Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Su’aal:
Asc wr wbr, salaanta Islaamka ka dib walaalahayga Isurooneey, waxaan naftayda iyo tan idinkaba u dardaarmayaa cabsida Allaah. Waxaan kaloo idiinka mahad celinayaa sida fiican ee wafaqsan sharcigeena ee aad nagula talinaysaan.
Su’aashayda waa tan: ninkeyga waa shaqeeya habeen iyo maalin. Marka uu guriga yimaado, cunto ayaan u siiyaa, wuuna seexdaa. Aniga iyo isaga isma aragno.
Sariirta marka aan aado ayaan u imaadaa, mac ayaan siinaa, markaas ayuu xanaaqaa oo leeyahay, “Maxaa iga rabtaa? Respect isii, oo hurdo ayaa i heysa.”
Maxaan sameeyaa? Ninkeyga lama sheekeysan karo, lama joogi karo; waqti ima siiyo. Plzz jaaw.
Jawaab:
Walaal Amaal, ducada wanaagsan ee aad noogu duceysay, waxaan leenahay Aamiin. Allaha nagu maneysto cabsidiisa.
Intaas kadib, walaal, arrinta aad nasoo weydiisay waa mid maanta heysata gabdho badan. Nasiib darro, niman badan ayaa iska ilooba xaasaskooda iyo xaqa ay ku leeyihiin, oo inta ay siin lahaayeen kalgacal iyo xanaano ka fekera dhanka maadiga.
Walaal Amaal, waxaa muhiim ah inaad ninkaaga u sheegto waxa aad dareemeyso iyo waxa qalbigaaga ku jiro. Talaabooyinka aan kugula talinayno waa sidan:
Marka ninkaaga la hadashay, ku dhiiri geli inaad labada dhinacba daryeel iyo jacayl wadaagnaan u abuurtaan. Ugu dambeyntiina, waxaan Ilaahay kaaga rajeynaynaa inuu adiga iyo ninkaaga idinku waafajiyo wixii dantiinna iyo diintiinna u wanaagsan. Aamiin.
FG:
Haddii su’aalo kale kugu soo baxaan ama aad rabto inaad si gaar ah ula xiriirto, markasta diyaar baan kuu nahay. E-mailkaaga iyo xogtaada midna lama gudbin doono. Waxa kaliya ee aan rabno waa inaan walaalahayaga caawino.
Allaha kuu sahlo dhammaan dhibaatooyinkaaga!