Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
“Safiya waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimada ee dishay gaal iyadoo difaacaysa diinta Alle.”
Wa’ayo sayidadan ay nimanku kusii xisaabtami jireen geesinimadeeda? Waa tee saxaabiyadii ugu horaysay ee mushrik dishay? Wa’ayo haweenaydaa go’aanka lahayd ee muslimiinta usoo saartay kii ugu horeeyey ee seef Alle أول فارس سل سيفاً في سبيل الله.
Waa mu’minadii mujaahidada saabirada saxaabiyada ahayd. Safiya bint Cabdul mudalib bin Haashim. Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} eedadii.
Safiya Bint Cabdul Muttalib | |
---|---|
Waxaa Dhalatay | Qiyaastii 567 ama 569, Makkah, Sacuudiga |
Waxay Dhimatey | Qiyaastii 640 (da’da 71-72), Madinah, Sacuudiga |
Goobta Aasitaanka | Al-Baqiic, Madinah, Sacuudiga |
Caan Ahayd | Ehelkeeda Nabi Muxamed (NNKH) |
Ninkeeda | Xaarith bin Xarb, Awwam bin Khuwaylid |
Carruurteeda | Safi ibn Harith, Zubayr ibn al-Awwam, Sa’ib ibn al-Awwam, Abdurrahman ibn al-Awwam |
Waalidkeed | Cabdul Muttalib bin Hashim (aabe), Hala bint Wuhayb (hooyo) |
Walaaladeed | Hamza, Hajl, Al-Muqawwim |
Abdullah, Abu Talib, Al-Abbas, Abū Lahab | |
Umm Hakim, Umayma, Arwa, Atika | |
Qoyska | Banu Hashim (sida dhalashada) |
Safiya {Alle haka raali ahaado’e} waxay lahayd nasabka ay dadku ku faanaan kii ugu wanaagsanaa, aabaheed waa Cabdulmudalib Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} awawgii hooyadeedna waa Haala bint wahab Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} habar yartii ninkeedii labaadna wuxuu ahaa Cawaam bin Khuwaylid Hooyadii mu’miniinta walaalkeed, wiilkeeduna wuxuu ahaa Subayr bin Cawaam gargaarihii Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} walaalkeedna waa Xamsa bin cabdulmudalib libaaxii Alle iyo Rasuulkiisa {calayhi salaatu wasalaam}. Intaasoo sharafana waxaa uga sii wayn oo sharaf aakhiro iyo aduunba’ah ugu filan inay ahayd kuwii ugu horeeyey ee Alle iyo Rasuulkiisa {calayhi salaatu wasalaam} ajiibay.
Waxay Safiya {Alle haka raali ahaado’e} ku kortay gurigii aabaheed Cabdul mudalib. Waxay ahayd mid hadalkeedu uu faseex yahay geesiyadna’ah, waxayna ka mid ahayd kuwii ugu horeeyey ee diinta Alle iyo rasuulkiisa {calayhi salaatu wasalaam} rumeeyey.
Safiya ninkeedii 1aad wuxuu ahaa Xaarith bin Xarb, abu suufiyaan walaalkii markii uu ka geeriyooday kadib waxay guursatay Cawaam bin Khuwaylid hooyadii mu’miniinta Khadiija walaalkeed. Cawaam wuxuu Safiya ka geeriyooday iyadoo uleh wiilkeedii Subayr oo yar, waxayna ku rabaysay Subayr {Alle haka raali ahaado’e} ad adayg iyo geesinimo heer ay uga dhigi jirtay ciyaartiisa wax caruurnimadiisa ka wayn, intay kaxayso Subayr oo yar ayey meel madoow ku xidhi jirtay iyadoo odhan jirtay waxaan rabaa in argagaxu uu ka ba’o, waxay u diri jirtay oo ay ku khasbi jirtay waxyaabo cabsi leh oo kawayn hadii uu kasoo joogsado ama uu diidana way garaaci jirtay garaac muuqda, ilaa ay kasoo dacwoodeen reer adeerkii iyagoo leh “sidaas caruurta looma dilo waxaad u dishaa sidii adoo neceb oo kale” waxayse si fudud oo xikmadleh ugu jawaabtay tixdan gabayga’ah.
