Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Umu Dardaa (Tii Yarayd)
Waxaa jira laba Umu Dardaa oo lagu naanayso, Umu Dardaadii Waynayd iyo Umu Dardaadii Yarayd. Labadooduba waxay ahaayeen xaaskii saxaabigii weynaa, Abu Dardaa.
Umu Dardaa Waynayd waxay ahayd saxaabiyad la kulantay Rasuulka (csw) kana soo warisay axaadiith. Magaceedu wuxuu ahaa Khayra bint Abii Xadr, waxayna dhimatay intii uu noolaa Abu Dardaa.
Umu Dardaa Yarayd oo ay qisadeenu ku socoto, waxaa la odhan jiray Hujayma bint Xayiyy. Waxay ahayd Taabiciyad. Mucaawiye bin Abii Suufiyaan ayaa soo doonay markii uu dhintay Abu Dardaa, wayna diiday.
Umu Dardaa waxay ahayd qof lagu yaqaanay xigmad aad u badan, hadaladii ay odhan jirtayna waxay noqdeen hadalo taariikhda gala oo aan la iloobin.
Hadaladeedii Xigmadda
Barta xigmada idinkoo yar si aad ugu camal fashaan markaad waynaataan.
Waxay tidhi maalin: “Maxaa ugu wacan qaarkiin inay baryaan Allaah iyagoo leh (Allahayoow i irsaaq), isagoo og qofkaasi inayna samadu soo da’ayn diinaaro ama daraahiim. Idinka dhexdiinaa la isku kiin dhex irsaaqaa, kiinii wax lasiiyaa ha aqbalo, hadii uuna u baahnayna ha siiyo ka ubaahan ee walaaladiiya. Hadii uu faqiiryahay wuxuu ku qabsan xaajadiisa yuunana ku celin Allaah risqiga uu siiyey.”
Waxay ka hadashay digkriga Allaah waxayna tidhi: “Hadaad tukato waa digkriga Allaah, hadii aad maqasho waa digkriga Allaah, khayr kastood samaysaa waa digkriga Allaah, waxkasta oo aad ka dheeraataana waa digkriga Allaah, waxa ugu sii wanaagsanna waa tasbiixda Allaah Caza Wajjala.”
Taladii Umu Dardaa
Ninbaa maalin ka dalbaday inay la taliso isagoo ka sheeganaya qalbi adayg, waxay ku tidhi: “Booqasho qubuuraha dadka dhintayna xaadir meeshay joogaan.”
Wuxuu yidhi Cawn bin C/llaah: “Waxaan ahayn kuwo ku nagaada Umu Dardaa agteeda anagoo ku jirna digkriga Allaah. Markaasaan is waydiinay anagooleh: ‘Toloow aarmay idinku caajistay?’ waxay noogu jawaabtay: ‘Waxaad is moodsiinaysaan inaan idinku ag caajisay! Waxaan ka raadiyey cibaadada Rabbigay meelkasta, kamana helin mid uu qalbigaygu ku wada dago ilaa aan ka ahayn meelaha digkriga Allaah lagu hayo mooyaane.'”
Wuxuu yidhi Ibraahiim bin Abii Cabla: “Waxaan ka dalbaday Umu Dardaa inay noo ducayso, markaasay iigu jawaabtay: ‘Oo ma waxaan gaadhay heerkaas!'”
Wuxuu yidhi Yuunus bin Masiirah bin Xalbasiy: “Waxaan u tagi jirnay Umu Dardaa, waxaana nala soo xaadiri jiray dumar badan oo wada saalixado ah, waxayna ahaayeen kuwa habeenkii oo dhan tukada ilaa ay cagahoodu ka dildilaaceen.”
Geerida Umu Dardaa
Wuxuu yidhi Hazaan: “Waxay igu tidhi Umu Dardaa makuu sheegaa wuxuu dhaho maydku markuu saaran yahay Nacajka (sariirta lagu qaadi lahaa)? Waxay tidhi: ‘Wuxuu dhahaa: Ehelkaygiiyoow, Jaarkaygiiyoow, kuwa sariirta sidoow, aduunyadu yeyna idin dagin sidii ay aniga ii dagtay, yeyna aduunyadu idiinku ciyaarin sidii ay aniga iigu ciyaartay aniga, ehelkaygu waxba iga qaadi maayaan danbiyadayda isugaya.'”
Markii ay dhimatay gabadheedii Dardaa waxay tidhi: “Dardaayeey u tag rabigaa aniguna rabigaybaan u tagayaa kadibna masjidkay iska gashay.”
Allaah naxariistiisa waasica ah ha ugu naxariisto Umu Dardaa. Waxay ahayd qof xigmad iyo cibaado xeeldheera leh.