shaqada kadib, suuqa ayay soo martay iyadoo adeegyo u soo iibsanaysa guriga. Wakhtiga oo gabaabsi noqday, waxay usii dagdagtay guriga iyadoo adeeg culus sidata. Gurigii markii ay soo gashay, waxay xasuusatay in caruurtu ay dharkii ku kala daadiyeen. Intay guriga hagaajinaysay oo dhinaca kale cunto karinaysay, waxay xasuusatay inayna wali tukan salaadii duhur oo dhamaanaysa. Si dagdag ah ayay tukatay, iyadoo sujuudii sahwiga raacisay.
Isaga Iyo Iyadaba…
Markii caruurta cunto afka loogu guray, ninkeeda ayaa guriga soo galay isagoo amray: “Naa kac oo cunto ii keen!” Isla markiiba intay u adeegtay, waxay sii wada jirtay hawlihii guriga. Ninkeeda markuu cunay, ayuu u dhaqaaqay inuu nasto, iyaduna waxay sii waday shaqadii guriga iyadoo hoos isku qancisa inay hawshani ninkeeda ka yare dhawayso.
Daalkii Iyo Su’aalaha…
Markii gabalku dhacay, waxay caruurtii silic iyo daal ku kala seexisay. Iyadoo nafta ka sii dhacaysa ayay kursi isku tuurtay, laakiin nasiib kama helin. Taleefanka ayay qaadatay si ay daalka iyo cadaadiska ugala sheekaysato saaxiibadeeda.
Ninkeedu, markuu ogaaday in gurigii daggan yahay, ayuu ku soo noqday isagoo soo fadhiyey meelaha uu la joogo asxaabtiisa. Casho loo diyaariyey ayuu dalbaday, iyaduna si dagdag ah ayay u soo diyaarisay.
Gabadh Kasta Ha Isweydiiso…
Gabadhkasta oo nolol maalmeedkeedu sidan yahay, waxaan ka dalbanayaa inay isa su’aasho:
Daryeelka Naftaada Waa Furaha…
Haddii naftaada iyo ruuxdaadu dagan yihiin, reerkaaguna wuxuu helayaa daganaansho. Laakiin nolol la isku dul dhisay, oo aan is-dhexgal lahayn, waxay dhaawacaysaa jidhka iyo ruuxdaada. Hana iloobin: jidhkaaga iyo naftaadu waa raasamaalkaaga ugu weyn. Iska nasii, intaysan xaaladu qasab kugu noqon.
Si nolosha reerkiinu u dagto, ka bilow daryeelkaaga gaarka ah.