Nadaafadda Magaalooyinka Soomaaliyeed: Dhibaatooyinka Qashinka iyo Xal Waara

Hordhac:
Anigu waxaan ku noolahay wadamada Yurub, magaalooyinkooduna waa nadiif. Marka aan TV-yada iyo SOM ka arko sida uu qashinku u daadsan yahay wadankii, aad baan uga xumaadaa. Waxaad moodaa in dadku sugayaan inta qof qalaad uu bannaanka uga imanayo si uu ugu sheego ama uga caawiyo sida ay isaga nidaamin lahaayeen qashinka. Miyaan sugnaa inta qof qalaad noo nadiifinayo magaalooyinkeena?

Dadka intooda badan waxay noqdeen kuwo meel kasta ama jid kasta iskaga tuuraya qashinka iyagoon ka fikirin yaa kaa daba qaadi doona. Maxaynu u qaadan la’nahay masuuliyadda nadaafadda si aan u badbaadino caafimaadkeena iyo bilicda magaalooyinkeena? Waxaad arkaysaa xaafado uu qashin jidkii ka qariyey, waayo guri kastaa wuxuu bannaankiisa isak soo dhigay qashinka.

Marar badan waxaan wararka ka maqlaa dadkii oo leh: “Meeday dawladii?” Laakiin su’aasha dhabta ah waa: “Miyaanay bulshadu qayb ku lahayn xalka, mise waa in cid kale loo xilsaaro?”

Haddaba, waxaan ku falanqayn doonaa qoraalkeenan afartan qodob iyo su’aalaha hoos ku xusan.


1. Xaqiiqooyin iyo Tirakoob

Waa sidee xaaladda nadaafadda magaalooyinka Soomaaliyeed?
Wakhtiyadan dambe waxaad moodaa in dadku ay ku soo baraarugayaan muhiimada ay leedahay in qashinka la iska nidaamiyo, waxaase xaqiiqo ah in xaaladda nadaafadda magaalooyinka Soomaaliyeed badankoodu ay tahay mid aad u liidata. Magaalooyinka waaweyn ayaa wajaha dhibaatooyin la xiriira qashinka oo aan si habboon loo maareyn, waxaana xusid mudan in meelaha qaar ee magaalooyinku ay si aad ah ugu jiraan qashin iyo wasakh badan. Marka magaalooyinkii waaweynaa ay sidaa yihiin, maxaad u malaynaysaa tuulooyinka aanay ka jirin adeegyada dowladu?

Maxaa sabab u ah kororka qashinka iyo nadaafad xumida?
Dadku in aanay ku baraarugsanayn nadaafadda waxaa sababa dhowr arrimood oo muhiim ah:

  • Dadka oo aan garanayn ama ku baraarugsanayn waxa diinta Islaamku ka qabto nadaafadda.
  • Dawlad xumada ama maqnaanshaha dawlada oo daba dheeraaday.
  • Xaddidaadda adeegyada nadaafadda ee dowladuhu bixiyaan.

Sidee buu u saameeyaa caafimaadka, deegaanka, iyo noloshada dadka?
Qashinka oo aan si haboon loo maareyn wuxuu keenaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ku ah dadka iyo deegaanka. Waxaa ka dilaaca cuduro badan oo ay ka mid yihiin:

  • Shuban-biyood.
  • Neefta oo qofka qabata gaar ahaan haddii qashinku aad u ururo.
  • Xaalado nafsiga ah (waxa Soomaalidu badankeed u taqaan jin baa galay), maadaama goobaha qashinka ay degaan shayaadiintu.

Deegaanka ayaa sidoo kale burburaya iyadoo ay korodho qashinka iyo wasakhda ku uruurta waddooyinka iyo jardiinooyinka.


2. Falanqayn (Analys) iyo Sababaha Ugu Weyn

Image: pixabay

Dhaqanka dadweynaha ee ku aaddan qashinka (Tusaale: Daadinta qashinka waddooyinka).
Dhaqanka shacabka magaalada ayaa ah mid saamayn weyn ku leh nadaafadda iyo bilicda magaalada. Haddii qof kastaa uuna isxilqaamin oo uuna masuul iska saarin nadaafadda, waxay abuuri doontaa fawdo. Tusaale ahaan, markaad muus cunaysid oo diirkiisa dhabarkaaga u tuuraysid, sow ma ogid in kumanaan qof oo sidaada u dhaqmaa ay buuxaan? Waxaa laga yaabaa isla diirkaasi inuu sababo shil qof wayn ama qof arag daciif ah leh uu ku kufo.

Xaddidnaanta adeegyada nadaafadda ee dowladuhu bixiyaan.
Waxaa jira magaalooyin badan oo aan lahayn nidaam rasmi ah oo qashinka lagu maareeyo, taasoo dhibaato weyn ku keentay nadaafadda guud ee waddanka.

Saamaynta dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta ku leeyihiin qashinka la tuuro.
Dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta ayaa sidoo kale qayb ka ah sababaha ugu waaweyn ee qashinka dariiqyada loogu tuuro. Dadka qaar waxay cudurdaar ka dhigtaan maciishada caruurtooda, iyagoo yiraahda: “Maxaa qashin iga galay?”


3. Talooyin iyo Xalka Lagu Yarayn Karo

Wacyigelin bulsho: Sidee loo abuuri karaa dhaqanka nadaafadda?
Wacyigelinta bulshada ayaa ah furaha guusha. Bulshada oo la wacyigaliyo ayaa keenaysa isbeddel muuqda. Diinteena xaniifka ah ayaa aad uga hadashay muhiimada ay nadaafaddu leedahay.

Hormarinta adeegyada qashinka (dib u warshadaynta, nidaam nadaafadeed oo sax ah).
Tani waa waajib saaran dawlada. Waa muhiim in dowladu iska xil saarto sidii ay xalal waara ugu keeni lahayd nidaaminta qashinka, si looga hortago qashinka ku uruuraya waddooyinka iyo meelaha bulsha u muhiimka ah.


4. Diinta Islaamku Maxay Ka Tidhi Qashinka?

  • Nadaafadu waa qayb ka mid ah diinta. Xadiiskii Nebiga (SCW) wuxuu sheegay: “Al-Nadaafatu minal iimaan” (Nadaafaddu waa qayb ka mid ah iimaanka).
  • Rasuulkeenii sharafta badnaa (SCW) wuxuu ina amray: “Ha yeelina meelaha aad ku saxarootaan ama qashinka ku shubtaan inay noqdaan meelaha biyuhu fadhiistaan.”
  • Waxaynu ognahay in dariiqa laga fogeeyo waxa dadka dhibaya ay sadaqo tahay. Haddii qof walba is xilqaamo, maxay kula tahay xaaladda magaalooyinka Soomaaliyeed?

Gunaanad:

Xaaladda nadaafadda magaalooyinka Soomaalidu waxay u baahan tahay dadaal badan oo ay iska kaashadaan bulshada, dowladaha hoose, iyo cid kasta oo ay khusayso.

Diinta Islaamku waxay aad u dhiirrigelisaa nadaafadda, hadday tahay mida nafta, jidhka, guriga iyo mida deegaankaba. Waxaa muhiim ah in qof kasta uu mas’uuliyad iska saaro sidii uu ilaalin lahaa una nadiifin lahaa deegaanka, loogana fogaan lahaa in qashinka lagu daadiyo waddooyinka, si loo helo nolol nadiif ah oo caafimaad qabta. Nadaafaddu waa cibaado, waana waajib qof walba saaran, waxaana laga helaa ajar iyo horumar.

Ina Sheik
Ina Sheik