Waxaan Jeclaaday Naag Cadaan ah


Su’aal:
Waxaan jeclahay naag Finlands ah oo gaal ah. Waxaan deganhay dalka Finland waxaanan ahay nin arday ah. Markaas waxaan aad iyo aad uga helay qaabkeeda iyo quruxdeedaba. Gabadhu waa Finish ama Finlands, waxaan arkaa iyana iyadoo isoo eegaysa marar badan, sidii wax i jecel oo kale. Aniguna waan eega markaas mudaan saas ku jiraa ee sideen u la hadlaa? Ta kale haday iga yeeshaba sideen u sii wadan karaa jacaylka maadaama ay ka dhalatay qoys taajira aadna way u quruxbadan tahay, teeda kale diinta Kiristaanka ayey haysata. Sideen diintayda iyo dhaqankaygaba u ilaashan karaa iyana u heli karaa?

Jawaab:
Waxaad sheegtay kow inay gabadhu ku soo eegto sidii mid ku rabta oo kale, tan kale inay ka dhalatay reer taajiriin ah, tan xigtana inay tahay gabadh aan heysanin diintaada iyo dhaqankaagaba…

Tan kowbaad hadaan usoo laabano ee ah inay ku soo eegto, kama dhigna inay ku jeceshahay ama ay ku rabto inaad guursato. Walaal gees-caagow sheekadaadu waxay ku egtahay eegmo iyo inaad adigu iska dhaadhicisay inay kaa heshay saad uga heshay oo kale. Saas darteed waxaan ku odhan lahayn inta aadan qaadin talaabada oo ayna ku qaadin dhalinyaranimadu inaad aad uga fikirto arinta najiida ka soo bixi doonta iyo cidhibtay ku danbayn doonto. Markasta oo uu qof qaadayo talaabo cusub, waxaa fiican inuu ka eego arinta dhinacyo badan, si hadhow qofku uga shalaytoonin dhibaatada ka soo gaadhi karta arintaas, markaa walaal ka fiirso ayaan ku odhan lahayn arintaada tusaale.

Inaad eegto farqiga wayn ee u dhexeeya diintaada iyo diinteeda ( iyadooy xalaal kuu tahay inaad guursato gabadh ehlu kitaaba, hadana waxaa kuu wanaagsan oo mustaqbalkaagu ku xidhan yahay gabadh Islama tusaale waxay iyadu aamin santahay inay wax kastaa banaanyahay siduu ahaadaba, halka aynu inagu Muslimiin’aah ka leenahay waxa la yidhaahdo xuduud oo aynu ku dhaqano xalaal iyo xaaraam).

Labadiina dhaqan siday u kala fogyihiin (dhaqamada dadkan waxaa ku jira in ninkasta oo ay taqaana markuu salaamo inay habsiin karto iyadoo salaan ula jeeda, marka loo fiiriyo diinteena iyo dhaqankeenana waa arin aad ufog).

Farqiga u dhexeeya noloshiina maadiga (inay tahay gabdh ka dhalatay reer lacagle adiguna aad tahay ajanabi qoxoontiya).

Sadexdaas arimood ee aanu kuusoo sheegnay aad uga fiirso oo haku dagdagin sheekadan. Waxaa kuu fiican gabadh Soomaaliyeed oo aad isku diin, dhaqan, luqad iyo wadan wadaagtaan inaad raadsato, adoon isku qufulayn gabadhan indhaha buluuga’ah leh, quruxdaasi waa wax maalmo ku dhamaan doona.


Ina Sheik
Ina Sheik