Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Su’aal:
Waxaan ahay qof dumara oowiil jeclyahay ana manecbii anigu kumaxumii diinta laakii asaga waxuu kuxunyahay xaga salaada ana waan kacabsiqabaa, guur kiisa ,,waxuu ku fiicanyahay aqlaaqda iyo masulnimad diinta cilmi waa uleeyahay oo maxad islaami buu kasoo baxay,lakiin ,wan layabanahay ) marwalbuu ilahadlo guur waxaan kala hadlaa diinta ishalaah walaqeyraa,maxaan kadhahaa,,
Jawaab:
Walaal Faaisa, saan ufahanay suaashaadu waa sidan, in aad isbarateen wiil aan salaada ku fiicnayn inkastuu ka soo baxay machad islaami ah, akhlaaq iyo cilmi leh.
Walaal Faaisa waxaad ogaataa in salaadu ay tahay tiirka islaamka. Qofka salaada aan tukani wuxuu lamid yahay qof guri quxiyey oo goglay, alaab qurux badan dhigay, laakiin tiirkii guriga riday. Dabcan, guriga oo dhanami waa kusoo dul dhacayaa markaa kadib.
Walaal markaad leedahay salaada wuu ku xunyahay, labo macno ayaa loo fahmi karaa oo mid walba waxaan ka bixinaynaa sharax si aad u garatid khatarta ay leedahay.
Midka kowaad:
Waa wiil aan salaada tukan, taasna waa arin khatar ah, sababtoo’ah islaamka asaaskiisu waa salaada. Haddii uu dayacay salaada, macnaheedu waa islaamnimadiisa wax ayaa ku jira. Haduu saa yahayna, ogoow walaal dulmi wayn inuu ka galay naftiisa. Qof naftiisa dulmiyey ma umalaynaysaa inuu qof kale xaqiisa ilaalinayo oo Ilaahay uga baqayo? Ninka aad guursanaysid xuquuq ayaad ku leedahay iyo waajibaad iyo inuu si fiican kuula dhaqmo iyo inuu Ilaahay kaaga baqo. Markaa mid aan salaad tukan taasi muu ka soo bixi karaa, waa maya jawaabtu ilayn isaguba naftiisa umuuna nixine.
Midka labaad:
Waa mid salaada dib udhiga ama salaadaha qaar ka mid’ah ayaa ka taga. Taasna waa danbi aad u wayn, wuu ogyahay in salaada laga rabo laakiin caajis ama wahsi ayaa u keentay inuu salaada dayaco. Qalbigiisa wax yar oo wanaag’ah ayaa ku jira madaama uu dadaalayo oo uu tukanayo, laakiin wuu dayacay, taasina waxaa u keeni karta jaahilnimo.
Nasteexada aan adiga ku siinaynaana waa sidan:
Waani oo fahansii khatarta uu ku jiro, qiimaha salaada u sheeg, hadaad rabtid sii buugaag iyo cajilado ka hadlaya salaada.
Haduu ku yiraahdo “waan tukan ama waan hagaajin doonaa salaada guurka gadib,” ha ka yeelin, sababtoo’ah waxay noqonaysaa mid adiga lagugu sasabayo, ama lagugu raali galinayo. Ogoow camalkii qof dartii loo sameeyo in uuna waarayn oo uuna laasimayn.
Waa inuu hagaajiyaa salaadiisa intaydan is guursan, waxaana ka hubsan kartaa dadka yaqaana ama dadka udhaw isaga, dadka uu la daganyahay waydii salaadiisa sida uu ku yahay. Haday kuu cadaato in uu salaadii wanaajiyay kuna fiicnaaday, markaa guur waad kala hadli kartaa.
Waano iyo lahadal haday keeni wayday faa’iido oo uu sidii ku sii socdo, markaa waa inaad uga tagtaa Ilaahay dartii. Sababtuna waa saan kuu sheegnay, qof aan tukanayn kuma siinayo xaqaaga uu Ilaahay ku siiyey, sideebuu isagoo naftiisa dayacay oo dulmi weyn ka galay adiga kuu wanaajinayaa? Wiilasha muslimiinta ee ku wanaagsan cibaadadooduna way badanyihiin walaal.
Ilaahay waxaanu kuu waydiinaynaa inuu xaqa ku waafajiyo, xumaantana kaa fogeeyo. Ilaahayna ha kuu siyaadiyo dadaalkaaga. Salaada istikhaaradana ha iloobin inaad tukato.