Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
“Yaa u adkaysan kara waxaad u adkaysanayso ummu camaareey “
“نسيبة بنت كعب “أم عمارة”
Nasiiba bint Kacab geesiyadii Islaamka {Alle haka raali ahaado’e} waxay ahayd dadkii ugu horeeyey ee diinta Alle rumeeyey Madiina, waxayna ka mid ahayd labadii haweenka’ahaa ee ka qaybgalay baycadii 1aad ee Caqaba ee ay muslimiintii Madiina la galeen Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} intuuna usoo hijroon Madiina.
Ummu camaara waxaa intaas udheeraa inay ahayd Mujaahidad geesiyada oo aan soo jeedsan waxayna ka qayb qaadatay Uxud Xudaybiya iyo maalintii xudaybiya iyo maalintii Yamaama. Waxay usoo baxday Nasiiba {Alle haka raali ahaado’e} duulaankii Uxud iyadoo la socota ninkeedii Qasiya bin camr iyo labadeedii wiil ee ay u dhashay ninkeedii hore Zayd bin Caasim bin Camr, waxaana la kala odhan jiray wiilasheedaas C/llaahi iyo Xabiib.
Waxay tidhi ummu camaara iyadoo ka sheekaynaysa maalintii Uxud. Waxaan arkay Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} oo laga kala yaacay maalintii uxud oo ay hareerihiisa joogaan inyar oo faro ku tiris’ahi, waxay tidhi waxaan ka mid ahaa aniga iyo wiilashayda iyo ninkayguba kuwii ka hor dagaalamayey Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} hortiisa iyadoo ay kuwa gaalada’ahi kolba nagu soo weerarayaan fardahooda anaguna aan difaacayno Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} waxay tidhi waxaa igu soo baxay nin faras saaran isagoo doonaya inuu idilo, markuu ila waayeyna waxaan ka riday faraskiisii ilaa uu dhabardhabar udhacay. Markaas ayuu Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} u dhawaaqay wiilkii ummu camaara isagoo leh “ wiilkii ummu camaaroow hooyadaa hooyadaa …….” markaas ayuu igu caawiyey wiilkaygii inaan dilo ninkaas.
Wuxuu yidhi wiilkeedii C/llaah {Alle haka raali ahaado’e} waxay dhaawacantay maalintaas dhaawac wayn oo uu dhiigeedii istaagi waayey, markaas ayuu rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} ku yidhi dhaawacaaga dawee waxayna dhaawacantay 13jeer maalintii Uxud.
Markii ay muslimiintii kulaabteen madiina ee Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} naadiyey isla maalintiiba in duulaan loo baxayo, waxaa timid Ummu camaara oo la socota wiilkeedii iyadoo qarinaysa dhaawaceedii markii uu arkay Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} mawqifkeeda layaabkaleh ayuu yidhi “ Yaa u adkaysan kara waxaad u adkaysanayso Ummu camaareey “
Waxay tidhi Ummu camaara {Alle haka raali ahaado’e} waxaa la keenay ninkii idhaawacay markaas ayuu yidhi Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} “ waakan kii ku dhaawacay Ummu camaareey “ waxay tidhi intaan ku booday ayaan ku dhuftay lugtiisa ilaa uu ka dhiigay markaas ayaan arkay Rasuulkii {calayhi salaatu wasalaam} oo dhoolo cadaynaya ilaa laga arkay gawsihiisii isagoo leh “ Mahad Alle weeye inaad ka aar goosatay oo aad il qabawsatay oo aad indhahaaga ku aragtay aarsigaagii “
Waxay ahayd Ummu camaara mid dagaalanta dagaal adag waxay daawayn jirtay dhaawaca waxayna waraabin jirtay mujaahidiinta mar marka qaarkood. Waxay maalmuhu is guraanba waxay ahayd umu camaara mid markasta nafteeda u hibaysa sidii ay ugu gar gaari lahayd diinta Alle { Caza Wajalla } Waxay kala qayb gashay Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} baycadii Ridwaan ee Xudaybiya, waxayna ka qayb qaadatay maalintii Xunayn.
Markii Alle oofsaday Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} kadib ayey qaar ka mid ahaa qabiiladii carabtu ka noqdeen diinta Alle waxaana ugu waynaa musaylama al kadaab, isla markii uu Abu bakar sidiiq {Alle haka raali ahaado’e} uu qaatay go’aankiisii ahaa inuu la dagaalamayo kuwa ridoobay, waxay ku dag dagtay Ummu camaara inay kasoo idin qaadato khaliifkii Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} Abu bakar {Alle haka raali ahaado’e} wuxuu ku yidhi “ Xaqiiqdii waan aragnay saad ku tahay dagaalka’e ku bax bisinka Alle “ waxayna baxday iyadoo la socota wiilkeedii Xabiib bin Zayd bin Caamir.
