Sida Loo Xalliyo Dhibaatooyinka Qoyska Si Xikmad Leh


Deeqaay Walaalo, Jeceylkaaga Waa Muhim

Inaad ninkaaga jeclaato waa wax aad u fiican, waana sida la rabo. Inaad talo na soo waydiisatana waxay cadayn u tahay in aad reerkaaga, ninkaaga iyo caruurtaadaba jeceshahay, rabtana inaad noloshuu Alle kuugu talagalay ku noolatid: nolol farxad leh.

Arintan ku danqaysana waan dareemi karnaa, waxaanan isku dayeeynaa, hadduu Alle idmo, in aan su’aashaada kaa talasiino, sidaan u fahannay ee Illaahay SWT naga garansiiyay.


Ka Fakar Si Dheer Ka Hor Go’aan

Waxaad ogaataa walaalo in go’aanka uu qofku gaadho isagoo cadhaysan xanuun badan keeno. Go’aankaad ku fakaraysid ee ah in aad rabtid in aad iska furtid ninkaagana, waxaan dareemaynaa inay aad iyo aad uga fogtihiin wixii la isku furi lahaa, ee aad gurigiina u burburin lahaydeen.

Kaadso walaalo.

Intaadan furitaan ku fakarin, ka fakar walaalo:

  • Caruurtaada aaba la’aanta ku dhici karta.
  • Inaad kaligaa la silci doontid adoo noqonkara “single-mother“ ama “hooyo kali ah“.

Uma malaynayno inaad taa rabtid.


Qodobka 1: La Dood Ninkaaga

Walaalo, ma usheegtay ninkaaga arintaas saad ka dareemaysid iyo waxaad ka qabto?
Ma usheegtay in aad ogaatahay gabadha kale ee uu la sheekaysto, ee uu rabo in uu guursado? Mise adaa kaligaa meel ka xanaaqsan oo kuma oga ninku?

Waydii su’aalaha muhiimka ah:

  • Waxay kaaga fiicantahay gabadha kale ee uu ku fikirayaa, adoon waxba u qarinayn.
  • Miyey kaa jidh qurux badan tahay? (Haddey kaa qurux badan tahay, maxuu kuu guursaday markii horeba hadduu tu kale quruxdeeda eeganayo?)
  • Caruurtiisana ma wuxuu u dayacayaa si uu u raaco caruur kale oo uuna dhalin ama mustaqbalka dhalan doona?

Ula dood si caqli ku jiro, adoon xanaaqsanayn.

Dumarka badankoodu waxay xaqooda u sheegan waayaan maxaa yeelay intay marka hore wax kasta u aamusto, ayey hal mar qarxaan. Taana waa lagaga fiican yahay. Hadaba adigu Deeqaay walaalo, si xikmad iyo caqli ku jirto ula fadhiiso ninkaaga, adoo kala hadlaya arintan.

Haddii sida aad sheegtay ku jecel yahayna, waxaan rajaynaynaa inuu ku dhagaysan doono. Waxna ha u qarin ninkaaga; wax kastood ka qabto usheeg arintan. Ogow waxaad maanta qarsato, natiijadeeda inaad hadhow adigu heli doonto.


Qodobka 2: Ciladu Dhinacaagaa Miyaa?

Malaga yaabaa in ay ciladu xagaaga ka timaaday walaalo?

  • Ma waxuu kaaga tagayaa, wuxuu dareemayaa in aad caruurtii kaga mashquushay?
  • Ma waxaad xaqiisii (gogosha iwm) siin wayday?

Ogow in nimanka muhiimadooda koobaad tahay gogosha!


Qodobka 3: Sirtiisa Maxaad U Baadhay?

Walaalo, maxaa kugu kalifay ninkaaga in aad sirahiisa baadhbaadhid?

  • Ninkaagu ma nin sirahiisa kaa qarsadaa oo saas ayaa kugu kaliftay in aad sirihiisa baadhid?
  • Mise si kalaa lagaaga shakisiiyay oo aad baadhitaanka ugashay?

Ina Sheik
Ina Sheik