Top 3 Meelood oo Tamarta Laga Helo: Cunto, Dhaqdhaqaaq, iyo Maskax

Tamarta jidhku ubaahan yahay kuma koobna kaliya cunto ama cabitaan, jidhku wuxuu u baahan yahay waxyaabo badan oo kale oo uu ka heli karo tamarta uu u baahan yaay. Maqaalkani wuxuu si koobayaa sadex nooc oo xoojinaya tamarta jidhka kuwaas oo ah cunto, jimicsi iyomaskaxda.  

1. Cuntooyinka Dabiiciga ah ee Tamarta Joogtada laga helo

  • Cuntooyinka laga helo Complex Carbs  ayaa ah kuwo uuna jidhku ka maarmin maalinkasta, cuntooyinkan inaad wada cunto muhiim maaha hadii qaar kamida aad cunto ayaa buuxinaya baahidaas. Cuntooyinkan waxaa kamida roodhida oo laga sameeyo burka, noocyada digirtu leedahay sida digirta laga sameeyo cambuulada, salbuko, faasuuliye iwm. Waxaa kale oo iayana laga helaa noocyada miraha qallalan sida, misirka, masagada, galeyda (qamandida) iyo sooy.  Kuwani tamarta jidhku u baahan yahay waxay usii daayaan si tartiib ah. Halkan hoose waxaad ka arkaysaa tusaale kooban oo ku tusi kara noocyada tamarta wakhtiga dheer/gaaban iyo waxa laga helo.

Miro QallalanTamarta (kcal/100g)Nooca TamartaFaa’iidooyinkaKu Habboon
Timir (Dates)270Tamar degdeg ahSonkor dabiici ah, tamar sare, hodan ku ah potassiumCunto fudud, kahor jimicsiga
Raisins (Sokor-caanood)300Tamar degdeg ahDhiiga ayey kor u qaada, maskaxda siiya tamarCaruurta, shaqada maskaxda iwm
Canbe qallalan320Tamar degdeg ahFitamiin C & A, dhadhan fiicanCunto ku fudud, safarka
Apricot qallalan280Tamar degdeg ahCaafimaadka indhaha iyo maqaarkaXilliga dhaxanta
Tufaax qallalan250Tamar degdeg ahFiber sare, sonkor hooseeyaCunto yar-yar
Digirta340Tamar waqti dheerProtein & fiber sare, caawiya dheefshiidkaSuugo, maraq, Bariis iwm
Digirta guduudan335Tamar waqti dheerNafaqo sare, daalka yaraysaCunto buuxda (lunch/dinner)
Misir350Tamar waqti dheerVitamin B, iron, protein sareDumarka uurka leh & dhiig yarida
shumburo365Tamar waqti dheerNafaqo maskaxda, protein badanCunto vegetarian ah
Masaggo365Tamar waqti dheerKarbohaydrayt sare, tamar badanSaloolka/daangada iwm
Bariis360Tamar waqti dheerSal-dhig cunto, nafaqo fududCunto maalinle ah
Qamandi340Tamar waqti dheerFiber, fitamiin B sareRooti, buskud, baasto
Sooya (Soybeans)400Tamar waqti dheerProtein sare, kalsiyum badanJimicsi, nafaqeynta murqaha
  • Vitamin B & Iron: Vitaminadan ayaa laga helaa spinach, kalluun, ukumo  iwm kuwan oo xoojiya awooda unugyada si ay u soo saaraan tamar, waana cuntooyin si ashlan loo samayn karo oo aan qaadanayn wakhti badan.
  • Hydration: Biyaha ayaa ah aasaaska jidhkeena siada uu Illahay swt ku sheegay qiraanka, waxay yihiin furaha tamarta jidhka iyaga oo aan ku dhaginayn. Jidhku inuu qoyanaado waa farxada iyo tamarta ugu wanaagsan ee jidhku helo maalinkasta marka la cabo biyo kugu filan.

2. Dhaqdhaqaaqyo Fudud oo Tamarta Kuu Soo Celinaya

  • Socodka yar ee 10 daqiiqo ayaa kiciya wareega dhiiga iyo oxygen-ka. Sidaa darteed waa shay muhiim ah in maalintaada uu ku jiro socod dabiici ah oo aad u qasdiday ha yaraado ama ha badnaado.
  • Jimicsiyo fudud oo subax kasta ama galab kasta si joogta ah loo sameeyo ayaa iyaguna keena tamarta wanaagsan ee jidhka iyo maskaxdu u bahan yihiin maalin kasta.
  • Yoga hadaad taqaano?
  • Shaqada guriga ayaa iyaduna keenta tamarta maalin laha ah sida, nadaafada jikada oo si sahlan loo qabto adiga oo aan isku bilaabayn shaqo wayn oo lagu daalo.
Tamarta

3. Tamarta Maskaxda: Sida maskaxda loo dhiso loona nasiyo

  • Hurdada: Hurdada wanaagsan ayaa dejisa maskaxda, gaar ahaan REM sleep. Hadii aad wakhti u hesho maalintii qaado qayluula yar, tan ayaa ku siinaysa tamarta aad u baahan tahay maalintaas.
  • Omega-3 Fatty Acids oo laga helo kaluunka saliida leh ayaa sare u qaada shaqada neerfayaasha. Sidaa darteed inta aad cuni karto isku day inaad cunto.
  • Qaxwaha iwm ayaa iyaguna kiciya tamarta. Waxaase aan wanaagsanayn in la iska bad badiyo.
  • Digriga Ilaahay iyo cibaadada ayaa iyaa maskaxda koriya.
Gunaanad

Ugu danbayn ku dadaal waxkasta oo diintu kuu banaynsay oo aad isleedahay wuxuu ku siinayaa tamarta aad u baahan tahay maalintaas samee, adiga oo aan ka badbadinay. Noloshu waxay macaan tahay marka ay isu dheeli tiran tahay.

Maxay kula tahay adigana?
Sii akhriso maqaalkan oo kusaabsan nolol farxad leh:
👉 https://isurooneey.com/nolol-farxad-leh/

Ina Sheik
Ina Sheik