Qisooyin Cajiib ah oo laga soo weriyey Ibnu Qayim

Wuxuu ku sheegay caalimkii waynaa ee la odhan jiray Ibnu Qayim kitaabkiisa Rawadatul Muxibiin qisooyinkan cajiibka ah.

Abu Cusmaan A-Taymiy iyo Qisadii Ninka iyo Gabadha Raahibadda Ah

Wuxuu yidhi Abu Cusmaan A-Taymiy: ninbaa wuxuu soomaray gabadh aad u qurux badnayd oo raahibad ahayd. Si aad u daran ayuu uga helay gabadhii ilaa uu ka joogi waayey. Si kasta ayuu isugu dayey inuu ula kulmo gabadhaas, markastana iyadu waa tii diidi jirtay iyadoo ka dalbanaysay inuu ka fogaado, kuna leh:
“Waxan aad aragto yeyna ku dagin; waxa ka danbeeya ma ogide.”

Markii uu ka adkaysan waayey ayuu isku dayey inuu xoog u isticmaalo gabadhii ilaa uu ku guulaystay oo uu kufsaday.

Markii uu dhamaystay ninkii wixii uu rabay ayuu la yaabay ficilka ay samaysay, kuna yidhi:
“Maxaa kugu kalifay waxaas?”

Waxay ugu jawaabtay:
“Markii aad iga xoogbadiyay, waxaan ka baqay inaan kula dareemo waxaad dareemayso oo aan kula raaxaysto. Waxaan ka baqay inaan danbiga kula qaybsado, markaas ayaan sameeyey waxaad aragtay si ay naftaydu ugu mashquusho xanuunka gacmahayga.”

Allaahu Akbar! Gacmaheedii waxay u gubtay in ayna la raaxaysan nin aan xalaal u ahayn, kaas oo waliba xoog u adeegsaday oo aysan iyadu doonan.


Qisadii Boqorkii Ugaadhsiga Soo Baxay

Wuxuu sheegay Xusayn bin Maxamed: Mid ka mid ah boqorradii hore ayaa wuxuu u baxay inuu soo ugaadhsado. Intuu dariiqa ku sii jiray, wuxuu arkay gabadh qurux badan oo uu ka helay. Wuxuu ka dalbaday inay nafteeda u ogolaato.

Gabadhii waxay ugu jawaabtay:
“Daahir ma ahi imika ee isug intaan soo daahirsanayo, kadibna waan kuu imane.”

Markaa kadib waxay gashay gurigeedii oo waxay kasoo baxday iyadoo waraaq gacanta ku sida. Waxay ku tiri:
“Sii akhri intaan kaaga imanayo.”


Qisadii Ninka Xajka u Soo Baxay

Waxaa jirtay gabadh aad u qurux badan oo caabidad ahayd. Waxaa jeclaaday gabadhaas nin aad u doonayay sidii uu ku heli lahaa. Maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu maqlay inay xajka u socoto sanadkan. Isla markiiba wuxuu diyaariyey safar dhan oo uu isagu leeyahay.

Wuxuu soo iibiyey 300 oo geel ah, isagoo dadka ugu yeedhaya:
“Qofkii u socda xajku safarkayga ha soo raaco.”

Dadkii safarkiisa soo raacay waxaa ka mid ahayd gabadhii uu u dan lahaa. Markay meel dhexe marayeen si ay u nastaan, ayuu habeen u yimid isagoo leh:
“Inaad naftaada ii ogolaato mooyaane wax kale caawa kugu dayn maayo.”

Gabadhii waxay ugu jawaabtay:
“War hooge maad Allaah ka baqdid?”

Ninkii wuxuu ugu jawaabay:
“Illaa soo jeeda ma leh; dhammaantood way seexdeen.”

Gabadhii waxay tiri:
“Allaah, Rabbiga caalmiintu miyuu seexday haddaba?”

Markay intaa tidhi ayey suuxday oo ay naftu ka baxday.

Ninkii, markii uu arkay inay dhimatay, isna meeshiibuu ku suuxay. Markii uu soo baraarugayna wuxuu ku dhawaaqay:
“Nafteediibaan dilay, anna shahwadaydii ma gaadhin!”

Subxaanallaah.

Ina Sheik
Ina Sheik