Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Sida Loo Xoojiyo Kalsoonida Naftaada – 6 Talo Oo Wax Ku Ool Ah
Su’aasha:
Asc Isurooneey,
Waxaan ahay gabar 25 jir ah. dhibaato weyn aya ku qabaa kalsoonida naftayda. Mar kasta aan dad la joogo, waxaan daremaa qiimo aan lahayn, oo hadalkaygu uusan muhiim ahayn. Waxaa i qabata cabsi aan fahmi karin, waxana ka xishoodaa in aan fikradahayga dhiibto. marka aan fursad helo, waxaan is daren siya in dadka i ag jooga ay iga fiican yihiin oo aanan mudnayn in la i maqlo. Waxas odhan aya iga gooyey dadkii ee maxaan sameeyaa?
Mahadsanid,
Gabar kalsooni yari la dhibban
Jawaabta:
Walaal waad ku mahadan tahay talada aad nasoo waydiisatay, waxaan rajaynaynaa in si fiican oo ku raali galisa aan kuugu jawaabno.
Marka hore kalsooni daridu waa wax marna kordha marna yaraada, sidaa darteed waa wax caadiya oo dadka oo dhan ayaa taasi soo martaa, nasiib wanaag waa mid la xalin karo hadii aad naftaada wakhti siiso. Waxaan halkan kuugu soo gudbin doonaa qodobo aan is leeyahay way kaa caawin karaan inaad naftaada ku kalsoonaato.
Waxaa aad iyo aad muhiim u ah inaad xusuusnaato in qof walba uu leeyahay qiimo u gaar ah. Adiguna waxaad leedahay qiimahaaga kuu gaara, sidaa darteed marna qofka kale kalsoonida aad is leedahay wuu leehay taada lama mid noqon karto. Ma laga yaabaa dadkaas aad ka hadalyso inay iyagu ay adiga kusoo eegayaan iyagoo kuu arka inaad tahay qof kalsooni wayni ka muuqato. Ogowna in dadkaas kugu hareeraysani dhamaantood in ayna wada fiicnayn. Waxaa muhiim ah in aad is xasuusiso kartidaada, wanaaggaaga, iyo waxa aad adigu leedahay ee kaa dhiga qof gaar ah.
Inaad dadka kale is barbar dhigtaa maaha wax kuu soo hoynaya guul, halka aad ku fikirayso dadka kale qaabka ama waxa ay yihiin waxaa kaaga muhiimsan inaad isku mashquuliso sidii aad adigu naftaada u gaadhsiin lahay meel kore. Sidii aan hore usoo sheegnayna maba laga yaabaa inay iyaguna sidaada oo kale adiga ay ku soo hiigsanayaan.
Is barbar dhigaaga dadka kale wuxuu kuu keeni kara kalsoonida aad ka cabanayso. Markasta oo aad u aragto dadkale inay kaa fiican yihiin ogow inaad naftaada xaqirayso, waxaanad isa su’aashaa hadiiba adigu aad naftaada u aragto sidan maxaad ka sugaysaa dadka kale. Maahmaah ayaa jirtay odhan jirtay Ri’ kastaa meesha ay is dhigto ayaa lagu qalaa.
Bilow talaabooyin yar yar oo aad naftaada ku barayso kalsoonida, adigoo isku dayaya inaad ka qayb qaadato dooda ama hadalada ay is waydaarsanayaan dadka aad la joogto. Waxaad u fiirsataa in dadku si khaasa kuu eegayaan iyo in kale, iyo in adiga xagaaga ay tahay qofka is xukumaya ee isu arka inay dadku wax ka sheegayaan. Waxaad isku daydaa mararka qaar inaad adigu bilowdo isku day, adigoo xulanaya mawduucyo aad og tahay inaad si fiican uga doodi karto. Haka baqin in dadku ay kaa fikir duwanaadaan sabatoo ah qofkastaa wuxuu leeyahay ra’yigiisa, micnaheeduna maaha in kiisu uu kaa fiican yahay. Ku kalsoonow in ayna waxba ku dhaamin.
Waxaad isku daydaa in maalin kasta aad samayso jimicsigan maskaxda adiga oo hor taagan muraayadda dheh:
✅ “Anigu waxaan ahay qof qiimo iyo qaayo leh.”
✅ “Waxaan leeyahay fikrado mudan in la maqlo oo la ixtiraamo.”
✅ “Waan isku filanahay waanan isku kalsoonahay.”
✅ Hana iloobin inaad markasta kus ducaysato ducadii ahayd (Rabbi ishrah li sadri dua)
Sidan markaad samayso maskaxdaadu way la qabsan doontaa fikirkasta, wax badanna way kuu tari doontaa.
Ka fikir oo isku day inaad raacdo wixii hore aad ugu soo guulaysatay ee aad ku faraxsanayd. Isku day inaad ku cel celiso guulahaagii hore.
Iskaga tag oo ha ag joogin dadka markasta ku dareen siiya kalsooni darada, hadii ay hadal tahay iyo hadii ay ficil tahayba. Ka ag dhawoow oo la saaxiib kuwa aad og tahay inay ku dhiiri galinayaan.
Waxaad walaal ogaataa in si kasta oo aad yeesho aadan qancin karin dadka banii aadamka ah, sidaa darteed isku kalsoonoow oo raac wixii aad u aragto inuu ku dhiiri galinaya, adiga oo aan ka fogaanayan wanaaga diinteena iyo dhaqankeena fiican.
Walaashaada ku garab taagan,
Isurooneey 💙✨