Uurku Baale Noqo (Iska Kay Fahan)

Ereyga “uurku baale” markaad maqasho, maxaa maskaxdaada kusoo dhacaya? Qof akhriya fikradaha dadka, ka hor inta aadan wax u sheegin, wuxuu garanayaa waxaad soo waddo ama waxaad rabto. Laakiin kawaran haddii aad ka dalbato qofka kula nool inuu noqdo uurku baale oo uu akhriyo waxa ku jira uurkaaga si uu u fahmo waxaad ku fikirayso? Tani waa arin si joogto ah uga dhex dhacda labada lamaane ee is qaba. Badanaa, midkood wuxuu ka filayaa in kan kale uu iska fahmo rabitaankiisa ama dareenkiisa, iyadoon wax wadahadal ah dhex marin. Waxaa dhacda in muran iyo jahwareer soo kala dhex galo lamaane badan sababo la xiriira isfaham la’aan, taas oo ka dhalata filasho aan xaqiiqo ahayn oo midba midka kale uga baahan yahay inuu noqdo uurku baale.

Tusaale ahaan, dumar badan waxay ka dacwoodaan in ninkoodu uusan qadarin dareenkooda xilliyada gogosha, isagoo moodaya inay la dareemayso wuxuu dareemayo. Tani waxay keentaa isfahan la’aan sababtoo ah midkood kama hadlayo rabitaankiisa, midka kalena wuxuu isku dayayaa inuu qiyaaso. Sidoo kale, rag badan waxay isku xirxiraan dareenkooda, iyagoo rajo ka qaba in xaaskoodu fahanto waxa ku socda, taasoo keenta qalalaase iyo su’aalo badan oo is daba socda.

Qoys ku dhisan qaabkan “iska kay fahan” waa qoys had iyo jeer ku jira jahwareer iyo muran. Si loo helo nolol qoys oo caafimaad qabta, waa muhiim in si furan oo daacad ah la isula hadlo, lana fahmo rabitaanka iyo dareenka qof walba si qoyska looga ilaaliyo kala fogaansho iyo is afgaranwaa.


Ina Sheik
Ina Sheik