Contact Info
Email:contact@isurooneey.com
Waxaad ka mid tahay kuwa ugu horeeya
Umu Xaraam bint Malxaan bin Khalid bin Zayd bin Xaraam Al-Ansariya, waxay ahayd Umu Sulaym walaasheed iyo Anas bin Malik habaryartii. Ninkeedu wuxuu ahaa Cubaada bin Saamit. Waxay la walaalo ahayd Sulaym iyo Xaraam waxayna ka qayb galeen labadooduba Badar iyo Uxud waxayna ku shahiideen maalintii Bi’ru Maacuuna, walaalkeed Xaraamna wuxuu ahaa ninkii yidhi markii dhabarka lagag dhuftay falaadha kalmadii caanka ahayd “Fustu warabil kacba” (waan guulaystay Rabbiga Kacbadaan ku dhaartee).
Umu Xaraam Waxay ka mid ahayd kuwii ugu horeeyey Islaamka reer Madiina waxayna la baayactantay Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} markii uu la baayactamay dumarka.
Waxay ahayd Umu Xaraam gabadh uu Alle caqli iyo xikmad siiyey, waxayna aad u jeclayd jihaadka. Taasna waxaa ugu bishaareeyey Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} inay u bixi doonto jihaadka dariiqa Alle, waxayna ahayd arimihii kusii dhiirrigeliyey isu diyaariso jihaadka dariiqa Alle {Caza Wajalla}.
Wuxuu yidhi Anas bin Maalik {Alle haka raalli ahaado’e}, habaryartay Umu Xaraam in Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} oo hurda maalin gurigeeda wakhti qayluula’ah inuu kasoo kacay hurdadii isagoo qoslaya. Waxay tidhi:
“Waxaan ku idhi: Maxaa kaa qosliyey Rasuulkii Alloow {calayhi salaatu wasalaam}!!!”
Wuxuu yidhi:
“Dad ka mid ah umadayda ayaa la iisoo bandhigay iyagoo usii duulaya dariiqa Alle, iyagoo saaran dusha badda, sida boqorrada oo kale.”
Markaasay tidhi Umu Xaraam:
“Rasuulkii Alloow {calayhi salaatu wasalaam}, iigu ducee inaan kamid noqdo.”
Intuu madaxa dhigay ayuu seexday haddana, markaa ayuu hurdadda kasoo kacay isagoo qoslaya. Waxay tidhi:
“Waxaan ku idhi maxaa kaa qosliyey Rasuulkii Alloow {calayhi salaatu wasalaam}!!!”
Markaasuu yidhi:
“Dad ka mid ah umadayda ayaa la iisoo bandhigay iyagoo usii duulaya dariiqa Alle, iyagoo saaran dusha badda, sida boqorrada oo kale.”
Markaasay tidhi Umu Xaraam:
“Rasuulkii Alloow {calayhi salaatu wasalaam}, iigu ducee inaan kamid noqdo.”
Wuxuu ku yidhi markaa:
“Waxaad ka mid tahay kuwa ugu horeeya.”
Wuxuu Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} ahaa mid karaameeya Umu Xaraam oo wuxuu kusoo booqan jiray gurigeeda oo uu ku nasan jiray iyada iyo walaasheed Umu Anas “Umu Sulaym, Rumaysaa” {Alle haka raalli ahaado’e}, waayo labadooduba waxay Rasuulka {calayhi salaatu wasalaam} u ahaayeen habaryar dhinaca naas nuujinta ah ama dhinaca nasabkaba, sida ay xaqiijiyeen culimada Islaamku. Sidaas ayuu Rasuulku {calayhi salaatu wasalaam} gurigooda ugu soo geli jiray labadooda oo kaligood ah.
Wuxuu yidhi Anas {Alle haka raalli ahaado’e}:
“Waxaa noosoo galay Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} aniga iyo hooyaday iyo habaryartay Umu Xaraam. Wuxuu na yidhi markaa Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam}: ‘Istaaga aan idin tukiyee.’ Markaasuu na tukiyey iyadoon ahayn wakhtigii salaadda.”
Waxay guursatay Umu Xaraam saxaabigii waynaa Cubaada bin Saamit {Alle haka raalli ahaado’e}, waxayna isu soo raaceen duulaankii badda ee lagu duulayey jasiiradda Qubrus. Markii ay baddii ka gudbeen ciidankii Islaamku oo la soo gaadhay dhulkii, waxaa ku adkaatay Umu Xaraam socodkii. Markaas ayaa loo keenay baqash si ay ugaadhsiiso meesha loo socday. Laakiin qadarka Alle ayaa meesha ka socdee, markii baqashii kortayba, baqashii way diiday oo dhulka u tuurtay iyadoo xadhigii baqashu ku duuduubmay. Waxayna ku tumatay Umu Xaraam ilaa ay ka geeriyootay oo ay halkaas ku shahiiday siday tamaniyeysay ee ay Rasuulkii Alle {calayhi salaatu wasalaam} ka dalbatay inuu ugu duceeyo inay ka mid noqoto ciidamadaas Muslimiinta ee intaasoo dhul ah usoo gooyey sidii ay nuurka Islaamka usoo gaadhsiin lahaayeen qaaradda Yurub.
Waxay ahayd Umu Xaraam qofkii ugu horreeyey ee Islaamka ee ku shahiida ama ku dhinta qaaradda Yurub. Ilaa maanta wuxuu ku yaallaa qabrigeedu meel u dhaw badda dhulkaas Qubrus oo loo tagaa dalxiis ahaan, waxaana loo yaqaanaa “Qabrigii Haweenaydii Saalixada Ahayd.”
Wuxuu yidhi Hishaam bin Qaaz (Alle ha u naxariistee):
“Qabriga Umu Xaraam wuxuu ku yaallaa Qubrus. Waxay dhahaan: ‘Qabrigii Haweenaydii Saalixada Ahayd.’ Waxaanan ku arkay qabrigeeda Qubrus.”