Sida Ilmahaaga Loogu Baro Anshaxa Wanaagsan Marka Uu Banaanka Joogo

Dhaqanka iyo anshaxa wanaagsani waa qayb muhiim ah tarbiyada iyo koritaanka ilmahaaga. Inaad ilamahaaga u tarbiyeyso qaabka uu banaanka u joogo, dugsiga, goobaha ciyaarta, ama meelaha dadweynaha. Waa shay waajiba oo ku saaran hadii aad tahay waalid ama barbaariyey ka masuula ilamahaas. Sida ay lama huraanka u tahay inaad barto sida iyo wuxuu cuni lahaa ayey taninan muhiim u tahay. Bar ilmahaaga sida loola dhaqmo dadka kale si xushmad iyo ixtiraam leh. Waalidku waa inay caruurtooda baraan hab dhaqankasta oo wanaagsan kaasoo gaadh siimaya ilaha nolol wanaagsan mustaqbalkiisa.

1. Habka Wanaagsan ee Loola Cuno Dadka Kale: Akhlaaqda muslimka

  • Ku bilow Bismillaah cunto ama cabitaan.
  • Ku cun gacanta midig.
  • Si wanaagsan oo haboon u fadhiiso marka aad cuntaynayso.
  • Ha iska badin cuntada aad cunayso, cun inta aad ku gaajo bixi karto.
  • Cun cuntada inta kusoo xigta hadii aad dad la cuntaynayso.
  • Ku Shukri Ilaahay nimcada uu ku siiyey.
  • Afka isku xidh marka aad cuntaynayso.
  • Hadii aadan jeclayn cuntada iska daa adigoon waxba ka sheegin.
  • Hadii lagu casuumo u ducee dadka ku casuumay.

2. Ilaalinta Nadaafadda Guud iyo Qashinka

  • Ilmahaaga in qashinku uu yahay wax xun oo foolxumo keenaya, sidaa darteed bar ilmahaagu inuu qashinka ku rido ama ku tuuro meelaha loogu tala galay. Waxyaabaha ugu horeeya ee ay ubadku ku dhaqaaqaan marka ay isha waalid kood ka dheeraadaan ayey ka mid tahay in qashinka meesha ay dhigayaan ayna wax ihtimaam ah siinin.
  • Bar ilamhaaga in inkaar iyo habaarba ay usoo jiidayso qashinka meelahaas lagu tuuro.
  • Bar inay nadaafadooda gaarka ahi ay tahay waxa ugu muhiimsan ee ay dadka ku soo jiidan karaan.  Dharka nadiifta ah, timo ama xijaab nidaamsan,  ilkaha oo cadayan, udgoon iyo caraf aan laga badinin iwm.
  • U sharax muhiimada ay nadaafadda u leedahay caafimaadka iyo bulshada guug iyo khaasba.
  • Dariiqyada oo aan lagu tufin candhuuf iwm.

3. Sidii Ay Bulshada U La Macaamili Lahaayeen

  • Bar inay qof walba si xushmad leh ula hadlaan, xitaa haddii uu yahay qof ayna garanayn ama si fiican aan ula dhaqmin.
  • Af nijaas inayna noqon u sheeg ilmahaagu, waxaa aad u badan in caruurta kale ay ku daydaan marka ay kaa fogaadaan, sidaas darteed waa lagama maarmaan inaad aad u barto inay cayda iwm ka dheeraadaan.
  • U sheeg inay dadka salaamaan oo muujiyaan dhoolla-caddayn markasta.
  • Ku dhiirrigeli inay caawiyaan dadka waa wayn iyo kuwa daciifka ah.
  • Bar inay sugaan saf hadii lagu jiro oo ayna dadka kahoreeya dhaafsan. Tani waa arin aad iyo aad ugu muhiim ah dulqaadka iyo samirka ilmahaaga ee mustaqbalka

4. Ixtiraamka Dadka Waaweyn iyo Kuwa Ka Da’da Yar

  • Bar inay dadka waaweyn hadalkooda dhagaystaan oo aysan la murmin. Hadii ay ka ra’yi duwan yihiina ay si ixtiraamleh u sheegtaan fikirkooda, si ubadkaagu u noqda ilmo sheegan kara baahidiisa isagoon cidna dhaawacin.
  • Usheeg oo bar inay dadka da’da yar si naxariis leh ula dhaqmaan, ayna caawiyaan haddii ay ubaahdaan.
  • Ku dhiirrigeli ubadkaagu inay hadallo ixtiraam leh isticmaalaan, sida “fadlan”  “mahadsanid.” “Raali noqo” iwm. Kuwani waxay gaadhsiinayaan ilmuhu inuu noqdo qof akhyaara oo dadka la dhaqmi kara.

5. Qaabka Hadalka iyo Dhageysiga Wanaagsan

  • Bar in marka qof uu hadlayo inayna hadalka ka boobin, ee ay sugaan inta qofka kale dhamaysanayo.
  • U sheeg inay si deggan oo edeb leh u hadlaan, iyagoo ka dheeraanaya inayna noqon qofka isagu markasta hadalka haysta ee la karaahiyeysto, una sheeg in hadalka oo kor loo qaado ayna ka dhigayn mid la dhagaysto isaga un.
  • Usheeg oo bar in afka daboolani uu yahay dahab, adigoon u kala saarayn wiil iyo gabadhba.

Gabagabo

Anshaxa iyo hab dhaqanka wanaagsani waa dhaxalka ugu wayn ee ugu mihiimsan ee aad ilamahaga uga tagi karto. Marna haka daalin inaad ilamahaaga barto oo aad ku baraarujisa akhlaaqda wanaagsani inay ka qiimo iyo qaayo badan tahay maalka iyo dahabka aduunka yaala oo dhan. Xasuusi markasta oo uga sheekee akhlaaqdii xabiibkeena scw. Hadaba isku day inaad raacdo tusaale yaasha kor aan kusoo xusnay. Marka ilmahaagu barto xeerarkan, wuxuu noqonayaa qof si wanaagsan ula dhaqma bulshada, dadkana ixtiraama.

Ina Sheik
Ina Sheik