Inaan tahriibo ayaan rabaa! 2025


Asalaamu calaykum,

Magacaygu waa Muuse, waxaan ahay wiil 21 jir ah oo ku nool Soomaaliya. Noloshaydu aad bay u adag tahay—waxbarasho ma dhammeysan, shaqo ma hayo, mustaqbalkana mugdi ayuu iigu jiraa. Waxaan arkayaa dhalinyaro badan oo tahriibaya, qaar Yurub gaara, qaarna Maraykanka qaarna la waayo. Maalin kasta waxaan la dhibaatoonayaa fikirka ah: ma iska joogaa mise waan baxaa?

Waxaan go’aansaday inaan tahriibo, aniga oo ka warqaba khatarta safarka. Waxaan maqlay dad badan oo saxaraha ku dhintay, qaar badaha ku qarqoomay, qaarna Yurub gaadhay laakiin nolol xun ku nool. Laakiin wali ma hubo go’aankayga, sababtoo ah noloshayda hadda ma fiicna.

Maxaad igu talin lahayd? Tahriibku ma fursad buu ii yahay mise waa halis aan naftayda ku luminayo? Fadlan ii nasteexeeya.

Mahadsanid.
Jawaab
(Magaca waa la beddelay si loo ilaaliyo aqoonsiga qofka.)


Walaal Muuse waad ku mahadsan tahay su’aashaada iyo kalsoonida aad noo muujisay.

Sida aad sheegtay waxaad ku jirtaa xaalad adag oo shaqo la’aan ah, waan garan karnaa in tahriibku uu kuula muuqday xalka aad kaga bixi lahayd dhibkan. Xaaladdaadu waa mid adag hadii aad ka eegto dhinac kaliya, sidaa darteed waxaan rabaa inaan kuu sheego in nolol kastaa ay leedahay caqabado iyo xal looga baxo caqabadahaas. Sida aad adiguba ogtahay tahriibku maaha wax sahlan oo lagu degdego, maalinkasta waxaan maqlaynaa dhalin yaro soomaaliyeed oo isoogu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo naftoodii kusoo halaagaya tahriib. Wadamadan qurbaha ee aan ku nool nahay hadii aad ogaan lahayd sida looga nacay qaxootiga khaasatan kuwa muslimiinta ah maadan ku fikirteen inaad naftaada usoo halaagto, meel kuwii kaasoo hareeyeyba wax muuqda ayna ka helin. Muuse walaal si kasta oo aan kuu tuso khatarta tahriibka, waad ka dharagsan tahay khatartiisa iyo silica iyo saxariirta aad kala kulmi karto, waa hadii aad naf ku gaadho. Ka fikir naxdinta iyo darxumada aad u keeni karto waalidkaa.

Hadaba walaal Muuse ka waran hadii aad ku siiyo xalal kale oo aad kaga badbaadi karto inaad naftaada khatar usoo galiso tahriib dartii.

1) Ha degdegin oo inta aadan falin ka fiirso:

Go’aanka tahriibku waa mid noloshaada dhan badali doona adiga iyo ehelkaagaba. Tahriibku keliya maaha safar aad galayso, ee waa nolol cusub, luqad cusub, cimilo cusub, dad cusub oo aan la hubin waxa aad kala kulmi doonto, waa hadiiba aad kusoo badbaado khatarta aad la kulmi karto. Hadaba intaadan go’aan gaarin, isku day inaad qiimeyso faa’iidada iyo khasaaraha ay leedahay inaad wadankaaga uga hijrooto, hijro aadan ogayn faa’iidadiisa, laakiinse aad ogtahay khatartiisa.

2) Tahriibku waa halis dhab ah:

Waan ogahay in aad maqashay halisaha la xiriira tahriibka, laakiin xaqiiqadu waa in dad badan ay noloshooda ku waayaan saxaraha iyo badda. Halka kuwo kalena ay ku dhacaan khatar kasii daran oo ah adoonsi la adoonsado, ama jidhkooda looga ganacsado nooc kasta oo aad sawiran karto. Halka kuwa Yurub gaadhayna ay la kulmaan xannibaad, cunsuriyad, shaqo la’aan iyo nolol adag. Waa hadii iyagana la qabalo. Guud ahaan wadamada yurub waxay isku wada raacsan yihiin in ay joojiyaan qaxoonti aqbalaadii, kuwii horena sidii ay u celin lahaayeen. Hadaba sababta aad khatarta isoo galayso inaad isa su’aashaa waa lagama maarmaan.


Baro frasamada gacanta: hadii sida aad sheegtay aadan haysan shahaado aad wax ku qabsato, waxaad ogaa taa shaqooyinka shahaadada lagu qabta ay aad uga yar yihiin shaqada shahaadada u baahan. Waxaad ogaataa in shaqadu ayna ceeb ahayn nooc ay tahayba. Shaqo la’aanta iyo shaxaadku hadii uu dhaqan kuu noqdo, waxaad ogaataa in ayna shaqo fadhi iyo hadal ayna ku iman.
Kuwani waa noocyo aad u samaysan karto shaqo abuur aad naftaada ku maarayn karto:

  • Daryeelka xoolaha (geel, ari, lo’)
  • Xamaali (Dekeda, Suuqa, ama Bakhaarada)
  • Nadaafadda guryaha iyo goobaha ganacsiga
  • Ka shaqaynta dhismayaasha faraha badan ee ka socda wadanka.
  • Mooto-bajaaj iwm
  • Iibinta biyo ama cabitaannada
  • Macallin dugsi Qur’aan
  • Maalinle ka shaqeeya suuqyada (Qaade/shaqaale suuq)
  • Farsamada gacanta baro (Timo jaris, kabo tolid, ama alxanka)
  • Sii iibinta qudaarta iyo raashinka.

Gabogabo

Muuse walaal go’aankasta oo aad qaadato waxaa muhiim ah inaad si aad u qoto dheer uga fikirto, kal atasho qofkasta oo kula jecel wanaag. Haku dayan dad kale oo naftooda halis galinaya. Waxaad ogaataa meelkasta oo aad joogto in risqiga ilaahay kuu qorayn aad helayso inta uu leeg yahayba.


Ina Sheik
Ina Sheik