Maanta waxaan rabaa inaan idinla wadaago aragtiyo iyo qodobbo muhiim ah oo aan ka soo qaatay buug ku qoran luqadda Danishka oo ciwaankiisu yahay “Jeg var en virkelig god mor før jeg fik børn”, oo micnihiisu yahay “Waxaan ahaa hooyo wanaagsan intii aanan hooyo noqon kahor.”
Ciwaanka buuggan markaad eegto, waxaad si fudud ugu fikiri kartaa waxyaabo badan oo aad ku fikiraysay intii aadan hooyo noqon. Waxaad iswaydiin kartaa: Maxaan seegay, maxaan dayacay, iyo sideen isku beddelay markii aan noqday hooyo?
Ma Adigaa Hooyo Xun Noqday Mise Wakhtiga Ayaa Ku Qaldamay?
Marka su’aalahaas oo dhan maskaxdaada ku wareegaan, waxaa muhiim ah inaad iswaydiiso: Ma anigaa hooyo xun noqday mise wakhtiga iyo nidaamka noloshu waa kan iga dhigay qof aanan hore u ahaan jirin? Si aad jawaab uga hesho su’aashan, waxaan halkan ku soo ururiyey toban qodob oo muhiim ah oo laga soo xigtay buuggaas, qodobbadaas oo aan u habeeyey si ay inaga anfici karaan hadii aynu nahay Muslimiin.
Toban Qodob oo Kaa Caawinaya Inaad Isbedel Sameyso
- Iswaydii: Yaa Aan Aahay Maanta? Ha ku mashquulin fikirka ah “waxaan ahaan jiray intii aanan wax dhalin,” maxaa yeelay taasi dib uma soo noqonayso. Halkii aad ka walwali lahayd wixii tagay, diiradda saar qofka aad maanta tahay.
- Xasuuso Qofka Aadan Ahayn. Ma tihid hooyadaadii, walaashaa, ama saaxiibtaadii. Waxaad tahay adiga oo kaliya. Aqoonso oo qaddari qofka aad tahay.
- Samee Jadwal Qoyska ah. Jadwalkaas ku dar wakhti kuu gaar ah oo aan la beddelin karin. U sheeg qoyskaaga in wakhtigan uu muhiim kuu yahay, sida wakhtiyada aad leedahay ballanta dhakhtarka.
- Dib U Qiimee Micnaha Guusha. Hadday hawsha aad qabato ay tahay tii ugu wanaagsanayd ee aad awooday oo aad ku faraxsan tahay, ogow in taasi tahay guusha dhabta ah.
- U Wanaagsanaaw Naftaada. Hooyonimada waa mas’uuliyad weyn, laakiin waa inaad naftaada ku boggaadin doorkaaga. Naftaada u tudho oo u naxariiso, si kuwa kugu xeeran ay iyaguna u naxariistaan.
- Dib U Eeg Yoolalkaagii Hore. Xasuuso hadafyadii aad lahayd intii aadan ubadka dhalin. Bilow hadafka ugu fudud oo aad ogtahay inaad ka soo bixi karto.
- Qiimo Saar Wanaagaaga. Marka aad isku qoonsato inaad ku qaylisay ubadkaaga, naftaada xusuusi inaad tahay ruux wanaagsan oo khaladaadku ay ka dhici karaan.
- Marka Xaaladdu Kugu Adkaato, Alle Gargaar Waydii. Is deji oo neefta qaboobo, ku celceli illaa aad dareento in jidhkaagu uu degayo. Hadba xaaladdii aad ku jirtay beddel, hadduu shaydaanku kuu sii dhiirranayo, lab rakcadood tuko si aad u hesho degenaan.
- Aamin Naftaada. Maskaxdaada ka saar inaad u baahan tahay boqolaal buugaag inaad ka akhrisato sidii aad u noqon lahayd hooyo wanaagsan.
- Farxadaada Muhiim Ahaw. Ahmiyada saar inaad ku mashquusho waxyaabaha ku farxad geliya ee aan Alle SWT cadho galinayn.
Gunaanad
Haddii aad iswaydiisay weligaa sababta aad isku aragtay hooyo aan wanaagsanayn, halkan ayaad ka heli kartaa jawaabta. Wakhti badan ha ku lumin fikirka “waxaan ahaan jiray,” balse ku noolow maanta, hooyada wanaagsan ee aad tahay. Maqaalkani wuxuu ahaa tilmaan wanaagsan oo nagu baraarujinaysa inay jiraan waxyaabo badan oo aan ogaan karno si aan u noqono hooyooyin wanaagsan oo faraxsan.