Xidhiidh Xaaraam ah Ayey Iga Dalbadaan, Markaa Shukaansiga


Su’aal: Mayama

Waxaan la yabay arin igu dhacday wax badan. Waxaan ahay gabar somaliyeed oo jecel inay ku dhaqanto diinta Islamka, inkastoo aanan aqoon badan ka hayn diinta oo aan ahayn gabar wadaad ah. Hadan ma jecel inaan ku xadgudbo wixii Alle (SWT) i amray intaan ka aqaan iyo sunda Rasuulkena Muxamed (SCW). Waxaan arkaa in xagga Alle la iga imtixaamay. Allaaha naga dhigo kuwo ku guuleysta imtixaanka aduun iyo kan aakhiraba. Aamiin yaa Rabi.

Waxaan la sheekeystay niman badan oo Somali ah, kuligoodna waxa ay iska dhigaan markaan is baranay, dad diinta ku dhaqma. Laakiin wax yar ka dib, waxaan kala kulmay wax yabo diinta Alle ayna ogaleyn, iyaga weliba shaganaya inay guur xalal ah raba marka hore. Ka dibna, waxyaalo kale soo dhaxgaliya. Waxaan Alle dartis uga tagay rag badan markaan arkay inay sunada iyo Qur’aan labdaba ku xadgudbayan.

Ugu dambeynti, waxaan la sheekeystay wiil aan isku wadan jogno, waxaana igu soo xiray dad qarabadeyda ah. Asagoo weydiistey inuu iskaya baran, waxa ay i shegeen dadki qarabadeyda ah inuu yahay nin fiican. Malmo yar ka dib, markaan sheegeysannay, wuxuu igu bilabay telefoonka igu raxe subxanallaah. Markii ayda ahayd, waan iskaga amusay. Waxan iska dhigay telefoonki habeenki ku xigay, yu i soo wacay. Waxaan ku iri, “Xalay ma og tahay waxaad sameysay?” Wuxuu yiri, “Haa.” ayaan ku dhahay, “Ma ogtahay in labo malag garabkaga saran yihiin?” Wuxuu dhahay, “Haa.” Waan sua’aalay “Ma ogtahay inayn diinta Islamku waxaas ogaleyn?” Wuxuu yiri, “Haa.” Waxaan ku dhahay, “Ok, maxaad waxaas u sameyneysa?” Wuxuu dhahay, “Waan qaldamay, mar kale ma sameynayo, Insha Allaah.”

Hadan wuxuu isku dayay inuu sidaas oo kale igu dhaho hadalo macaan i dheh, oo aan isku jecelano, iga shege markasta jirkaga si an igu raxeysto, subxanallaah. Hadan waqti dheer wada socon laheyn, waxaan is oran lahaa, adiga xadgudbey oo shakada iyo hadalka dheer raba. Laakiin waxaan is naqan one week oo kaliya. Hadan waxaan go’aan ku garay inaan ku dhaho, “Iga rali ahow” oo aan iskaga tago. Because qofna diinta Alle ku dhaqmeyn oo xuman raba, aniga ma jeceli. Suaashaydu waa, maxaan ka sameeya karaa arinkan? An kala kumayo qof kasta oo aan barto.

Koley, arinkega waxaan u dhibanaya Alle (SWT). Waan ku samraya diinteyda, waan ka samarya xumaanta. Insha Allaah, ee bal maxaad talo iga siin kartan oo aan uga dadaali karaa inaayna igu dhicin arinkan mar kale?

Jzk kheyra jazaa.


Jawaab: Isurooneey.com

Walaalo, waxaan kuu hambalyeynaynaa marka hore caqliga uu Allaah ku siiyay iyo isagoo diintiisiina ku fahansiiyay. Ogowna diinteenu saad soo sheegtayba gabadha Islaamka ah sharafteeday xifdidaa.

Walaalo, su’aashaada saanu u aragno waxaan ku soo koobnay: Maxaa kugu soo aadinaya nimanka noocaas ah? Iyo sideed marka ugu horeysaba noocaas uga badbaadi lahayd?

Walaalo, arinta ku haysata ee ah in nin kasta oo kula sheekeysta kuula imaanayo (faaxisho), saanu ka aragno waa arin ku tacaluqda adiga iyo shaqsiyadaada. Taas oo aan Insha Allaah isku dayi doono in aan kuu dhigdhigno intii Illaahay na karansiiyo.

Mid waa kow ee adiga oo ah qof cafis badan ama aan shaqsiyadaada xagga nimanka ka dhisneyn. Ogow, hadduusan qofka ninka ahi kaa dareemin isku kalsooni iyo shaqsiyad dhisan in aad leedahay, wuxuu isku dayi in uu ku habaabiyo.

