Sida Loo Dhiso Nolol Farxad Leh: 7 Talo oo Lagu Helaayo Xasillooni Joogto ah

Sida loo dhiso nolol farxad leh oo deggan

Nolol farxad leh iyo sacaado lehi waa mid qof kastaa raadinayao aduunkan, in la gaadho farxad joogta ahi waxay u baahan tahay samir iyo dadaal aad u badan oo loo galo farxdaas. Maqaalkan waxaan ku eegaynaa saddex qodob oo muhiim ah oo lagu gaadhi karo farxadaas, waxaa muhiima in la ogaado in faxad aduunka joogta ahi ayna jirin.

Hab nololeed caafimaad leh oo qofka gaadhsiinaya farxad iyo wanaag

Nolosha caafimaadka leh ayaa ah aasaaska farxadda iyo xasilloonshaha nafta. Qofku marka uu caafimaadka qabo wuxuu dareemaa farxad iyo degganaansho uu ka dareemo maskaxdiisa iyo jidhkiisaba. Talooyinkan soo socdaa waxay kaa caawinayaan dhisidda nolol caafimaad leh oo qurux badan:

  • Cunto caafimaad leh: waa lagama maarmaan inaad cunto, cunto nafaqo badanleh hadii aad awood u leedahay. Cuntada laga helo nafaqooyinka muhiimka ah sida fiitamiinnada, borotiinka, iyo macdanta jirka siisa nafaqada, tamarta iyo firfircoonida. Waa hubaal in dadku ayna isku wada mid ahayn marka la eego helitaanka cunto fiican oo nafaqoleh, sidaa darteed waa muhiim inuu qofku ku dadaalo wuxuu awoodo ee uu heli karo.
  • Tasbiix iyo Saliga nabiga csw: saliga nabiga oo la badiyo ayaa keena degenaansho ruuxiyan iyo jidhba. Tasbiixda oo joogto laga dhigto ayaa keenta iyaduna xasilooni aan lagu badali karin waxba.
  • Jimicsiyo yar yar oo joogto ah: Waxaa si cilmiyeysan loo ogaaday in jimicsigu kor u qaado hormoonnada farxadda keena sida endorphins, kaas oo xoojiya caafimaadka wadnaha iyo murqaha. Sidaa darteed in lagu dadaalo jimicsi joogta ah haba yaraatee waxay keenaysaa farxad joogto ah iyo unuu qofku isku kalsoonaado.
    – Aroorta hore oo lasoo lugeeyo, ama jimicsi yar oo iskala bixin la sameeyo ayaa keenta farxad maalintaas.
    – Qosolka aan ka badbadiska ahayn iyo dhoolo cadaynta markasta iyaduna waxay keentaa farxad iyo degenaansho joogta ah.
    – Neefsasho qoto dheer oo sanka laga qaato kadibna afka laga sii daayo 5-10 jeer marar badan maalin kasta
    – Dabaasha ayaa iyaduna keenta farxad hadii aad taqaano sida loo dabaasho.
    – Yoga iwm
  • Hurdo kugu filan: Hurdadu waxay muhiim u tahay caafimaadka maskaxda iyo degenaanshahah nafta. Sidaa darteed hurdo kugu filan inaad seexataa waxat‎ keenaysaa farxad joogto ah.
  • Ehelka iyo qaraabada: ka war haynta iyo xidhiidhinta riximku waxay iyana keentaa farxada joogtada ah, waana shay diintu ay inagu dhiiri galinayso. In la noqdo qaraabo goys waa shay ay diinteena xaniifka ahi aad uga digtay, qaraabaduna maaha qabiilka sida dad badani ay u arkaan. Qaraabo iyo riximku waxay ku kala duwan yihiin dhinaca dhiiga oo qof kasta oo kasoo jeeda dhinaca ayeydaa hooyo ama aabo waxay u dhigmaan qofkasta oo kasoo jeeda awowga aabo ama hooyo. Hadaba riximka oo la xidhiidhiyaa waxay keentaa raali ahaan shaha Allaah swt, taasoo ku gaadhsiinaysa nolol farxad iyo rayn rayn leh. Maqaalkan akhri
  • Maskiin ama agoon: ka farxinta dadka baahan ee ay ka mid yihin agoonta, masaakiinta, dadka waayeelka ah iwm waxay hubaal ku gaadhsiinaysaa farxad joogto ah.
    Inaad ilmo agoon ah joogto wax usiiso ama aad koriso waa shay qiimo iyo qaayo wayn leh. Waxaad xasuusastaa in suubanaheenii csw uu ku til maamay isaga iyo qofka agoonta u naxariista sida labadaad farood isku yihiin. Waxaa kale oo cilmiyan loo ogaaday agoonta iyo masaakiinta oo loo naxariistaa inay keento farxada qalbiga (wadnaha) qalbiga oo ah boqorkii jidhka. Bal hadaba sawiro marka boqorka jidhku uu faraxsan yahay guusha aad gaadhay. Tan oo dhan waxaa kasii wanaagsan aakhiradaadii wax usii hor marsatay.

Gabagabo

Farxaddu waa shay lagama maarmaan ah oo qof kastaa ku dadaalo sidii uu u hanan lahaa. Farxada ugu muhiimsan ee aad gaadhi karto waa marka waalidkaa labaduba kugu faraxsan yihiin aduun iyo aakhiraba. Hadaba ogow in Allah swt oo amray samafalka waalidka, waalidka oo loo samo falo waa shayga ama farxada ama deganaashaha ugu wayn ee aad gaadhi karto aduunkan. Aad iyo aad ugu dadaal tan waayo dad badani way dhayalsandaan inta ay haystaan.

“Maxaad adigu u qabataa si aad u hesho nolol farxad leh? Fikirkaaga noo reeb!”

Nolol Farxad Leh
Ina Sheik
Ina Sheik