Waxay muujisay Nasiiba dagaalkaas geesinimo iyo mawqif adag, waxay lakulantay khatar aad ubadan iyadoo iyaduna ku sugan oo ku adkaysanaysa wax kasta oo ku soo gaadha dariiqa Alle {subxaanahuu watacaallaa} raadinaysana sidii ay ku heli lahayd shaadada, iyadoo xaaladaas ku sugan ayaa wiilkeedii Xabiib ay qabasadeen cadawgii Alle Musaylamal kadaab, wuxuu aad u cadibay Xabiib noockasta oo uu is yidhaa kanaa ka daran kii hore ayuu mariyey oo dhiba si uu u aamino nabinimada uu sheeganayo laakiin halkuu kaheli kani waa wiilkay soo rabaysay umu camaara ee ay ku soo rabaysay adkaysiga iyo sabarka iyo jacaylka inuu ku dhinto dariiqa Alle { Caza Wajalla } Markuu ka dalbo cadawga Alle inuu yidhaahdo “ maqiraysaa inuu Muxammed yahay Rasuulkii Alle “ wuxuu lahaa haa, marka uu su’aalo ma qiraysaa inaan ana ahay rasuulkii Alle wuxuu ugu jawaabayey waxba ma maqlo, markasta oo uu saas ku jawaabana jidhkiisa daahirka’ah ayuu xubin xubin u jarayey ilaa uu ka shahiiday {Alle haka raali ahaado’e}
Waxay usoo baxday Umu camaara dagaalkii Yamaama iyadoo la socota wiilkeedii C/llaahi, wuxuu ahaa dagaalkaasi mid aad u adag , waxay muujisay umu camaara geesinimadii iyo kartidii lagu yaqaanay waxayna aad ugu dadaalaysay inay iyadu gacanteeda ku disho musaylamal kadaab si ay ugu aar goyso wiilkeedii Xabiib, laakiin Alle ayaa qadaray inuu wiilkeedii C/llaahi dilay kadaabka waxaana la dilay Waxshiy bin Xarb.Isla markii ay ogaatay umu camaara waxay la dhacday sujuud iyadoo Alle {subxaanahuu watacaallaa} ugu mahad naqaysa in sharkiisii la gooyey, waxay umu camaara kasoo noqotay dagaalkaas iyadoo la dhaawacay 12jeer waxayna ku wayday dagaalkaas gacanteedii oo kaga go’day iyo wiilkeedii kale C/llaahi {Alle haka raali ahaado’e}
Markay kasoo laabatay macrakadii Yamaama ee ay gurigeedii kusoo laabatay waxaa u yimid Khalid bin walid {Alle haka raali ahaado’e} isagoo ka dalbaya muslimiinta inay ku daweeyaan dhaawaceeda saliid kulul, wuxuuna ahaa Khalid mid aad usoo booqda isagoo garanaya fadligeeda iyo darajada ay ka joogtay umuda Islamka isagoo ilaalinaya dardaarankii Rasuulka Alle {calayhi salaatu wasalaam} iyo Abu bakar sidiiq {Alle haka raali ahaado’e}
Waxay umu camaara u ahayd tusaale gabadhkasta oo dariiqa Alle kusoo dhibtootay iyo midkasta oo Alle dartii u qaaday hubka iyadoo rabta in kalimada Alle ahaato tii koraysay kalimada kuwii gaaloobayna ta hoosaysa. Alle haka raali ahaado umu camaara waxay ahayd geesiyad dadkoodhami ay uqireen fadligeeda iyo jihaadkeedaba wuxuu yidhi Cumar bin khadaab {Alle haka raali ahaado’e} waxaan maqlay Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} oo leh maalintii uxud “Markaan u jeedsado midig ama bidixba waxaan arkayey Umu camaara oo agtayda ka dagaalamaysa “ Umu camaara {Alle haka raali ahaado’e} waxay ahayd hooyo soo rabaysay jiil diinta Islaamka cisadeeda iyo sharafteedaba dhawray waakaas wiilkeedii Xabiib uu xubin xubin ujaray kii gaaloobay isagoo Xabiibna muujiyey geesinimada iyo adayga ay ku soo rabaysay umu camaara.
Waxay u bixisay dariiqa Alle dartii wixii ugu qaalisanaa ee qof muslimi bixiyo waxay bixisay labdeedii wiil iyo qaarkamida jidhkeeda iyadoo rajaynaysa sidii ay u heli lahayd raali ahaan shaha Rabbigeed iyo janadiisa Alle haka raali ahaado Umu camaara
Waxay umu camaara kasoo warisay Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} axaadiith waxaana kasoo wariyey wiilkii wiilkeeda Cubaad bin Tamiim iyo Cikrima mawlihii ibnu cabaas.
Waxay noolayd Umu camaara {Alle haka raali ahaado’e} iyadoo Alle iyo Rasuulkiisuba ay raali kayihiin iinsha Allaah ilaa ay ka geeriyootay, markay gudatay Risaaladii ay aduunka u timid darteed Alle hadajiyo janooyinkiisa balaadhan Nasiiba bint Kacab.