Su’aal Waxaan ahay haweeney da’yar oo aad u daryeesha nadaafaddeeda, laakiin mararka qaar waxaan dareemaa ur aan fiicnayn oo ka imaanaya farjiga, inkastoo aan is nadiifiyo maalin walba. Tani waxay igu keentay walwal iyo niyad jab, xitaa xiriirkayga ayay saameyn ku yeelatay. Maxaan sameeyaa?
Walaal waxaa muhiim ah marka hore inaad gaato, xubinta taranku inay leedahay ur ukhaasa oo lagu garto, taasina waa arin dabiici ah oo aan la badali karin. Waxaa jira arimo badan oo sababi kara in urtaasi ay ur la karaahiyeysto noqoto ama wax xuduuda ka baxsan. Waxaad sheegtay in aad si joogto ah aad ugu dadaasho nadaafadaada hoose, tan oo ah shay aad iyi aad u muhiim ah. Hadaba waxaan eegi doonaa 3 qodob oo aan is leenahay way keeni karaan urtan aad necbaysatay.
Bakteriyada ku nool farjiga: caadi ahaan waxaa jira bakteriya konool xubinta taranka taaso oo ah mid lagama maarmaan ah. Bakteeriyada loo yaqaano LACTIC ayaa ah mida ugu muhiimsan oo farjiga ka difaacda bakteriyada kale ee keeni karta khatrta. (Lactobacillus), ayaa bixisa bay’ad aashito ah oo ku jirta xubinta taranka haweenka oo ka ilaalisa bakteeriyada cudurada keena. Hadiise aad aragto cuncun joogo ah oo xanuun keena marka la xoqo kadib ama ur qadhmuun oo u eeg tan kaluunka iwm waxaa muhiim ah inaad la xidhiidho dhakhtarka haweenka.
Nadaafad la’aan gudaha iyo dibadda: inkasta oo aad sheegtay nadaafadaada, tan oo aan kugu amaanayno hada waa lagama maarmaan inaan ku darno liiskan. Waxaa muhiim ah inaad si qoto dheer u qalajiso kadib markasta oo aad dhaqdo ama aad istinjaysato. Qoyaanka ayaa marar badan sababa dhidid keena ur aan fiicnayn.
Cuntooyinka iyo cabbitaannada: cunista cuntooyinka qaar ayaa kordhin kara urtaas sida toonta, basbaaska sonkorta badan iyo cabitaanada adag sida qaxwaha iwm ayaa keeni kara in urtu isbadasho, tan ayaana lagu ogaan walai si cilmiyeysan.
Talooyin guud:
Ogow urtaada dabiiciga ah: guud ahaan haweenku waxay leeyihiin ur iyaga u gaar ah oo dabiiciya. Sidaa darteed waa muhiim inaad ogaato marka ay isbeddesho urtaadu, si aad uga sii hor tagto wixii dhibaato kuu keeni kara.
Ka fogow dhar adag: Dharka adag ee uuna jidhku ka neefsan karin ayaa iyaguna muhiim ah in la iska daayo ama la yareeyo hadii aan la haysan. Dharkan ayaa kordhin kara dhididka, taasoo keeni karta ur badan oo aan la jeclaysan.
Ka fogow isticmaalka saabuunta udgoon: Isticmaalka saabuunta udgoon ayaa keeni karta inay yarayso isu dheelitirka dabiiciga ah ee bakteeriyada farjiga, markaa kadibna keeni karta infekshanno. Waxaa kale oo muhiim ah in sida aad sheegtay waxaad isticmaashaa sabuun inaad maalin kasta isticmaasho waa laga fiican yahay.
Dhakhtarka tag haddii calaamadahu ay sii bataan
Gunaanad
Waxaa muhiim ah in aad dhakhtar ku takhasusay haweenka ee Gynecologist aad u tagto hadii aad waxba ka qaban waydo adigu. Waa lagama maarmaan tani. Waa muhiim inaad iska soo baadho Caabuqa fungal (Fungal infection) isaga ayaa marar badan keena urta la karaahiyeysto.