Safiya {Alle haka raali ahaado’e} waxay ku jirtay muslimiintii maka ee ay qurashi dhibaatooyinka badan soo mariyeen. Markii uu Alle {subxaanahuu watacaallaa} uu u ogolaaday Nabigiisa {calayhi salaatu wasalaam} hijrada waxay Safiya {Alle haka raali ahaado’e} kaga tagtay Makka waxay xoolo iyo maalba lahayd iyadoo dooratay Alle iyo Rasuulkiisa {calayhi salaatu wasalaam}.
Safiya waxay ka qayb qaadatay hirgalintii diinta Alle ee xaniifka’ah iyo faafinteediiba, kama ayna reebin dumarnimadeedu iyo da’deedu toona gargaarka diinta Alle {subxaanahuu watacaallaa} waxay ahayd tii markasta laga arko goobaha uu jihaadku ka socdo ilaa ay gaadhay heer ay taariikhdu u qirto mawqifyadeedii jihaad ee gabadh iyo hooyo kastoo muslimada ugu filan ku dayasho iyo ku faan meel iyo waa ay joogtaba. Waxaana ugu waynaa mawqifyadeedaas laba mawqif oo ay muujisay geesinimada iyo sabarka ay siday haweenaydaas qiimaha iyo qaayaha lehi iyadoo cimrigeedu uu ahaa lixdameeyaha, bal aan eegno maxay samaysay maalintii uxud Safiya bint Cabdul mudalib {Alle haka raali ahaado’e}.
Uxud: Waxay ku jirtay kooxdii haweenka ee ku jiray jihaadka iyagoo qaarna waraabinayey dhaawacana dawaynayey, hadaba Safiya intaas kuma eekayn hamigeedu’e waxay aad ugu mashquul sanayd goobta jihaadka iyadoo ogayd in dagaalkani uu ku xidhan yahay mustaqbalka dacwada Alle say u sii socon lahayd. Markii ay iraadada Alle doontay in muslimiinta laga guulaystay oo ay sabab u ahaayeen qaarkii muslimiinta ahaa ee amarkii rasuulka Alle {calayhi salaatu wasalaam} aan oofin. Markii ay aragatay Safiya kuwii laga badiyey oo sii ordaya intay qaaday “umxa” ayey wajiyada kala dhacaysay iyadoo leh “ceebtiinee ma Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} ayaad ka ordaysaan”.
Markay ogaatay {Alle haka raali ahaado’e} walaalkeed Xamza inuu shahiiday ayey usoo dhaqaaqday xagiisa, markaasuu rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} arkay isagoo uga baqaya inay aragto siday mushrikiintii u galeen maydkii Xamze, wuxuu markiiba usoo diray wiilkeedii Subayr markuu Subayr soo gaadhay hooyadii ayuu ku yidhi “Hooyo joog hooyo joog …….” intay iska dhufatay ayey tidhi “ii banee hooyadaa waaye…….” wuxuu ku yidhi “hooyo Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} ayaa ku amraya inaad noqoto” intay istaagtay ayey tidhi “maxaa dhacayna way isoo gaadhay sida ay u jar jareen gaaladu walaalkay, taasina waa Alle {subxaanahuu watacaallaa} dartiiye” markaas ayuu Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} yidhi “ubanee Subayroow”.