Markaan kuleenahay shaqsiyad dhisan iyo isku kalsooni muujina, waxaan ula jeedna walaalo in aad:

  • Sameysato pointiyo, oo aad leedahay ninka noocaas iyo noocaas ah, fikradaas iyo fikradaas leh ayaa ii imaankara oo aanba marka ugu horeysa albaabka ka furi karaa. Pointiyadana ha kuu xadidnaadaan. Pointiyadan waxay kugu caawinayaan in uusan ninkaas isaga ah kugula soo dhicin wax kasta, sababtoo ah wuxuu kaa arki in aad tahay gabadh isku kalsoon, mowqif leh, iwm.

Walaalo, waxaa isna mudan in aad isweydiiso oo aad pointiyadaada ku darsatid: “Yaan u aqaanaa wadaad, calaamadaheensa qofka wadaadka ah ku garan?” Sababtoo ah sida nooga cad su’aashaada, waxa kugu xadgudbaya oo idil waa kuwo aad umalaynaysay wadaado! Ogow, wadaadkuna ma aha bas qof maryihii xidhan ama Quraanka dhameeyay ama masaajidka ku xidhan ama afka ka sheegta wadaadnima’ee. Waxaa wadaad ah qofkey acmaashiisu/akhlaaqdiisu wanaagsanaadaan’e, qofkaasna waxaad ogaan kartaa bas markaad fikirkiisa ogaatid kadib.

Waxaa kale oo xalka kale u aragnaa in aad:

  • Ka taxadarto in uusan hadalkiinu ahaanin mid kaftan ku jiro, ee ha ahaado mid ka hadlaya mustaqbalkiina, oo ah guur, marka aad lahadleysidna tus in aad tahay serious. Hadaad aragtid isaga oo ka leex leexanaya in aad ka hadashaan mowduucyada ku saabsan mustaqbalkiina, ee adna aad u aragtid muhiimka, feejignow waa sign ama calaamad in uu uusan serious ahayn’ee!

Walaalo, waxaa dhici karta oo kale in aad adigu dirtid signal aadan ogeyn in aad direysid, sida in aad hadal jilicsan uu Allaah kugu abuuray leedahay, saas daraadeedna ay khalad kaaga fahmayaan nimanku. Saas daradeed, walaalo isku day bal sidoo kale in aad habkaad u hadasho fiirisid oo aad ra’yiga saaxiibtaa iyo ehelkagaba waydiisid sidey hadalkaaga u arkaan, sababtoo ah hadduu habkaad u hadleysid dhibaatooyin kuu keenayo, waxaanu kugula talin lahayn in aad badashid.

Takale ee aan kugula talin lahayn walaalo waa:

Iska jir oo iska jir cafiska badan, sababtoo ah iyagaa dhibaatooyinka kuu keenaya. Yuusan eray yar sida “macaanto,” “Xabiibt,” “I love You,” ama “waan ku jeclahay” kaa fakanin; sababtoo ah nimanku inta badan dumarka way ku fiiriyaan erayada, hadaad ka aamustidna waxay umaleeyaan in uu “Caadi” ka yahay xagaaga. Saas daraadeed, walaalo markaad wada hadleysaan dhagahaagu iyo maankaagu ha joogaan oo faajignow; markuu eray yar oo sida macaanto ah ka soo baxana tus in aad ka gubaneysid ereygaas si serious. Mar dambana uusan kugu dhihin eraygaas iyo mid udhigma; ogowna hadalkan oo aad ka dhiidhidaayi, wuxuu kaa moosi/badbaadin erayada kale ee ka waawayn ee uu kugula dhici lahaa!

Hadal iyo dhamaantii walaalo, waxaanu kugula talineynaa in aad naftaada gadaal ugu laabatid oo aad isweydiisid talooyinkan aan kuu soo sheegnay.

Illaahayoow walaashayo dhibaatada haysata ka dulqaad oo sii zawj wanaagsan oo ah key iyadu rabto Illaahayna raali ka yahay. Amiin.

FG!

Walaalo, ogow hadaad su’aal ka qabtid talooyinkaas ama aad rabtid in aad xadhi

id gaar ah nala soo yeelatid, markasta diyaar baanu kuula nahay. E-mailkaaga iyo informationkaaga midna ma gudbineyno, oo waxaan rabnaayi waa bas in aan walaashayaad tahay’ee kugu caawino sida aad dhibaatooyinkaas uga bixi lahayd.

Waanu ka xunahay e-mailkaaga noomaadan soo qorin hadaan information dheeraad ah ku soo weydiin lahayn!


Ina Sheik
Ina Sheik