Waji Gabax: Micnaha Dhaqanka iyo Saamaynta Bulshada


1. Hordhac

Waji gabax waa xaalad bulsho oo saameyn weyn ku leh qofka iyo bulshada guud ahaan. Maqaalkan wuxuu falanqeynayaa micnaha waji gabaxa, saamayntiisa, iyo doorka uu ku leeyahay caafimaadka maskaxda iyo baraha bulshada casriga ah.

2. Waji Gabax iyo Dhaqanka Bulshada

2.1 Xaqiiqooyin

Macnaha ama qeexida ereyga waji gabax waxaa la odhan karaa waa ceeb, sumcad xumo, sharaf dhac, ama niyad jab uu la kulmo, gaar ahaan marka uu dad hortooda ku ceeboobo ama fashilmo. Waxa kale oo lagu tilmaamaa waji fiiq. Waxaa kale oo ay noqon kartaa xaalad uu qofku galo taas oo uu ku doono “Alla yaa ku qariya,” qoomamo iyo yaxyax.

2.2 Falanqeyn

Waji gabaxu wuxuu saamayn aad u dheer ku yeeshaa qofkaas ceeboobay, si ay ahaataba. Sharaf dhacan ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid qofkan daba socda muddo aad u dheer, mararka qaarna aan waligii ka hadhin xataa geerida kadib.
Waxaa laga yaabaa in dadkeena Soomaaliyeed ay dhakhso u saamaxaan ama u iloobaan waji gabaxa siyaasiyiinta iwm., laakiin ay waligood daba socdaan sharaf dhaca la xiriira dhinaca sharafta iyo cirdiga gabadha ama qoyska.

2.3 Tusaale

Nin siyaasi ah ayaa dhac iyo boob aan xuduud lahayn samaynaya si uu ku gaadho dano isaga u khaasa, isagoon u aabo yeelayn shacabka doortay ee kalsoonida siiyey. Sababta uu sidan u yeelayona waa wuxuu og yahay in, hadii loo tilmaamo sharaf-dhiciisan, ayna saamayn wayn ku yeelanayn mustaqbalkiisa, sababtoo ah shacabka ayuu hore uga soo arkay inay sidii umusha u iloobaan waji gabaxa siyaasada. Hadiise uu isla siyaasigan waji gabaxiisu uu ku salaysan yahay qabiil kale, waji gabaxu wuxuu noqdaa mid sanado badan socda.

3. Waji Gabax iyo Caafimaadka Maskaxda

3.1 Xaqiiqooyin

Waji gabaxu wuxuu saamayn aad u wayn ku yeeshaa xaalada caafimaad ee qofka uu ku dhacay iyo kuwa u dhow, haday noqoto qoyskiisa, qabiilkiisa iwm.

3.2 Falanqeyn

Waxaa la arkay in qofku uu ka go’o bulshada, isagoo mar kasta isa su’aalaya: “Wajigeen lasoo baxaa oo aan dadka ku hortagaa?”
Wuxuu qofkan la kulmaa walwal badan, isagoo geli kara xaalad nafsi ah oo aad u adag, maadaama maskaxdiisu aad ugu mashquulsan tahay ceebtii kusoo gaadhay fagaare ama dad uu qiimaynayey.

3.3 Xal

Xalka ugu habboon waa in qofku aqbalo xaaladan uu galay, ogaadana in ay tahay waqti xaddidan oo uu dhaafi karo hadii uu adkaysto. Wuxuu kaashan karaa Alle (SWT), ehelkiisa, iyo inta jecel. Waxaa muhiim ah inuusan is dhiibin.
Waxaa iyaduna cilad kale oo aan xal lahayn noqon karta hadii uu qofku yiraahdo “waa iska caadi” oo uu yeesho indho adayg kale, taasoo sababi karta waji gabax kale oo uu mar kale la kulmo.

4. Waji Gabax iyo Baraha Bulshada Casriga ah

4.1 Xaqiiqooyin

Baraha bulshada guud ahaan, iyo khaas ahaan qaar kamid ah aaladaha casriga ah, waxay noqdeen waji gabaxa ugu weyn ee soomara ama soo mari doona umadda Soomaaliyeed. Saameyntoodu waxay taabatay wiilal iyo gabdho, yar iyo wayn, culimo iyo caaqilba.

4.2 Falanqeyn

Tusaale 1

Qaar ka mid ah baraha bulshada waxay sababeen waji gabaxa ugu wayn ee maanta loo isticmaalo gabdhaha Soomaaliyeed, mid ay iyadu isu gaysatay iyo mid kaleba. Waa meesha aaminaaddii iyo sharaftii gabdhaha Soomaaliyeed ay ku masaxantay. Waxaa wax caadi ah inay aaladahaas ka soo baxeen dad hore u ganacsan jiray jirkooda, balse ay hadda si badheedh ah ugu sameeyaan iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin Ilaahay ama bulshada.
Waxaa sidoo kale caadi noqotay in wiilashii Soomaaliyeed ay ka baayac mushtaraan cirdiga iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed. Waxaad moodaa in dadku ay iloobeen inay jirto aakhiro oo wax walba laguu kaydinayo.

Waxaa xitaa muuqata in wiilal qaarkood ay ku dhaqmayaan sidii haween, taasoo si joogto ah loogu sacbiyo. Ceebta, fadeexada, iyo fogaanshaha ka jira qaar ka mid ah baraha bulshada maaha wax la koobi karo. Waxaa jira dad badan oo is leh: “Waxaad hagaajinaysaa,” laakiin ay ilowsan yihiin in mararka qaar ay fiicnaan lahayd in ay ka aamusaan halkii ay sii faafin lahaayeen ceebta qof kale.

Tusaale 2

Waxaa sidoo kale jira dad aad u badan oo sharaftoodii iyo cirdigoodii dhawray, balse dhinaca kale uga faa’iidaystay baraha bulshada. Waxay dadka uga faa’iideeyeen dhinacyo kala duwan sida:

  • Diinta
  • Caafimaadka
  • Teknolojiyada
  • Wararka
  • Taariikhda
  • Cilmiga guud iyo khaaska ah

4.3 Talo

Talada kaliya ee meesha iman karta ama la sheegi karo waa in Ilaahay looga cabsado aaladaha casriga ah. Haddii aad tahay qof samaynaya waxyaabaha xunxun ama kan faafinaya, waa inaad xasuusnaataa in dhammaan ficillada laguu kaydinayo.


5. Gunaanad

Waji gabaxu waa arrin la tacaalay bulshada dhexdeeda, wuxuuna saameyn ku yeeshaa dhaqanka, maskaxda, iyo baraha bulshada casriga ah. Waa mas’uuliyadda qof kasta inuu fahmo saamaynta ay arrintan ku leedahay nolosha qofka iyo guud ahaan bulshada. Xalka ugu wanaagsan waa in qofku la yimaado dulqaad, Alle (SWT) kaashado, iyo in bulshada laga wacyigeliyo arrimaha sababi kara waji gabaxa.


Ina Sheik
Ina Sheik