Tiknoolajiyadda Casriga ah ee Qoysaska Soomaaliyeed
Sida aynu la wada socono dunida maanta ayaa ku socota xawaare aad u sareeya oo maalinba maalinta kasii dabaysa waxa soo baxaya nooc cusub oo Tiknoolaji ah. Tiknoolajiyada ayaa si aad u wayn saamayn kuleh nolosha qoyska soomaaliyeed iyo guud ahaanba dunida. Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa arimo kooban oo ina tusaya isbadalka iyo saamaynta ay ku leedahay Tiknoolajiyadu nolosha qoyska.
Faa’iidooyinka Tiknoolajiyadda ee Qoysaska Soomaaliyeed
Xidhiidhka qoysaska kala maqan: is gaadhsiinta iyo kala war haynta ayaa ah mid ay aad iyo aad uga faa’iidaystaan dad badan oo kala xidhiidha ehelkooda iyo qaraabada ay dantu kala fogaysay. Tusaale WhatsApp ayaa ah Tiknoolajida ay soomaalidu aad ugu isticmaasho xaga wada hadalka iyo xidhiidhka, tan oo u suurto galisay in qofkastaa uu fahmi karo qaabka loo isticmaali lahaa WhatsApp. Waxaa jira Apps badan oo ay soomaalidu u isticmaasho xidhiidhka waxaase xaqiiq ah in WhatsApp uu yahay kan ugu saamyanta badan khaastan wixii 30jir ka wayn ragg iyo dumarba.
Waxbarashada caruurta iyo guud ahaan qoyska: qoysas badan oo soomaaliya ayaa u adeegsada talefoonada casriga qalab waxbarasho. Waxaa wakhtiyadan aad u caan noqday waxbarashooyinka online ka ah ee uu ka mid yahay diinta iyo luqada. Tani waxay leedahay runtii wanaageeda iyo dhaliisheedaba.
Ganacsi: qoysas badan ayaa ganacsigooda iyo shaqaduudu tahay isticmaalka tiknookajida, iyagoo u adeegsada qaabab kala duwan, waxayna noqotay shay aas aas ka ah nolosha qoyskaa oo ayna ka maarmi karin.
Caqabadaha Tiknoolajiyadda: Khasaaraha qarsoon ee ay u soo jiiday qoyska soomaaliyeed.
Xidhiidh xumo: halka aynu hore uga soo sheegnay faa’iidada xidhiidhka qoyska kala fog ee tiknoolajiyadu keentay, waxaa cakiskeeda noqotay in qoyskii wada joogay ay sii kala fogaysay. Wakhtiyadii wada jirka ahaa ee qoysku kulmayey oo yaraaday iwm. Tusaale waxaad arkaysaa hal qoys oo meel wada fadhiya, hadana midkastaa oo ku fooraro taleefankiisa isagoo la farxaya ama la sheekaysanaya dad qaarado kale jooga, halka qofkan ag fadhiya uuna u jeedinba. Waa caqaba xumada ay soo kordhisay tiknoolajiyada marka wajigeeda xun la eego.
Xidhiidhka lamaanaga: Cilmi-baaris lagu sameeyay Jaamacada Tilburg ee Netherlands ayaa sheegtay in adeegsiga xad dhaafka ah ee baraha bulshadu uu kor u qaaday shakiga lamaanaha, kalsoonidarida iyo is faham la’aanta ku timaada labada lamaane kaasoo khalkhal galiya nolosha guurka. Tani waxay maalin kasta ka dhacdaa qoysaska soomaaliyeed qurbe iyo qaran joogba.
Tarbiyada caruurta: dhaqamada kala duwan ee maalinkasta kusoo kordha tiknolajidada ayaa saamayn baaxad wayn leh ku yeelatay caruurta soomaaliyee meel ay joogaanba. Hadii waalidku uuna tan la socon waxa uu ilmahiisu ku isticmaalo tiknolajiyadan ayaa keenta in tarbiyadii ubadku ay halkaas ku khalhkasho. Waxay mararka qaar gaadhsiin kartaa ilamahu inuu afka u galo wax aan caqabadiisa la jeclaysan.
Talooyin lagu hagaajin karo xiriirka qoyska
Qoysku waa inuu lahaadaa qawaaniin ku saabsan qaabka iyo wakhtiga la isticmaalayo tiknolajiyada. Qawaaniinta ayaa muhiim u noqon kara in qoysku ay ku dhawrtaan nolashooda qoys. Tusaale: miiska cuntada taleefan laguma isticmaali karo, saacadaas iyo saacadaas talafoonada meel ayaa la wada dhigayaa si qoysku wakhti u wada qaataan iwm. Waa arin aad iyo aad muhiim ugu ah nolol qoys oo caafimaad qabta.
Waalidku waa inuu isagu tusaale u noqdo ubadkiisa maadama oo tiknolayidadu ay noqotay shay aas aas ah oo nolosha banii aadamka maanta kala hagta, sidaa darteed waalidku aad iyo aad ha ugu indho furnaado qaabka iyo sida uu u isticmaalayo tiknolajiyada.
Wacyi galin waa in la wacyi galiyo ilamaha si loo baro loona ogaysiiyo in tiknolajiyadu ay la mid tahay mindi laba afleh oo sidii aad u isticmaasho ay kugu soo noqonayso faa’iidadeeda iyo khasaaraheeduba. Waalidku waa inuuna ilmihiisa la socdo qaabka uu u fahnsan yahay waa maxay tiknolajiyadu iyo waxa uu u isticmaalo khaasatan iyo guud ahaanba.
Gabogabo
Tiknolajiyadu waa shay sida uu u yimid joogi doona carigeenan iyo kuwo ubadkeenaba, waa shay maalikasta horumar iyo isbadal wayn kusoo kordho. Hadaba hadii aan si feejigan oo xikmadleh loola socon ama loo isticmaalin, waxay noqonaysaa shay burubiriyada nolosha qoyska iyo bulshadaba. Halka dhinaca kel ay gaadhsiin karto horumar baaxad leh oo lagula tatrtamo bulshooyinka aduunka.