Muraayado Kale Ku Eeg Lamaanahaaga: Xalka Isfahanka Qoyska

Xiriirka wanaagsan ee lamaanahu waa mid ku dhisan is-fahan, wada-jir, iyo dulqaad. Laakiin mararka qaarkood, isfaham xumada iyo muranka ka dhasha is dhageysi la’aanta ayaa abuuri kara culeysyo iyo isfaham-darro. Muraayado kala duwan oo lagu eego lamaanaha ayaa caawin karta lammaanahu inay is dhexgalaan iyada oo ay jiraan dareen isku-fahan iyo isku-kalsooni leh.

Muraayadaha kala duwan ee lamaanaha!

Qofka ayaa mararka qaar u baahan in lamaanihiisu uu u fiirsado dabeecadaha iyo duruufaha noloshiisa, si ka duwan sidii uu horay ugu eegi jiray, si uu u fahmo halka wax ka qaloocaan marka ay is fahmi waayaan. Ka fiirsashada iyo is-fahamka lamaanuhu waxay keeni kartaa in la iska daayo erayada iyo dhaqamada sababa xanuunka iyo xanaaqa badan, hadii ay saas u dhaqmaan waxaa hubaala inay  isku beddelaan hab-nololeed ku dhisan wanaag iyo is ixtiraam.
Mar kasta oo lamaanuhu ay ka fikiraan sida qof kale uu dareemi karo xaaladaha qaar, ayaa hubaal ah in loo dhowaanayo is-fahanka runta ah.

Maxaa ka fiicnaan lahaa hadii lamaane kasta oo noloshoodu ay xumaatay ay isku dayaan inay ku eegaan lamaanahooda kale muraayado ka duwan muraayadihii ay ku eegi jireen waligood.

Tusaale 1aad

Ninkii baa soo galay gurigii isagoy wajigiisa ka muuqato cadho iyo hiif, guriga markuu soo galay isagoon reerka salaamin ayuu fadhiga isku tuuray.

Xaaskii: horta adoo gafuurka taagaya maxaad maalin kasta lasoo gashaa guriga

Ninkii: naa hadalka badan iga daa waan daalanahaye

Xaaskii: haa anaa maanta oo dhan sii nasanayey saw maaha

Ninkii: isagoo cadhaysan ayuu sii jeedsaday

Xaaskii: intay dhinaca kale kasoo martay…… hawsha guriga oo dhan intaad iiga tagto ayaad moodaa inaan sii raaxaysanayey……

Ninkii: intuu si xun u eegay ayuu gurigii ka baxay

Kawaran hadii ay gabdhaasi ninkeeda ku eegi lahayd muraayado kale oo ayna hore ugu eegin.

Tusaale 2aad muraayado kale ku eeg

Ninkii baa soo galay gurigii isagoy wajigiisa ka muuqato cadho iyo hiif, guriga markuu soo galay isagoon reerka salaamin ayuu fadhiga isku tuuray.

Xaaskii: intay u tagtay… iyadoo madaxa usalaaxaysa… asalaamu calaykum xabiibi… maanta daal badan ayaa kaa muuqda ee maxaa ku helay

Ninkii: intuu gacanta ka dhunkaday xaaskiisii… waa runtaa gacalo shaqo badan ayaan maanta qabtay…. xubnaha jidhka oo dhan ayaan ka daalanahay… maanta oodhana waxba ma cunin…..

Xaaskii: kawaran hadaan garbaha kuu duugo kadibna aanu qadayno….

Ninkii: maasha Allaah waa intaan rabo macaaneey….

Waxa kaliya ee meesha is badalay waxa weeye, xaaskii ayaa badashay muraayadihii ay ninkeeda ku eegi jirtay maalin kasta.

Tusaale 3aad

Waa maalin fasax laga yahay shaqada iyo iskooladaba. Ninkiibaa ku labisanaya qolka jiifka isagoo isu diyaarinaya inuu banaanka u baxo….

Xaaskii: naftaada kaliya maxaad ugu fikirtaa horta…

Ninkii: maxaad kawadaa sacadaas ayaad buuq bilowdaaye…

Xaaskii: maalinkasta intaad saacadaa is qurxiso ayaad kaligaa soo raaxaysataa…..

Ninkii: uf… buuqiinaan kasoo nasanayaa… qofkii saacad idin dhex fadhiyaa wuu idinku waalan…

Xaaskii: haa horaan kuu sheegay inaad naftaada kaliya ka fikirayso….. maalin qudha ku fikir ubadkaaga iyo xaaskaaga…

Ninkii: isagoo hiifaya xaaskiisa… maan waalanahay markaan idiin raacayo banaan.. buuqiina iyo qayladiiniibaan guriga la joogi la’ahaye…

Xaaskii: iyadoo xanaaqsan… war adaan lagula noolaan karine afkaaga hagaajiso…. guriga maxaad ugu filan tahay…. meel aad usoo hurdo tagto kaliyaad ka dhigataye….. iyadoo aad u xanaaqsan ayey qolkii ka baxday..

Ninkii: uf … naago kibray….

Tusaale 4aad muraayado kale ku eeg

Waa maalin fasax laga yahay shaqada iyo iskooladaba. Ninkiibaa ku labisanaya qolka jiifka isagoo isu diyaarinaya inuu banaanka u baxo….

Xaaskii: kawaran hadaynu maanta soo dalxiisino caruurteena inaguna hawo macaan soo qaadano…

Ninkii: hmmm…. maxuma

Xaaskii: balan baad leedahay miyaa waa adiga hmmm dhahaye…..

Ninkii: mayee waxaan ka fikirayey meeshaan aadi lahayn…..

Xaaskii: muhiim ma’aha meel gaara in aan aadno’e ee kawaran hadaynu caruurta soo wareejino

Ninkii: waa runtaa… isagoo u qoslaya xaaskiisa… maxaa ka wanaagsan xaaskaagii iyo caruurtaadii oo hareeraha kaa socda…

Waxa kaliya ee meesha is badalay waxa weeye, ninkii ayaa badalay muraayadihii uu xaaskiisa ku eegi jiray maalin kasta.

Marka lamaanuhu ay ku kala duwan yihiin in ay ku eegaan muraayado cusub, waxay isla gaari karaan isku faham iyo isfahan wanaagsan. Waxaa muhiim ah in nolosha guurka ay ku salaysnaato wadajir, dulqaad iyo is-xaqdhowr. Xulashada iyo go’aamada ay lamaanuhu sameeyaan waxay abuuri karaan jawi caafimaad qaba oo ku dhisan wadajir iyo jacayl.

Gabagabo: Wanaaga Muraayadaha Kala Duwan ee Xiriirka

Ugu dambayntii, adeegsiga muraayadaha kala duwan si lammaanuhu isku fahmaan, waa mid muhiim ah. Inaad fahanto nolosha lamaanahaaga adiga oo isticmaalaya aragti ka duwan sidii hore, waxay fursad kuu siinaysaa inaad ku fahanto oo aad ku ixtiraamto lamaanahaaga.

Ina Sheik
Ina Sheik