Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Sida Loo Xoojiyo Xiriirka Guurka: Talooyin Ku Saabsan Fahamka iyo Wanaajinta Jacaylka
Ruuneey
ASC/WR/WBR
Waxaan halkaan idinkugu soo dirayaa salaan mida ugu sharafta badan oo ah mida ay isku salaamaan walaalaha Muslimka ah, waana mida kor ku xusan. Salaan bacdigeed, waan idiin hambalyeynayaa bahda Isurooneey howshaan aad noo qabateen. Haddii aan nahay walaalaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, hambalyo!
Kadib, walaal su’aashayda waa tan:
Nin ayaan is qabnaa muddo 8 sano ah. Waxaan u leeyahay inan hadda 7 jir ah, isaga dabadiina wax kale ma dhalin.
Waxaa jirta, runtii anoon isku ammaaneeyn, in aan intii awoodeyda ah aan u dadaalo sidii aan u sii wada dhaqmi lahayn. Wax walboo nafteyda jeceshahay, waxaan dantiisa ka hormariyaa anoo u sameynaya Allah dartii iyo in uu iigu naxariisto. Wax walboo aan u sameeyo wuu iiga mahadceliyaa, inkastoo aanan ka helin dhankiisa jacayl lamida midka aan aniga u muujiyo.
Mararka qaarkood waxaan ku fakaraa: Muxuu sidan iigu dhaqmaa? Waxyaabaha aan aniga jeclahay wuu necebyahay.
Tusaale ahaan, waxaan jeclahay in aan habeenada qaar si gooni ah u wada sheekeysano ama habeenada farxadda ah hadyado is dhaafsano. Mar walba waxaan jeclahay in aan hadyad usoo iibiyo. Wuu iiga mahadceliyaa, laakiin maahan mid isku daya inuu hadyad iisoo iibiyo. Wuxuu dhahaa: “Dabeecaddayda maahan in aan wax soo iibiyo iyo wax lamida, qaas ahaan uma soo iibiyo inanka isaga ah hadyado iyo wax uu ku farxo.”
Runtii, waxaan jeclaan lahaa in aad wixii talo ah oo aan kusoo jiidan karo kuna kasban karo jacaylka seygeyga iisoo gudbisaan, bahda Isurooneey.
Fadlan i caawiya! WSC WR WBR.
Jawaab: isurooneey.com
Walaal, waad ku mahadsan tahay amaantaada. Allaah ha inaga wada dhigo sida aad noo maleyneysid dhammaanteenba.
Walaal, sidaan u fahannay su’aashaada, ninkaaga waad jeceshahay, waadna u dadaashaa. Wax kastana waad u qabataa, laakiin waxyaabaha aad jeceshahay ayuu necebyahay oo kuuma sameeyo. Waa arrin dhibaato keeni karta haddii aan si wanaagsan oo caqli-gal ah loo hagaajin. Waxaan kaa oraneynaa arrintaada sidan:
Walaal, waxaad ogaataa nimanka badankoodu inaysan jeclayn sheekada romaaniga ah. Baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dumarku ay dareenkooda ku cabiraan sheeko macaan iyo wada hadalka dhex mara iyada iyo ninkeeda. Halka nimanku ay dareenkooda kaga cabiraan dhinaca gogosha.
Waxa muhiim ah inaad ogaato arrintaas. Sidaas darteed, waa inaad ka dhaadhicisaa oo fahamsiisid in ay muhiim kuu tahay oo ay qiimo weyn kuugu fadhido inuu kula fariisto oo uu kula sheekaysto.
Talo:
Waxaad samayn kartaa inaad kala sheekaysatid wuxuu xiiseeyo, sida kubbadda cagta, siyaasadda, caafimaadka, iwm. Ama waxaad weydiin kartaa wuxuu sameeyay intuu maqnaa. Haka quusan taas.
Waxaad ogaataa inaad bari karto ninkaaga inuu kula hadlo. Haddii aad ku wareegtid waxyaabaha uu rabo ee uu xiiseeyo, waa hubaal inuu kuu furfuri doono. Waxaadna ogaataa inuu dareemayo inaad xiisayso wuxuu xiiseeyo oo aad ixtiraam siinayso isaga.
Markasta adaa ka dhaadhicin kara baahidaada. Walaalo, ha samayn sida ay sameeyaan dumar badan, kuwaasoo aan sheegin baahidooda. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: “Qof aan hadlin, hooyadii ayaa qadisay!”
Haddii uu ku yiri: “Dabeecaddayda maahan in aan wax keeno,” ku dheh oo ka dhaadhici inuu is baro. Waxyaabaha aan la aqoon waa la baran karaa haddii uu dadaalo oo uu rabo.
Talo:
U sheeg inay farxad weyn ku siineyso taasi. Una caddee inuusan u baahneyn inuu meel weyn ka bilaabo—xataa xabad nacnac ah ha ahaato! Ha dhayalsanin adigu xabad nacnac. Habeenkii uu nacnac kuu keeno waxay kaaga fiican tahay habeen uu faro madhnaan kuugu soo galo.
Qosolka aad xabad nacnacaas ku wada qosleysaan ayaa wax walba idiinka qaalisan. Adiguna ha noqon qof dalab badan. Wixii uu kuu keeno ku qanac, kuna farax. Waa inuu kaa dareemo taas.
Waxaad samayn kartaa inaad wiilkaaga is raacdaan ood tiraahdid: “Aabe u door oo u qaad hadiyad, anaa kaa bixine!” Kadib, markuu guriga yimaado, wiilkaaga ha siiyo aabihiis hadiyadda, isagoo leh: “Aabe, waan ku jeclahay, adaan kuu keenay hadiyadan.”
Ujeedka:
Ugu dambeyn, waxaan kugu dhiirigalinaynaa dadaalkaaga. Sii wad, oo siyaadi habeenadaas farxadda leh ee aad hadda samayso. Ka dalab ninkaaga inuu isna kaaga farxiyo habeenada qaar oo wax uu filanwaa ah kaa dhigo.
Waxaan rajaynaynaa in gabar walba oo Muslimad ah ay sidaada oo kale u dadaasho oo ay samaysato habeeno xusuus leh, iyagoo u sameynaya Allaah dartii.