Markii dagaalkii kala dagay ayey soo dul istaagtay walaalkeed Xamze {Alle haka raali ahaado’e} isagoo caloosha laga dooxay oo beerkiisii lasoo saaray dhagihiisii iyo sankiisiina la jaray, calool xumadaas iyo tiiraanyadaasi kumayna kalifin Safiya {Alle haka raali ahaado’e} inay baroorato oo ay timo iyo maryo iska jar jartee bal intay Alle {subxaanahuu watacaallaa} sabir waydiisatay ayey Alle danbi dhaaf u waydiisay walaalkeed Xamze iyadoo leh “Inaalillaahi wa inaa ilayhi raajicuun” Allaahu akbar halkee laga helayaa ama ay joogtaa gabadh sabarkaas iyo mid u dhaw toona leh maanta way yar yihiin sida lagu helaa kuwaas. Miyeyna inoogu filayn Safiya {Alle haka raali ahaado’e} tusaale hadaynu nahay dumarka Islaamka, kaasi wuxuu ahaa mawqifkeedii Uxud ee bal aan eegno seebuu ahaa geesinimadii iyo xeel dheeridii ay muujisay maalintii Khandaq ama Axzaab.
Waxay tidhi safiya {Alle haka raali ahaado’e} waxaan ku jiray dumarkii ku jiray qalcadii Xasaan bin Thaabit, Xasaana qalcada ayuu kula jiray waxay tidhi: waxaana soo ag maray nin yahuudiya oo qalcadii ku meeraystay, banuu quraydana waynala dirireen oo heshiiskii iyaga iyo Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} ka dhaxeeyey way ka baxeen cidnaga celisana nooma dhaxayn yahuudaas, Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} iyo muslimiintuna waxay ku mashquulsanaayeen cadawga oo kamayna soo tagi karayn si ay noo difaacaan anaga, markaasaan idhi
ayey tidhi: Xasaanoow ninkan yahuudiga’ahi saad aragtaba qalcada ayuu ku wareegayaa’e wallaahi inaanan ka aamin qabin inuu baylahdeena tuso yahuuda naga danbaysa, Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} iyo asxaabtiisuna way mashquulsan yihiine ee orodoo udag ninka oo dil. Wuxuu yidhi Xasaan: Wallaahi waad ogtahay inaanan taas ninkeedii ahayn, Waxay tidhi: intaan maryahaygii isku adkeeyey oo aan tiir meesha yaalay qaatay ayaan dhufayskii ka dagay markaas ayaan yahuudigii oo gabanaya ku dhuftay tiirkii oo aan madaxa kala dhacay ilaa uu ka dhintay. Allaahu akbar intaas kaliyana kagama ay tagine intay tooray ay sidatay lasoo baxaday ayey kurka ka goysay iyadoo muujinaysa geesinimada iyo xeel dheerida laga rabo gabadhamuslimada’ahi inay lahaato ayey soo qaaday kurkiisii oo ay ku soo dhex tuurtay yahuudii sugaysay inuu war ukeeno, markay arkeen madaxii saaxiibkood oo horyaala intay is eegeen ayey dhaheen “waan garanaynay inuuna Muxamed inuuna dumarka kaligood ka tagayn” iyagoo hungoobay ayeyna isakanoqdeen.
Allaahu akbar u fiirso walaashayda muslimada’aheey say u bad baadisay saxaabiyadaasi umada Islaamka iyadoo waliba cimrigeedu dhaafay markaas 60sano.
Alle haka raali noqodo Safiya, Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} wuxuu ahaa mid aad u jecel eedadii oo qadariya. Waxay noolayd Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} kadib iyadoo karaamaysan oo dadka oo dhami u qirayaan qiimaheeda iyo heerka ay ka taagan tahay taariikhda Islaamka ee wanaagsan.
Alle haka raali ahaado’e waxay dhimatay wakhtigii Cumar bin Khadaab {Alle haka raali ahaado’e} sanadku markuu ahaa 20H 640M iyadoo ay da’deedu gaadhay dhawr iyo todobaatan jir.
Alle haka raali ahaado Safiya bint Cabdul Mudalib waxay tusaale wanaagsan u noqotay gabadha muslimada’ah dhinac sabir iyo dhinac geesinimaba waxayna ahayd mid kasoo baxday dhibaato kasta oo soo martay iyadoo kaashanaysa Rabigeed {Caza Wajalla}.