Sida Loo Yareeyo Xanuunka Dhiiga Caadada – Talooyin Fudud oo Wax Ku Ool Ah

Dhaqdhaqaaqa Badi

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto: adigoo xanuun badani ku hayo, sideen u dhaqdhaqaaqaa? Jimicsigu wuxuu caawiyaa in unugyada dhiigu ay si fiican u shaqeeyaan. Haddii aadan maalintaas jimicsi samayn karin, ku dadaal in jimicsigu uu noloshaada qayb ka noqdo, si maalinta caadada aad hesho ay kuugu fududaato.

Meel Diiran

Diirimaadku wuxuu yareeyaa xanuunka caadada. Tusaale ahaan, isku day inaad maro diirran huwato adigoo meel dugsoon jiifsanaya. Barkin ama wax u dhigma oo aad caloosha ku qabataana waxay keentaa diirran xanuunka yareeya.

Duugitaan

Xanuunka inta uu ku hayo, isku day inaad gacantaada ku duugto meesha xanuunku u badan yahay. Duugitaanku wuxuu caawiyaa yareynta xanuunka wuxuuna kuu keenayaa nasasho.

Is Iloowsii Xanuunka

Waxaa hubaala in xanuun kasta haddii la is iloowsiiyo inuu yaraado. Hadaba isku day inaad naftaada ku maaweeliso wax ay ku iloowdo xanuunka, sida daawashada filim, akhriska buug, ama sheekaysi. Waxay dhaantaa inaad jiifsato adigoo ka fikiraya xanuunka.

Xanjo Calaasho

Haddii aad tahay gabdhaha aad u matagta wakhtiga caadada, isku day inaad xanjo cusub afkaaga ku hayso mar kasta. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad iska ilowdo mataga ama aad xakameyso.

Musqusha Aad u Gal

Haddii aad awoodo, isku day inaad badiso musqusha galitaankeeda. Qoyaanka badani wuxuu kordhiyaa diiqadda taasoo sii xoojin karta xanuunka. Hadaba ku dadaal inaad qoyaanka yarayso.

Caanaha Cab

Daraasad ay soo saareen professorro Ingiriis ah ayaa caddeysay in caanuhu yareeyaan xanuunka badan ee dhiiga caadada. Hadaba ku dadaal cabitaanka caanaha si joogto ah.

Sinjibiil

Sinjibiishu waxay yaraysaa walwalka badan. Isku day inaad cabto iyadoo diiran, sida inaad ku darsato shaaha ama biyo kulul. Cab inta ay weli diirran tahay si aad u hesho raaxo degdeg ah.

Khamuun

Xawaashka ay Soomaalidu u taqaan khamuunta (Persian cumin) wuxuu caawiyaa yareynta xanuunka caadada. Ku darso cuntada ama diyaari cabitaan.

Sactar

Caleenta loo yaqaano sactarka (Thymus) iyaduna waxay yareysaa xanuunka dhiiga caadada. Isku day inaad cabto shaah sactar ah si aad u hesho nasasho.

Saliida Kaluunka

Daraasad kale oo ay soo saareen professorro Danish ah ayaa caddeysay in saliida kaluunka iyo fitamiinka B12 ay yareeyaan xanuunka caadada. Ku darso cunnadaada ama qaado kaabis caafimaad oo leh saliid kaluun.

P-piller (COCP)

Kiniinka dhalmada ka hortagga wuxuu si aad ah u caawiyaa xanuunka caadada. Haddii aad rabto inaad isticmaasho kiniinkan, waa muhiim inaad kala tashato dhakhtarkaaga si uu kuugu tilmaamo nooca ku habboon (Ha iska qaadan kiniinkan adoon la tashan dhakhtar).

Dhakhtarka Aad

Haddii xanuunkaagu yahay mid aad u badan oo aanay waxaas oo dhami caawinayn, waxaa wanaagsan inaad dhakhtarkaaga u tagto si uu kuu baadho oo uu ku siiyo talo iyo daawo habboon.

Talaabooyinkan yar-yar ayaa kuu sahlaya sidii aad u yareyn lahayd xanuunka dhiiga caadada, una heli lahayd raaxo badan wakhtigaas. Tijaabi, waana hubaa inaad wax badan ka faa’iidi doonto.

Ina Sheik
Ina Sheik